|

22-sano kaddib oo xalay dekada Magaalada Muqdisho laga dhoofiyay Xoolo farabadan

Muqdisho Feb 27 2013 (SDN)— Muddo 22 sano ah kadib waxaa dekada Magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya ka biloowday dhoofinta xoolaha nool ee loo dhoofinayo dalalka caalamka.

Sida uu sheegay Wasiir ku xigeenka Wasaarada Ganacsiga iyo warshadaha Xukuumadda Soomaaliya C/qaadir Sheekh Ismaaciil xoolo badan oo nool ayaa muddo kadib dhoofinteeda ay ka bilaabatay dekada Muqdisho taasi oo lagu tilmaami karo mid horumar ah.

Wuxuu sheegay in xalay ay ka dhoofeen dekada Magaalada Muqdisho xoolo gaaraya 549 oo intooda badan ay yihiin lo’.

Inta badan xoolaha xalay laga dhoofiyay dekada Magaalada Muqdisho ayaa waxaa loo dhoofiyay dalka Oman halkaasi oo Ganacsato Soomaali ah ay u iibgeeyaan.

Wasiir ku xigeenka Wasaarada Ganacsiga iyo Warashadaha Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in Xukuumadda ay diyaarisay dhamaan agabkii kala duwanaa ee loo isticmaalaye marka la dhoofinayo xoolaha dalkeena Soomaaliya.

C/qaadir Sheekh Ismaaciil ayaa sheegay in Wasaarada ganacsiga ay ka warqabto waxwaliba oo kasoo daga dekada Muqdisho iyo wixii laga dhoofinaayo taasi oo uu ku tilmaamay inay tahay shaqada Wasaarada.

Dhanka kale mar uu soo hadal qaaday xiriirka kala dhaxeeya ganacsatada Soomaalida iyo Wasaarada ayuu sheegay in xiriir wanaagsan uu kala dhaxeeyo.

Arintani ayaa ah horumar ballaaran oo ay ku tilaabsatay Xukuumadda Soomaaliya maadaama dalkeena Soomaaliya gaar ahaan Magaalada Muqdisho muddo 22-sano ah oo colaad ay ka taagneyd aysan suuragal aheyn in Dekada Muqdisho laga dhoofiyo xoolo nool.

Inta badan xoolaha Soomaaliya laga qaado ee loo dhoofiyo dalka dibadiisa ayaa waxaa laga dhoofin jiray dekadaha Magaalooyinka Boosaaso oo Puntland ah iyo sidoo kale Dekada Berbera ee maamulka Soomaaliland oo ilaa iyo iminka laga dhoofiyo.

SDN-Muqdisho

Comments are closed