Home » 7:17 am Entries posted on “January, 2018”

Madaxweynaha Iiraan oo ku Baaqay in La Qaado Xayiraadda Baraha Bulshad!!

Tehran 09. January 2018 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Iran Hassan Rouhani ayaa sheegay in dhamaan mas’uuliyiinta la dhaleeceyn karo, isago sidoo kale sheegay in dibadbaxayaasha Iran ay ka careysan yihiin arrimo ka badan dhaqaala xumada ay ka cabanayaan. Rouhani ayaa wuxuu ku baaqay in la qaado xayiraadda lagu soo rogay baraha bulshada. Dibadbaxyada oo bilowday muddo ku dhow laba […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Qaabkii ay Saaka ula wareegeen Ciidamadda Somaliland Kastamka Deegaanka Tuko raq oo Fadhiisin u ahaa Ciidan taabacsan Punt land DAAWO

Tuko-raq 08. January 2018 (SDN/QJ):-Ciidanka Qaranka Somaliland ayaa Maanta Weerar ku qaaday Deegaanka Tuko-raq ee Gobolka Sool oo ay ku sugnaayeen Ciidamo Taabacsan Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Punt land isla markaana u ahayd Goob Kastan Cashuureed,Waxaana Wakhtigan deegaankaasi ku sugan Cutubyo ka tirsan Ciidanka Qaranka.

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

” Waqti Yar Ayay Nagu Qaadaneysaa In Aan Garoowe Qabsanno” Gudoomiyaha Xisbiga Ucid oo Dowlada Soomaaliya Eedeyn Culus u Jeediyey DAAWO

Hargaysa 08. January 2018 (SDN/QJ):-Hogaamiyaha xisbiga mucaradka Somaliland ee UCID Faysal Cali Waraabe ayaa si kulul uga hadlay dagaalka haatan kala dhaxeeya Puntland isaga oo ku goodiyay in ay waqti ku qaadaneyn in ay qabsadaan magalaada Garoowe ee maamulka Puntland. Isaga oo waramayay Eeyal TV waxa uu sheegay sid auu hadalka uu u dhigay in dagaalkaas […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Taliska Ciidamda Puntland oo Cadeeyaay In Awood Kula Wareegen Ciidamada Qaranka Somaliland Deegano ay Hore U Joogeen

Garowe 08. January 2018 (SDN/QJ):-Taliyaha ciidamada Maamulka  Puntland Jen, Jimcaale Jaamac Takar ayaa ka hadlay dagaal dhexmaray Ciidamada Jamuuriyada  Somaliland iyo Kuwa Maamulka Puntland , kaas oo ay Ciidamda Somaliland ku qabsadeen deegaanada Tukaraq iyo Fadhadhyaale oo ay horey u joogeen ciidamada Maamulka Puntland. Taliyaha ayaa sheegay in waxa dhacay ay ahayd dagaal qorsheysan oo ay […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Ciidamadda Somaliland oo la Wareegay Deegaanka Tuko-raq Isla Markaana Baacsaday Ciidanka Punt land iyo Khasaaraha Dagaal ee ka Dhashay DAAWO

Laascaanood 08. January 2018 (SDN/QJ):-Ciidamada Qaranka Somaliland ayaa Waxay saaka gaadheen Deegaanka Tuko-raq ee Gobolka Sool Waxaanu Halkaasi Dagaal Saacado Socday uu ku dhex maray Ciidamadda Qaranka Somaliland iyo Kuwa Maamul Goboleedka Punt land. Ciidamadda Qaranka Somaliland ayaa gebi ahaanba la wareegay Deegaankaasi oo ay hore uga arrimin Jireen Maamulka Punt land,Maamulka Gobolka Sool ayaa Sheegay […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Xukuumadda Somaliland oo Ka Hadashay Dagaal ka Dhacay Deegaanka Tukoraq ee Gobolka Sool oo u Dhexeeya Ciidanka Qaranka Somaliland iyo Kuwa Maamul Goboleedka Punt Land DAAWO

Hargaysa 08. January 2018 (SDN/QJ):-Wasiirka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta JSL Mudane:Cabdiraxmaan Cabdilaahi Faarax (Guri-Barwaaqo) ayaa maanta si adag uga hadlay xaalada ka jirta xadka u dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo maamul goboleedka Puntland ee dalka Somaliya .

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Iyo Weftigii Uu Hoggaaminayey Oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay SAWIRO/DAAWO

Hargaysa 08. January 2018 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaminayey, ayaa dalka dib ugu soo laabtay kadib markii ay soo dhammaysteen safar shaqo oo laba maalmood qaatay , kaas oo ay ku tageen dalka Jamhuuriyadda Jabuuti. Madaxweynaha oo ay wehelinayaan wasiirada arrimaha dibedda Dr. Sacad Cali Shire, Waxbarashada  iyo Sayniska Md. […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Nuxurka Khudbaddii Madaxweyne Muuse Biixi Ka Jeediyey Kulankii Jaaliyadda Reer Somaliland ee ku Dhaqan Dalka Jabuuti SAWIRO/DAAWO

Jabuuti 08. January 2018 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaminayo, ayaa kulan ballaadhan la qaatay jaaliyadda reer Somaliland ee ku dhaqan dalka Jamhuuriyadda Jabuuti. Madaxweynaha iyo weftigiisa oo safar shaqo ugu maqnaa dalka Jabuuti, ayaa ka hor intii aanay halkaas kasoo ambo bixin waxa ay habeenkii xalay kulan is-xog-waraysi ah […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Maamulada Somaliland iyo Puntland oo si adag uga hadlay dagaalkii saakay dhax maray

Garowe 08. January 2018 (SDN/QJ):-Waxaa saakay dagaalo xoogan oo u dhaxeeyay ciidamo kala taabacsan Somaliland iyo Puntland ka dhaceen deegaano hoos taga Sool, waxaana dagaalkan ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Dagaalka ayaa la sheegay in uu saakay aroor hore qarxay kadib markii ciidamo aad u hubeesan oo katirsan  Somaliland weerar kedis ah ku […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Guddoomiyaha Maxkamadda Dastuuriga Ah Oo Ka Warramay Hab-dhaqankii Silaanyo Iyo Dareenka Madaxweyne Biixi Ee Garsoorka

Hargaysa 08. January 2018 (SDN/QJ):-Guddoomiyaha Maxkamadda Dastuuriga ah ee JSL Md Aadan X Cali Axmed ayaa ka warramay dareenka Madaxweyne Muuse Biixi ee Garsoorka iyo hab-dhaqankii Madaxweynihii hore, Guddoomiyuhu waxa kale oo uu sheegay in nidaam cusub oo casri ah dhawaan lagu soo kordhinayo Maxkamadaha, isla markaana uu heerka dakhliga ee ka soo xerooda Maxkamaduhu uu […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »