Home » 1:20 am Entries posted on “January, 2023”

Ganacsatada Berbera oo ka gadooday habraac cusub

Berbera January 17, 2023 (QJ) – Xafiisyada canshuur ururinta dekeda Berbera ayaa maalmihii u danbeeyay aan shaqeyn ka dib kolkii la sheegtay in Ganasada dekedaa ay ka biyo diideen habraac ay wasaarada maaliyada ku soorgtay habka canshuuraha loo ururiyo. Wasaarada ayaa amartay in ganacsatadu qaadi doonto masuuliyada hantida ay lunsadaan shaqaalaha wasaarada ama khalaadaadka miisaaniyadeed ee […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Odawaa oo ka hadalay weerarkii Xawaadleey

Xawaadleey January 17, 2023 (SD) – Weerar dad badani ku dhinteen oo ay geysteen kooxda Al Shabaab ayaa lala beegsaday xero ciidamada Soomaaliya ku leeyihiin magaalada Xawaadleey. Weerarka oo markii hore ku bilowday qarax ismiidaamin ahaa ayaa waxa ku geeriyooday ciidamadii halka ku sugnaa oo uu ku jiro taliyihii ciidamada ee aagaa Cornel Maxamuud Maxamed Shataqeey […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Kenyan loo heysto weerar Kaniisad lagu qaaday

Congo January 17, 2023 (QJ) – Ciidamada amaanka Congo ayaa xabsiga dhigay nin Somali Kenyan ah oo lagu eedeeyay in uu ka danbeeyay qarax 10 ruux ku dhinteen oo Axadii lala beegsaday Kaniisad dalkaa ku taal. Ninkan oo ciidamada sirdoonka Kiinya magaciisa ay ku sheegeen C/risaaq Muqtaar Garaad oo 29 jir ah kana soo jeeda Wadjeer […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Beydhabo gaaray

Beydhabo January 16, 2023 (SD) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa manata gaaray magaalada Baydhabo oo lagu wado in uu dhawaan ka furo shirka dib u heshiisiinta maamul goboleedka Koonfur Galbeed. Madaxweyne Xasan ayaa waxa garoonka duyuuradaha manta ku soo dhaweeyay Madaxweynaha aamulkaas ee xilkiisu dhamaaday C/asis Laftagareen. Madaxweyne Xasan ayaa guddoomiyaha Baarlamaanka Aadan Madoobe […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Qaadka Kiinya laga keeno oo la laba laabay

Baydhabo January 16, 2023 (QJ) – Warbaahinta dalka Kiinya ayaa baahisay in dawlada Soomaaliya ay fasaxday labalaabka qaadka laga keeno dalka Kiinya iyada oo fursad la siinayo beeraleyda maandooriyaha. Qaadka iminka Muqdisho laga dejinayo ayaa cadadiisa la gaarsiiyay 50 ton iyada oo uu hore u ahaa 19 ton. Qiimaha kiiladii Qaadka ah waa $23 dollar. Dawladii […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Al Shabaab oo weeraray ATMIS iyo Xaradheere oo laga wareegay

Muqdisho January 16, 2023 (QJ) – Kooxda Al Shabaab ayaa la sheegtay in ay manta weerar gantaalo ahaa ku qaadeen xarumo ay ciidamada Somalia iyo kuwa ATMIS ku leeyihiin degmeda Maxaas ee Gobolka Hiiraan. Ciidamada oo ka warhelay weerarka ayaa la sheegtay in ay iska caabiyeen kana jawaabeen gantaalaha Shabaabku ku rideen, hal ruux ayaa ilaa […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Somaliland oo eedeysay Safiirka Mareyknaka Muqdisho

Hargeisa January 15, 2023 (QJ) -Somaliland ayaa safiirka Mareykanka Muqdisho u fadhiya ku eedeeysay in uu caadeystay in uu Somaliland ku sheego degmo ka tirsan Soomaaliya. War ay manta ku baahisay wasaarada arrimaha dibedda Somaliland ayaa lagu dhaleeceeyay in Safiirka Mareykana ee Soomaaliya Larry Andrea uu berbera ku sheegtay in ay Soomaaliya ka tirsan tahay. […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Askari dilay nin Shacab ahaa oo dil lagu xukumay

Muqdisho January 15, 2023 (QJ) – Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa manata xukun dil ah ku riday askari dhawaan Muqdisho ku dilay nin ganacsade ahaa. Maxamada ayaa sheegtay in askerigu marxuum Abuubakar Maxamed Nuuraani si ula kac ah ugu dilay degmeda xamarweyne dhawaan ka dib kolkii uu diiday in uu siiyo lacag tiradeeda lagu sheegtay shan […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Axmed Madoobe oo booqanaya Jabuuti

Jabuuti January 15, 2023 (SD) – Kulan manta madaxtooyada Jabuuti ku dhexmaray Madaxweynaha dalkaa Ismaaciil Cumar Geelle iyo Madaxweynaha maamulgoboleedka Jubaland Axmed Madoobe ayaa la sheegay in looga wadhadlay iskaashiga labada dal ee dhincyada horumarka iyo amniga. Ujeedada Safarka Madaxweynaha Jubaland ee Jabuuti lama soo bandhigin. Balse madaxweyne Axmed Madoobe ayaa ka mahadceliyay caasumada iyo sida […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Shir looga hadlayo dhaqaalaha Soomaaliya oo ka furmay Nairobi

Nairobi January 15, 2023 (QJ) -Kulan sadex cisho soconaya ayaa magaalada Nairobi uga furmay manta dawlada Soomaaliya iyo bangiga aduunka iyo heyada IMF. Kulanka ayaa lagu wadaa in looga wadahadlo deymaha labada hayadood ku leeyihiin Soomalaiya iyo dib u habeynta iyo horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya. Kulanka oo ay ka qeybgeli doonaan Wasaaradaha qorsheynta, shidaalka, Bangiga dhexe […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »