|

25-Kamid ah Ciidamada Ammaanka Masaarida Oo Qarax Lagu Laayey

Sinai:Oct,25,2014(SDN/QJ)-Ilaa iyo Haatan inta la xaqiijiyey, waxa Geeriyooday 25-Askari oo kamid ahaa Ciidamada Ammaanka Masaarida, kadib markii gaadhi laga soo buuxiyey walxaha qarxa lala beegsaday Goob ay ku sugnaayeen Deegaanka Sinai.

brgWeerarkan ayaa ka dhacay meel u dhow deegaan lagu magacaabo El Arish oo ku taal dhinaca Waqooyi ee magaalada Sinai iyadoo lagu tilmaamay in uu weerarkan ahaa kii ugu qasaaraha badnaa muddo bilooyin ah.

Ciidamada ayaa la dagaalamayay olole ay wadeen maleeshiyaad xaruntoodu tahay deegaanka uu weerarku ka dhacay iyadoo hore weeraro xidhiidh ah lagu qaaday ciidamada.

Deegaanka Sinai ayaa noqday meel aan xasilooneyn tan iyo markii xukunka laga tuuray madaxweyne Xusni Mubarak sanadkii 2011.Waxayna maleeshiyaadka ay korhdiyeen weerarooda kadib markii la afgambiyay madaxweyne Morsi sanadkii aynu ka soo gudubnay.

Wararka qaar ayaa sheegaya in weerarka uu ahaa mid lagu badhtilmaameedsaday laba gaadhi oo qafilan oo xilligaas ku sugneyd goob gaadiidka lagu baadho.

Madaxweynaha dalka Masar Abdel Fattah al-Sisi ayaa shir degdeg ah isugu yeedhay golaha amniga qaranka dalka Masar isagoo ku tilmaamay weerarka in uu yahay mid argagaxiso.

Illaa iyo hadda ma jiro cid sheegatay inay ka dambeysay weerarkan hase yeeshee waxaa la rumeysan yahay ururka fadhigiisu yahay Sinai sheegayna in uu taageersan yahay ururka IS uu mas’uul ka yahay weerarkan geystey qasaaraha isugu jira dhimashada iyo dhaawaca.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed