Home » 3:43 pm Entries posted on “October, 2022”

Beesha Garxajis oo shirkii Burco iclaamisay

Hargeysa. 16 October, 2022.(QJ)- Salaadiin iyo madax dhaqameed kasoo jeeda beelwaynta Garxajis ayaa maanta Hargeysa kaga dhawaaqay shir ballaadhan oo ay iskugu imanayso beeshu. Suldaan Cismaan Suldaan Cali Madar oo ka mid ah salaadiinta beesha ayaa ku dhawaaqay wakhtiga shirka. Suldaanku wuxuu hore ula socday Wasiir Siciid Sulub balse salaadiinta beesha ayaa ku guulaystay in uu […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Soomaaliya oo taariikh cusub ka dhigtay kubadda cagta Afrika

Muqdisho. 15 October, 2022. (QJ)- Xulka kubadda cagta Soomaaliya ee ka yar 17 jirka ayaa dhigay taariikh cusub maanta. Xulka ayaa ku guulaystay Horyaalka Bariga iyo Badhtamaha Afrika ee ciyaartoyda da’doodu ka yartahay 17 sanno. Ciyaarta final ka ii ka dhacday Addis Ababa ayay xulku kaga badiyeen dalka Koonfurta Sudan 3-1. Raysalwasaaraha Soomaaliya ayaa u […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Muuse Biixi oo weli haysta xoghayihiisii Mubarik Taani

Hargeysa. 15 October, 2022. (QJ)- Madaxweynaha Somaliland ayaa la sheegayaa in weli uu ku dheganyahay xoghayihiisii gaarka ahaa oo shaqada baneeyay bishii aynu soo dhaafnay. Muuse Biixi ayaa tolka Mubarik Taani u sheegay in ay dalka kusoo celiyaan si loogu sameeyo baadhitaan dhanka musuqa ah oo uu madaxweynuhu ku eedeeyay. Xogo aanaan xaqiijin karin illaa […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Faahfaahinta qarax ka dhacay inta u dhaxaysa Muqdisho iyo Afgooye

Muqdisho. 14 October, 2022. (QJ)- Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax xooggan oo maanta ka dhacay wadada dheer ee xidhiidhisa magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye, iyadoo qaraxa uu sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh. Sida wararku sheegayaan, qaraxa oo ahaa Miino wadada dhineceeda la galiyay ayaa qabsatay gaadhi Caasi ama Homey ah, waxaana saarnaa dad shacab ah , […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Ujeedada safarka Raysalwasaaraha Soomaaliya ee Itoobiya

Muqdisho. 13 October, 2022. (QJ)- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta safar shaqo ugu ambabaxay Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya. Wafdiga waxaa garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde ka sagootiyay Xubno katirsan Golaha Wasiirada Soomaaliya halka Wasiiro kale iyo la taliyeyaal ay qeyb ka yihiin safarkiisa. Agaasimaha Warfaafinta […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Booliska Somaliland oo qabtay haweenay tacadiyo u gaysatay gabadh yar gudaha Hargeysa

Hargeysa. 13 October, 2022. (QJ)- Ciidamada Booliska Somaliland ayaa maanta sheegay in ay gacanta ku soo dhigeen haweenay laga dhex arkayay muuqaal Baraha Bulshada qabsaday oo ah gabadh yar oo ay garaacayso gudaha magaaalda Hargeysa. War kasoo baxay booliska ayaa lagu yidhi: “Ciidanka Booliska JSL ayaa hawl-gal ay saaka Saladii subax sameeyeen gaar ahaan Saldhiga New […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Muuse Biixi oo ballanta kaga baxay xubno ka mid ah Beesha Caalamka

Hargeysa. 12 October, 2022. (QJ)- Madaxweynaha Somaliland ayaa u jaray balan uu la lahaa xubno ka mid ah Beesha Caalamka oo Hargeysa ku sugnaa, iyadoo amakaag ku noqotay xubnaha sababta ku kaliftay Muuse Biixi arintaa. Biixi ayaa safiirka dawladda Finland ee Soomaaliya oo Hargeysa joogay meermeeriyay isagoo markii danbana la ballamay saacadda ku beegnayd bixitaanka […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

TV-ga CBA oo xayiraada laga qaaday kadib lacag “baad ah” oo laga shubtay

Hargeysa. 11 October, 2022. (QJ)- Telefishanka CBA ama Codka Bariga Afrika ayay maanta xayiraada ka qaaday xukuumadda Somaliland, kadib lacago baad ah oo ay ka qaateen wasiiro xukuumadda Muuse Biixi ku abtirsada. Maamulka CBA waxay warbaahinta u sheegeen in laga qaaday adduun dhan $10,000 iyagoo aan garanahayn sabab looga qaaday lacagtaas. Wasiiro ay ka mid […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Dadka deegaanka Halleeya oo si adag u diiday damac Muuse Biixi iyo wasiiradiisu wateen

Hargeysa. 11 October, 2022. (QJ)- Dadka deegaanka Halleeya ee duleedka bari ee magaalada Hargeysa ayaa si adag ugasoo hor jeedsaday damaca xukuumadda Somaliland ee ah in dhulka deegaanka dawladdu la wareegto iyadoo la sheegay in Aag Warshadeed laga dhigayo. Dadka deegaanka oo uu suldaan u yahay suldaanka guud ee Somaliland, Suldaan Daauud Suldaan Maxamed, waxay sheegeen […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Gudoomiyihii deegaanka Qoryoolay ee Soomaaliya oo la dilay

Muqdisho. 11 October, 2022. (QJ)- Wararka ka imanaya gobolka Shabeelada Hoose ee Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegaya in Qarax lagu dilay gudoomiyihii degmada Qoryooleey. Sida wararku sheegayaan, Qaraxa lagu dilay gudoomiye Sayid Cali Ibraahim oo ahaa Miino nooca dhulka la galiyo ayaa ka dhacday goob uu gudoomiyaha ku sugnaa waxaana la geeriyooday mid kamid ah […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »