Home » 6:01 pm Entries posted on “January, 2018”

Garyaqaanka Guud ee Somaliland oo Ka Difaacay Madaxweyne Muuse Biixi eedaymo Sharci oo ka dhashay Xeer Nidaamiyaha Xukuumadda ee uu dhawaan soo saaray DAAWO

Hargaysa 10. January 2018 (SDN/QJ):-Garyaqaanka Guud ee Qaranka Cabdi-samad Cumar Maal ayaa Sheegay inuu sax yahay Xeer nidaamiyaha dhismaha wasaaradaha iyo Hay’adaha Xukuumadda ee uu soo saaray dhawaan Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Kaas oo Xeel dheere Sharci uu ku tilmaamay mid nasaqaya Xeerka Kala Xadaynta nidaamka Xukuumadda. Xeel dheerayaasha dhanka Sharciga ayaa aaminsan inuu Khalad […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Waa Sidee Isu Socodka Dadka Iyo Gaadiidka ee Somaliland Iyo Punt land Kadib Dagaalkii Doraad? DAAWO

Hargaysa 10. January 2018 (SDN/QJ):-Waxaa Doraad ka dhacay Deegaanka Tuko-raq Dagaal u dhexeeyay Ciidanka Qaranka Somaliland iyo Kuwa Maamul Goboleedka soomaliyeed ee Punt land iyadoo deegaankaasi ay markii hore ku sugnaayeen Ciidanka Punt land. Waxaa soo baxayay Warar Sheegaya in Maamulka Punt land uu Hakiyey Isu Socodka dadka iyo Gaadiidka labada dhan u kala Gooshi […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Dowlada Somalia oo War kasoo saartay Xiisada Colaadeed ee u dhaxeysa Puntland iyo Somaliland

Muqdisho 10. January 2018 (SDN/QJ):-Dawladda Federaalka Soomaaliya oo ka walaacsan collaadaha ka soo aloosmay deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool, ayaa ku baaqaysa in dhinacyada ku dagaalamaya deegaanka Tukaraq ay si deg deg ah oo shuruud la’aan ah u joojiyaan dagaalka. Qorshaha Dawladda Federaalka ayaa ah in si deg-deg ah ay u joojiso dagaallada iyo colaadaha, waxeyna […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Qaramada Midoobay Oo Beenisay In Soomaaliya La Wareegtay Maamulka Hawada DAAWO

Hargaysa 10. January 2018 (SDN/QJ):-Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Qaramada Midoobay Ambassador Michael Keating oo Booqasho Ku Jooga Caasimadda Somaliland ee Hargaysa ayaa Maanta in Dawlada Federaalka Soomaaliya ay la wareegtay Maamulka Hawada.

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Dadweynaha Reer Burco Oo Ka Hadlay Culayska Nololeed Ee Sicir-bararka Dollarku Ku Hayo & Aamusnida Xukuumadda DAAWO

Burco 10. January 2018 (SDN/QJ):-Dadweynaha ku dhaqan Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer ee Somaliland, ayaa Cabasho ka muujiyey hoos u dhaca Qiimaha Shilinka Somaliland iyo Kor u kaca Dollarka oo saamayn weyn ku yeeshay Qiimaha Maceeshadda daruuriga ah. Dadweynaha oo la waydiiyey Rayigooda ku aaddan sicir-bararka Dollarka oo saamayn weyn ku leh Maceeshadda Quutal-daruuriga […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Puntland Oo Ciidammo Soo Dhoobtay Duleedka Magaalada Tuke-raq Oo Doraad Milletariga Somaliland Kala Wareegay!!

Garowe 10. January 2018 (SDN/QJ):-Ka dib, markii Ciidammada Qaranka Somaliland Maalintii doraad ay qabsadeen Degmada Tukaraq ee Gobolka Sool, ayaa waxa halkaasi ka soo baxaya Warar kala duwan oo ku saabsan dhaqdhaqaaqyo Puntland waddo. Wararka qaarkood ayaa sheegaya in Maamulka Puntland oo doonaya inuu dib u qabsado Tukaraq iyo meelo kale oo ka mid ah Gobolka […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Shirgudoonka Guurtida oo Fadhi gaar ah maanta ka Yeeshay Xaaladaha ka soo Kordhay Deegaanada Bariga Somaliland & Nuxurka Qoraal uu Madaxweyne Muuse Biixi u Diray DAAWO

Hargaysa 10. January 2018 (SDN/QJ):-Fadhi gaar ah oo ay  Yeesheen Golaha Guurtidda Somaliland Ayaa Shirgudoonka Golahaasi Waxay Digniin Adag U Direen Maamulada Somalia Iyo Punt Land Oo ay sheegeen inay Ku Soo Xadgudbeen Deegaano Ka Tirsan Somaliland.

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Madaxweynaha Dawlada Federaalka Somalia Maxamed Cabdilaahi Farmaajo oo Markii u Horaysay Masaafo dheer oo dhulka ah Isaga Gudbay,Dareenada Ku Meersan Iyo Waxay Ishiisu Qabatay !! WARBIXIN

Qardho 10. January 2018 (SDN/QJ):-Markii ugu horeysay, tan iyo markii loo doortay xilka madaxweynaha, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayay maraysaa leyrta ama hanfida dhulka baaxadda leh ee Soomaaliya. Wuxuu marayaa dhulka qarfaha iyo buuraha ah ee caanka ku ah beeyada iyo xijiga ee Bari, dhul geedka uu aad ugu yaryahay balse lagu sheegay kaydka kheyraadka dabiiciga ah […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Kulan Gaar ah La Qaatay Ergayga Qaramada Midoobay u Qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya & Arrimaha Laga Wada Hadlay DAAWO/SAWIRO

Hargaysa 10. January 2018 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan gaar ah la yeeshay ergayga gaarka ah ee xog-hayaha qaramada midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Ambassador Michael Keating oo dalka booqasho ku jooga. Kulankan oo xarunta qasriga madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland ka qabsoomay maanta, ayaa waxa madaxweynaha ku wehelinayey madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Khilaafka u Dhexeeya Waddamada Turkiga iyo Imaaraatka Oo Weji Cusub Yeeshay!!

Ankara 10. January 2018 (SDN/QJ):-Turkiga ayaa si rasmi ah u bedelay astaanta waddada ay ku taallo saraafadda dalka Isutagga Imaaraatka uu ku leeyahay magaalada Ankara, ka dib hadal dhaliyay khilaaf diblumaasiyadeed oo labada dal soo kala dhexgalay. Waddada waxaa loogu magacdaray Fahreddin Pasha, ka dib markii wasiirka arrimaha dibadda ee Imaaraatka uu internetka ku baahiyay isagoo […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »