Home » 6:47 pm
Entries posted on “February, 2018”
Hargaysa 06. February 2018 (SDN/QJ):-Dawladaha Somaliland, Imaaraadka Carabta iyo Itoobiya ayaa bishan gudaheeda dalka Imaaraadka Carabta ku soo kala saxeexanaya hirgelinta saamiga 19% ee Itoobiya laga siiyay maalgashiga dekedda Berbera. Sidaas waxa sheegay wakiilka Somaliland u jooga dalka Itoobiya Cali Xuseen Ismaacil ( Cali Shoonbe ), waxaanu sheegya in wasiiro ka socda Itoobiya ay dhawaan […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Berbera 06. February 2018 (SDN/QJ):-Gudoomiyaha Gobolka Saaxil ayaa Maanta Xilkii u Kala Wareejiyey Maamulihii Hore ee Kastamka Magaaladda Berbera iyo Maamulaha Cusub ee dhawaan Wasiirka Maaliyaddu u Magacaabay.
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Hargaysa 06. February 2018 (SDN/QJ):-Wasiirka Wasaaradda Xannaanadda Xoolaha Iyo Horumarinta Kalluumaysiga Somaliland Isla markaana Weli haya Xilkii Afhayeenka Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye Xasan Maxamed Gaafaadhi ayaa Maanta hor tagay Guddida Joogtada ah ee Golaha Guurtidda Somaliland.
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Hargaysa 06. February 2018 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa beesha caalamka ka diiday in ciidanka qaranka Somaliland dib uga soo noqdo degmada Tukaraq ee gobalka Sool oo ay ciidamada qaranka Somaliland dhawaan la wareegeen, ka dib markii ay maleeshiyaadka Puntland ciidanka Somaliland ku soo qaadeen weerar. Warar xogogaala oo uu Wargayska Geeska Afrika […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Hargaysa 06. February 2018 (SDN/QJ):- Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Mudane C.raxmaan Maxamed C.laahi Cirro oo Kulan Warbaahineed Maanta ku qabtay Xarunta Guud ee Xisbiga Waddani ee Caasimadda Hargaysa ayaa ka hadlay Kulan ay doraad wada qaateen Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Gudoomiyeyaasha Xisbiyada Waddani iyo Ucid. Waxa uu Mudane Cirro Sheegay in Kulankaas […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Hargaysa 06. February 2018 (SDN/QJ):-Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley wefti uu hoggaaminayey wakiilka Hay’adda qaramada midoobay una xilsaaran horumarinta dhallaanka ee UNICEF u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya, Mr Steven Lauwrier. Kulankan madaxweyne ku-xigeenka iyo u qabsanaha hay’adda UNICEF ee Somalilnad iyo Soomaaliya, ayaa lagaga wada hadlay arrimo dhawra oo […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Jabuuti 05. February 2018 (SDN/QJ):-Fannaanka Xasan Aadan Samatar wuxuu ku dhashay kuna soo barbaaray magaalad diinsoor ee gobolka baay. Xasan aadan waxoo soo shaac baxay Todobaatanaadkii, waxoona Ahamiyad weyn u lahaa barnaamijkii Horumarka Fanka Somaaliyeed (Heesha Hirgalay) ee Golaha Murtidda iyo Madadaaladda iyo Heestii Caanka noqotay ee (Sida Hogosha Roobka) iyo Codkii Wiilka Dhalinta Yar […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Muqdisho 05. February 2018 (SDN/QJ):-Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, ayaa ka hadlay qorshaha Cashuur-qaadista sannadkii tegay, kan hadda bilawga ah iyo qaabka cusub ee Wasaaraddu u kordhisay Cashuurta, Mushaharka Shaqaalaha dawladda, qaabka loo bixin doono, samaynta lacag cusub iyo caqabadaha hortaagan. Wasiir Cabdiraxmaan Bayle, waxa uu arrimahaas kaga hadlay Shir Jaraa’id oo uu […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Ceerigaabo 05. February 2018 (SDN/QJ):-Sheekada Arraweelo oo ah mid caan ka ah Soomaalida dhexdeeda, ayaa waxaa jirta goob ku taala meel u dhow magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag, halkaas oo dadka deegaanka ay u aqoonsanyihiin in ay tahay qabrigii Caroweelo, halka dadka qaarkoodna ay u garanayaan in ay tahay halkii ay fadhiisan jirtay.
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Hargaysa 05. February 2018 (SDN/QJ):-Xoghayihii hore ee dawladda Hoose ee Hargeysa, Cali Xasan Cawaale ayaa maanta xilkii si rasmi ah ugu wareejiyey xoghayaha cusub Axmed Aadan Yoonis (Juxa) ee xafiiska ka beddelaya oo uu soo magacaabay wasiirka daakhiligu. Xoghayihii hore Cali Xasan Cawaale ayaa khudbad dheer oo uu ka jeediyay xafladii xil wareejinta waxa uu […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »