Home » 4:16 pm Entries posted on “January, 2018”

‘’Arrinta Iminka Jirtaa waxa weeye ilaa Afar Gobol oo Somalia Goboladeeda ka tirsan ayaa Ciidamadii laga soo qaaday Waxaana la soo dul dhigay Ciidanka Somaliland’’ Wasiirka Arrimaha Gudaha S.land DAAWO

Hargaysa 13. January 2018 (SDN/QJ):-Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa ka warbixiyay Xaalada Guud Xuduuda Bariga JSL, Halkaaso Maalmahii u Dambeeyay ay Maamul goboleedka Puntland ka wadeen Xaalad Abuur iyo Farogalin dhanka Xuduuda ah.

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Xukuumadda Somaliland oo Joojisay Guud ahaan Ruqsad Bixinta Kalluumaysiga & Go’aamo adag oo ay ka soo Saartay Nooc ka Mid Kalluunka DAAWO

Hargaysa 13. January 2018 (SDN/QJ):-Wasiirka Wasaaradda Xannaanadda Xoolaha Iyo Horumarinta Kalluumaysiga Mudane Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi) ayaa Maanta Go’aano ka soo Saaray Maraakiibta Kalluumaysi ee Ka hawl-gala Xeebaha Somaliland.

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Golaha Wakiiladda Somaliland oo Cod Aqlabiyad ah Ku ansixiyey 9 Wasiir & 2 Wasiir Xigeen oo ka Mid ah Xukuumadda Madaxweyne Biixi DAAWO

Hargaysa 13. January 2018 (SDN/QJ):-Mudanayaasha Aqalka golaha wakiilada Somaliland ayaa maanta waxay cod gacan taag ah ku meelmariyeen xubno ka mid ah golaha wasiiradda Xukuumadda Somaliland.

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi oo Maanta Magacaabay Afar Agaasime oo ka Mid ah Hay’adaha Dawladda

Hargaysa 13. January 2018 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta wareegto madaxweyne oo summadiisu tahay JSL/XM/WM/222-22/012018, uu ku magacaabay Afar Agaasime.   Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu sidan:-      Magacaabid Markaan Arkay:               Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad; Xarafka (kh);   Markaan Arkay:                   Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;   Markaan ku Qancay:          In ay Hanan […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Daawo : Quraanka xidhiidh la yeelo – Baro Ajarkiisa

Assalamu Calykum Hadaad kartid sii fidi…Ajar badan ayaad in shaa Allah ka heli. Barashada iyo ku dhaqanka Quraanka Kariimka ah ajar badan ayaa ku jira. Ajaradaa qaar kamida ka daawo cajaladan.

Posted in dacwada,Features,Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Ku Xigeenka Madaxweynaha Somaliland oo Daboolka ka Qaaday in Madaxweyne Muuse Biixi uu Daaqada ka saarayo La Taliyeyaasha Tirada badan ee Wasaaradaha Dawladda una Aqoonsaday Mid dad gaar ah Lagu Naas-nuujiyo DAAWO

Hargaysa 11. January 2018 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa go’aamiyey in la yareeyo tirada badan ee La taliyeyaasha ay Wasaaradaha dawladu qortaan taas oo uu ku sifeeyay mid lagu naas nuujinayo dadkaas. Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane C.raxmaan C.laahi Ismaaciil Saylici ayaa sidaas ka sheegay kulan lagaga hadlayay kor u qaadista wax […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

‘’Muuse Biixi waa Siyaasi weyn oo Nabad doon ah, Somaliland-na Duulan Kuma Ah Dhul Ay Puntland Leedahay’’ Wasiirka Waxbarashadda oo u Jawaabay C.laahi Cukuse DAAWO

Hargaysa 11. January 2018 (SDN/QJ):-Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda iyo Sayniska Prof Yaasiin Xaaji Maxamud Xiir Faratoon ayaa ka Jawaabay Hadal duur xul siyaasadeed ah oo Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Xannaanadda Xoolaha Somaliland Mudane Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse ku ganay Madaxweyne Muuse Biixi. Wasiir Faratoon oo hadalka uga danbeeyay C.laahi Cukuse ayaa isagoo daba jooga weedhihiisa waxa […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

“Waxaan Doonayaa In Aan Xasuusiyo Reer Punt-land Iyo Cabdiwali Gaas Imika Madaxwaynahayagu Waa Janan… Qaladii Shicibka Ahayd…” Ex Wasiir Cukuse DAAWO

Hargaysa 11. January 2018 (SDN/QJ):-Wasiirkii hore ee Xanaanada Xoolaha Somaliland Mudane Cabdilaahi Maxamed Daahir “Cukuse” oo maanta ka hadlayay Munaasibad Qaddo sharaf ah oo  loo sameeyay Bille Rafle Guuleed  ayaa waxaa uu ka hadlay xaalada Colaadeed ee ka taagan Tuka-raq waxaanu fariin hawadda u mariyay maamulka Putland isagoo  sheegay in Madaxwaynaha Imika Somaliland  xukumaa  in […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Golaha Wakiilada Somaliland Oo Soo Bandhigay Qaabka Ay U Bilaabayaan Ansixinta Wasiirada Cusub Ee Xukuumada DAAWO

Hargaysa 11. January 2018 (SDN/QJ):-Golaha Wakiilada Somaliland ayaa soo bandhigay qaabka ay u ansixin doonaan Wasiirada cusub ee Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Xoghayaha golaha Wakiilada Somaliland Cabdirisaaq Siciid Ayaanle ayaa sheegay in guddiyadii loo xil saaray ay shir gudoonka soo gaadhsiiyeen xogtii Wasiirada cusub, kuwaas oo ansixintoodu bilaabmi doono maalinta sabtida ah.

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Qoraa Boobe Yusuf Ducaale Oo Jawaab Adag Ka Biixiyey Hadalkii Ka Soo Yeedhay Madaxwaynaha Maamulka Puntland,Eedaymo uu u Jeediyey Madaxweyne Farmaajo Iyo Aragtidiisa Xaalada Degaanka Tuko-raq ee Gobolka Sool DAAWO

Hargaysa 11. January 2018 (SDN/QJ):-Qoraa Boobe Yuusuf Ducaale oo ka mid ah Siyaasiyiinta Somaliland ayaa markii kowaad waxa uu ka hadlay xaalada deegaanka Tuko-raq waxaanu eedayn xoogan u soo jeediyey Maamulka taagta daran ee Somalia oo uu sheegay inay is diidsiinayaan waaqaca hortooda yaala.

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »