Home » 4:31 pm Entries posted on “November, 2022”

AlShabaab oo deegaano kale lagala wareegay iyo faahfaahinta

Muqdisho. 8 November, 2022. (QJ)- Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa Galabta la wareegay gacan ku heynta deegaanka Wabxo ee gobolka Galgaduud oo fadhiisin muhiim ah u aheyd Al-shabaab. Dagaal culus ayaa la sheegay iney ciidamada iskaashanaya kula wareegeen deegaanka Wabxo, kadib afar jiho ah oo ay ka galeen ciidanka deegaanka Wabxo, […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Bangiyada Somaliland oo lacago badan lagala baxay iyo mashaariicda oo istaagay

Hargeysa. 8 November, 2022. (QJ)- Gudaha Somaliland waxa sii kordhaya dadka lacagaha kala baxaya bangiyada iyadoo lacago badan ay dadku la baxayaan kana cabsi qabaan xaaladda dalka wixii ka danbeeya 13 November oo muddo xileedka madaxewynaha ku eg. Madaxda bangiyada qaarkood oo warbaahinta Qurbejoog ay waraysatay waxay noo sheegeen in xaaladdu ku adag tahay isla […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Beesha Caalamka oo Muuse Biixi fartay in la qabto doorashadii madaxtooyada

Hargeysa. 8 November, 2022. (QJ)- Beesha Caalamka ayaa u sheegtay madaxweynaha Somaliland in loo baahan yahay in la qabto doorashadii madaxtooyada Somaliland, isla markaana xal laga gaadhoo arimaha jira. Beesha Caalamku waxay waydiisay Muuse Biixi mawqifkiisa maadaam wakhtigisu dhammaanayo iyadoo ay soo jeediyeen in xal degdeg la gaadho si doorasho ay uga dhacdo Somaliland. War […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Dawlada Soomaaliya oo xanibtay lacago ay dhigatay bangiyada dalka

Mogadishu November 07, 2022 (SD) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku guulaysatay inay haatan xanibto akoono maaliyaddeed oo ay kooxda Al-Shabaab ku lahaayeen xawaaladaha iyo bangiyada dalka, sida uu shaaciyey wasiirk ku-xigeenka warfaafinta. Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Caddaala, oo saxaafadda la hadlay ayaa maanta xaqiijiyay in akoonada la xanibay ay ku jirtay lacago faro badna oo kooxda Al-Shabaab […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Ururada Siyaasadda Somaliland oo quus taagan

Hargeysa. 7 November, 2022. (QJ)- Ururada Siyaasadda ee Somaliland ee kasoo gudbay wareega madax taabashada ayaa quus ka jooga in ay doorasho galaan, iyadoo imika walaacyo badan ay soo baxayaan. Warbaahinta Qurbejoog oo ogaatay aragtiyaha madaxda ururada iyo hadalo ay sheegeenba, waxay muujinaysaa xogta aanu helnay in madaxda ururadu aanay ku niyad samayn balan qaadkii […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Burco oo farriin cad u dirtay Muuse Biixi maanta

Burco. 7 November, 2022. (QJ)- Magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer waxa maanta oo Isniin ah si ballaadhan loogu soo dhaweeyay madaxda mucaaradka Somaliland gaar ahaan xisbiga Waddani. Kumanaan ka mid ah shacabka Burco ayaa daanta bari ee magaalada kusoo dhaweeyay weftiga oo Caynaba kasoo baxay. Musharax madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro wuxuu mar kale ku celiyay […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Sharaxaad laga bixiyay heshiiska shidaal baarida ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Coastline exploration

Columbus November 06,2022 (QJ) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan sheegtay inay sixiixday heshiisyadii soosaarka shidaalka ee u dhexeeyey dowladda Soomaaliya iyo shirkadda Coastline Exploration, ka dib markii dib loo saxay qodobadii ay dawladdii hore ee Soomaaliya tabashada ka muujisay bishii February ee 2022, xilligaas oo ay dawladda Soomaaliya ku gacansaydhay heshiiska lala galay shirkadda Coastline […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay,wareysiyo | Read More »

Waddani oo dhaliishay safarka Agaasime Xergeeye ee dalka Norway

Oslo November 06, 2022 (QJ) – Agaasimaha wasaarada Caafimaadka Somaliland oo boqaanaya dalka Norway ayaa wejahaya eedo la xiriira musuqmaasuqa wasarada iyo safarkiisa. Masuuliyiinta Xisbiga Waddani ayaa qoraal ay kaga hadlayaan safarka Agaasime Xergeeye iyo fadeexada dul hoganaysa saxaafada u gudbiyay. “Ka dib baadhitaano aanu galanay waxaa noo soo baxay in aanu Agaasimaha Guud ee Wasaarada […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Maxaa kasoo baxay shirkii Muuse Cabdalle oo cabsi hor leh xukuumadda ku noqday

Hargeysa. 6 November, 2022. (QJ)- Shirkii beesha Muuse Cabdalle ee uu kasoo jeedo murashaxa madaxweynaah xisbiga Waddani, Cbadiraxmaan Cirro, ayaa lagu soo afmeeray deegaanka oodanaha ah ee Isku-dar, kaas oo laga galo hal waddao oo kaliya isla markaana aanay ka dhicin moobilada iyo dhammaan ateenada kale. Shirka ayaa xogtiisa aad loo adkeeyay balse warbaahinta Qurbejogo […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Qorshaha Muuse Biixi ee waxa xigaya wareega Madax-taabashada iyo culaysyada jira

Hargeysa. 6 November, 2022. (QJ)- Madaxweynaha Somaliland ayaya taladu kusoo ururtay kadib Wareega Madax taabashada ee Ururada Siyaasadda oo lasoo afmeeray isla markaana lagu dhawaaqay ururada u gudbay wareega xiga, waxaan hawsha la wareegaya komishanka doorashooyinka. Muuse Biixi ayaan xeer u haynin doorashada ururada ee uu doonayo in lasoo horaysiiyo xili muddo xileedkiisuna uu dhammaanayo […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »