22 Guurada Xornimada Itoobiya oo Si weyn Hargaysa looga dabaal degay
Hargaysa 29.May (SDN) Xuska 22 Guurada ka soo wareegtay Marki ixukunka laga tuuray taliskii kali talska ahaa eeMingiste Hailemarim laga Tuuray Xukunka ee Labaadtanka Gimbood ayaa Laga Xusay Somaliland
Munaasibad Balaadhan Oo lagu Qaybtay Hotel Maansoor ee Magaalada Hargaysaa laguna xusayay Maalinta Xoriyada Wadanka Ethiopia Ayaa waxa ka soo qayb galay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada ,Xubno Mid ah Golayaasha Qaran Marti Sharaf aad u badan iyo Jaaliyada wadanka Ethiopia ee Ku Nooll Wadanka Somaliland
Munaasibadan oo ugu horeyn lagu soo bandhigay Films ka Turjumaya markii Xukunka Laga Tuuray kalidii Taliyihii Migeste Hailamariam iyo suugan ka turjumaysa taarikhada wadanka Ethiopia iyo Horumarka ay imika Ku talaabsatay.
Ugu Horey waxa Goobtaas ka Hadlay Safirka Dawlada Ethiopia U Fadhiya wadanka Somaliland General Tasfya Taye isagoo ku dheeraaday taarikhada dheer ee loo soo maray xoraynta wadanka Ethiopia waxanu Tilmaamay xidhiidhka ka dhexeeya Wadanka Somaliland Iyo Ethiopia iyo sida wanaagsan ee ay iskaga kaashaadan dhinacyada Horumarka ,Nabad Galyada iyo waxwada Qabsiga ee Labada dal, Isagoo arrimahaas ka hadlaya Waxa uu Yidhi “Xidhiidhka Wallaalnimada ah ee Shacabka Somaliland iyo Itoobiya wuxuu noqon doonaa mid waara”.Ayuu yidhi Safiirka Itoobiya u fadhiya Somaliland, Safiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Haddii aynu ka eegno dhinaca diblumaasiyada xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya ka dhexeeya maaha diblamaasiyadii ku salaysnayd beenta, labada dal xidhiidhka ka dhexeeyaa waa mid xaqiiqo ku salaysan, labada shacabna way og-yihiin”
Safiirka Itoobiya, waxa kale oo uu ka hadlay Iskaashiga dhanka amaanka ee ka dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya waxaanu yidhi “Xidhiidhka nabadgalyo ee ka dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya, adduun-waynaha kama qarsoona, taasina waxay ka turjumaysaa haddii Somaliland dhib soo gaadho Itoobiya ayay soo gaadhay”
Dhinaca kale isna waxa goobtaasi ka Hadlaya Gudoomiyaha Golaha wakiilada Somaliland Ahna Gudoomiyaha Xisbiga wadani Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilahi Cirro oo ku dheeraada sida wanaagsan ee ay dawlada Ethiopia ugala shaqayso Somaliland dhiancyada Horumarka .
Geesta kalena waxa ka hadlaya wasiirka wasaarada Madaxtooyada Somaliland Md Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ka sheekeeyay taariikhada Somaliland Iyo Wadanka Ethiopia U Dhexeeya oo gaadhay Meel Aad u saraysa taasi oo uu Tilmaamay ilaa wakhtigii Uu Dalkan Xukunka Ku Haystay Kalidii Taliye Siyaad Bare taasi oo wadanka Ethiopia uu xukunka Ku Haysaatay migste Hailemarian Taasi Oo Ay labada wadan Iska Kaashadeen Sidii ay Xilka Uga Tuuri Lahaayeen labadasi kalidii Taliye ee Xukunka Ku Haystay Dawladaha Ethiopia Iyo Somaliland
Intaasi ka Bacdi waxa laga wada hadlaya mashaariicda ABAY oo imika Gabo gabo ku dhaw taasi oo dad badan oo reer Somaliland ahi ku darsadeen hantidooda.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com