Home » 6:59 pm Entries posted on “January, 2018”

Gudoomiye C.raxmaan Cirro oo Madal Il yartu is qabatay Kaga Hadlay Colaada ka soo Cusboonaatay Deegaanka Dararweyne,Gaadhista Xudduudaha & Arrimo Kale oo Xasaasi ah DAAWO

Boorama 22. January 2018 (SDN/QJ):-Guddomiyaha Xisbiga Waddani Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa baaq nabadeed u diray Beelaha Walaalaha ah ee Colaadu ku dhexmartay Deegaanka Ceel-afwayn waxaanu ugu baaqay in waxkasta laga horaysiiyo nabada iyo wadda dhalashada. Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Mudane C.raxmaan Maxamed C.laahi Cirro oo ku Sugan Magaaladda Boorama ayaa Maanta ka […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

“Darar weyne Cidda ku Daggaalla-meysa waa xukuumadda iyo beelyar, Hubkii iyo qoryihii xukuummadda Ayaa Beel  lagula Daggaalamaya,Beesha Garxajisna Dagaalka si Toos ah ayay u Gelaysaa Hadii ay Sidaas ku sii Socoto” Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir DAAWO

Hargaysa 22. January 2018 (SDN/QJ):-Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir ayaa Maanta Sheegay in Dagaal beeleedka ka dhacay deegaanka Dararweyne ee Gobolka Sanaag aanu ahayn dagaal u dhexeeya laba beelood balse waxa uu xusay inay Dagaalamayaan Xukuumadda iyo Beel yar sida uu hadalka u yidhi. Suldaanku Waxa uu sheegay in Beeshiisa Garxajis ay […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

” Mushaharka Dawlada Inta Badan Waxaa Qaata Dad Aan Shaqeyn & Mid aan Jirin ” Madaxweynaha Muuse Biixi DAAWO

Hargaysa 22. January 2018 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in ujeedda laga leeyahay barnaamijkan shaqaalaha dawladda lagu tiro koobayaa tahay sidii kor loogu qaadi lahaa kalsoonida ay shacabku ku qabaan shaqaalaha dawladda ee gacanta ku haya adeegyada bulshada loo hayo, waxaana uu yidhi,“Ujeeddada aynu hawshan iyo tirintan ka leenahay waa inaynu dadka […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Qasriga Madaxtooyadda Somaliland oo Maanta Lagu Daah furay Qorshaha Madax Taabashadda iyo Tayaynta Shaqaalaha Dawlada & Khudbadii Gudoomiyaha Hay’ada Shaqaalaha Iyo Wasiirka Shaqo Gelinta DAAWO

Hargaysa 22. January 2018 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa si ramsi ah u daah-furay qorshe ballaadhan oo lagu tiro koobayo shaqaale weynaha rayidka ah ee ka hawlgala xarumaha kala duwan ee dawladda, kaas ay hormood ka tahay hay’adda shaqaalaha dawladdu. Munaasibadda daah-furka hawshan oo maanta  ka bilaabantay madaxtoyada Somaliland, ayaa waxa ibo furay madaxweynaha […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Madaxweyne Ku Xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland oo Gaadhay Fadhiisimaha Ciidamada Qaranka ee Degmada Tuka-raq ee Gobolka Sool SAWIRO/DAAWO

Tuko Raq 22. January 2018 (SDN/QJ):-Wefti uu hoggaaminayo Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaciil Saylici  oo saaka hiirtii waaberi ka jarmaaday magaaladda Burco ee xarunta gobolka Togdheer ayaa maanta gaadhay deegaanka Tukaraq oo ka tirsan gobolka Sool. Weftiga uu hoggaaminayo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo ay ka mid yihiin Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga  Ciise […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Gudoomiye C.raxmaan Cirro oo Gobolka Awdal u Tegay Sidii uu Shacabka Gobolkaasi ugaga Mahadcelin lahaa Codkii ay siiyeen Doorashadii Madaxtooyadda & Sawirka ku Lamaan Socdaalkiisa DAAWO

Dilla 21. January 2018 (SDN/QJ):-Guddomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi “Cirro” ayaa safar ujeedadiisu tahay Mahad celin ku tagay Gobolka Awdal waxaanu sii maray Degmadda Dilla halkaas oo uu dadwaynaha kula qaatay wakhti fiican oo uu kula sheekaystay sheegayna in uu abaal ugu  hayo Codkoodii ay siiyeen. Dhinaca kale waxaa uu cirro inta badan tagi […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Wakiiladda oo Kormeer Ku Tegay Degmadda Tuko-raq ee Gobolka Sool Fariin adagna u Diray Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Punt land DAAWO

Tuko raq 21. January 2018 (SDN/QJ):-Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa gaadhay Degmadda Tuko raq ee Gobolka Sool isagoo kulan la qaatay Bulshadda degmadaasi oo uu ka dalbaday inay si Wanaagsan uga shaqeeyaan Ciidanka Qaranka Somaliland ee dhawaan Jiida deegaankaasi tegay. Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool oo ah Mudane laga […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

‘’Maayarada Dalku Waxay Noqdeen Kaligood Taliye-Yaal Waxaana Imika Laga Bilaabo Ridi Kara 11 xildhibaan….” Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble DAAWO

Hargaysa 21. January 2018 (SDN/QJ):-Xildhibaan Siciid  Cilmi Rooble oo ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland ayaa sharaxaad ka bixiyay iska badal isku sameeyeen nidaamkii ahaa inta xildhibaan ee maayarka badali karta waxaanu sheegay xildhibaankani in maanta laga bilaabo ay badali karaan 11 xildhibaan maayarka iyo ku xigeenkiisa waxaanu nidaamkan ay wax isbadalku ku sameeyeen ku sababeeyay […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Madaxweynaha Somaliland Oo Baaq Nabadeed U Diray Beelaha Dagaalku Ku Dhexmaray Maanta Degaanka Ceel-afweyn Ee Gobolka Sanaag Gaar Ahaan Degmada Darar-weyne!!

Hargaysa 21. January 2018 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa baaqaasi ku yidhi “Waxa aan ugu baaqayaa beelaha ku dagaalaya degaanka Ceel-afweyn ee Gobolka Sanaag, gaar ahaan Degmada Darar-weyne inay si deg-deg ah u joojiyaan colaadda soo noq-noqonaysa ee dhex taalla labada beelood ee walaalaha ah.   Mar labaad iyo mar saddexaadba waxaan […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Ujeeddada Safar uu Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Mudane Cirro Maanta ugu Kicitimay Gobolka Awdal SAWIRO

Dilla 21. January 2018 (SDN/QJ):-Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI sida oo kale na ah guddoomiyaha Xisbigaasi Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) iyo wefti uu hoggaaminaayo oo galabta socdaal ugu soo baxay gobalka Awdal, ayaa lagu soo dhaweeyey deegaanada hoos yimaada gobalkaasi ee Dila iyo Garayo-Cawl. Murashax Cirro oo uu wehelinaayo Murashaxa Madaxweyne ku xigeenka Xisbigaasi Ambassador […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »