|

24-Kii Saac ee ina Dhaafay Oo Saddex Marxuum Lagu Dilay Deegaanka Maygaagle, Maydad La Kala Qafaashay iyo Xukuumadda Oo Daawanysa

Qorilugud:May,21,2014(SDN/QJ)-Waxa faraha ka sii Baxaysa Xaaladda Deegaanka Qorulugud iyo Buuhoodle, iyadoo ay Dilal cusub ka dhaceen muddadii 24-ka Saacadood ee ina dhaafay.

maydadHabeen hore waxa deegaanka Qoriley ka dhacay dilka Laba Nin oo labada dhinac ka soo kala jeeda, iyadoo Maydka Labadaas Marxuun-na la geeyey Deegaanka Buuhoodle.

Sidoo kale waxa Shalay Casarkii gaabnaa  dil loogu Geystay Deegaanka Qaydarka marxuum kasoo jeeday Deegaanka Beesha Buuhoodle, waxana ay taasi keentay in labada Beelood ay ciidamo soo dhoobaan xuduuda u dhaxaysa.

Labada dhinaca ayaa haatan isku hor fadhiya Deegaanada  Balan-balle, waxana xaaladdu halis ugu jirtaa in dagaal toos ahi ka dhex bilaabmo labada beelood.

Marka laga tago dagaalka tooska ah ee labada beelood  ka dhex taagan, waxa jira Dagaalo hoose oo si gaadmo ah la iskugu qaadayo, iyadoo xilliyada Habeenkii inta badan ay gaadmadu dhacdo.

Dhinaca kale Beesha Deegaanka Qorilugud ayaa haatan si weyn u raadinaysa Maydka marxuum ka soo jeeday oo Habeen hore lagu dilay Deegaanka           Qoriley, isla-markaana Maydkiisii la geeyey Buuhoodle, iyadoo aan wali la aasin.

Xukuumadda Somaliland ayaan wali tallaabo qaadin si ay xaaladda gacanta ugu qabato, waxana goobta ku sugan ciidamo ka tirsan Somaliland oo la armay inaanay tallaabo qaadin.

Mu’aamaraadka labada beelood soo kala dhex galay, ayaa salka ku haya dilal iyo Aanooyin qabiil oo ka soo bilaabmay intii xukuumadda Siilaanyo xilka Haysay, walina waxa taagan  is ugaadhsiga labada dhinac.

Dadka reer Miyiga ah ee labada dhinac ka soo kala jeeda, ayaa iyagu bilaabay inay ka fogaadaan goobaha xuduudda ah ee labada dhinac iska galaan, waxana qax weyni ka dhacay Deegaanada la iska dhawaa markii hore.

 

SDN/QJ-Hargeysa

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed