Home » 7:37 pm Entries posted on “December, 2017”

Xisbiga ANC ee Dalka Koonfur Africa oo Doortay Hogaamiyaha Cusub Iyo Haweenaydii u dhaxday Madaxweynaha Koonfur Africa oo afka Ciida Loo Daray 

South Africa 18. December 2017 (SDN/QJ):-Xisbiga ANC ee dalka koonfur afrika ayaa hogaamiyaha xisbigaasu u doortay Ramaphosa oo ah madaxweyne ku xigeenka hadda. Doorashadan guddoomiyaha xisbiga ANC ayaa ahayd mid adag oo tartan xoogani dhexmaray haweeynaydii uu hore u qabay madaxweynaha koonfur afrika Zuuma iyo madaxweyne kuxigeenka dalkaasi. Xisbiga ANC ayaa ku dhawaaqay inuu jagada […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Maayerka Berbera oo Amray Xidhigga Weriye Axmed Siciid Maxamed oo ka Hawl gala Magaalo Xeebeedka Berbera DAAWO

Berbera 18. December 2017 (SDN/QJ):-Maayerka magaalada Berbera Cabdishakuur Cidin, ayaa Amray in la xidho Weriye Axmed Siciid Maxamed oo Ciidammada Ammaanka magaaladaasi Xabsiga dhigeen Isniintii Maanta. Weriye Axmed Siciid ayaa ah Tifaftiraha Mandheera.com, sidoo kalena ah Weriyaha Eryal TV ee Berbera. Warbixin Eryal TV ka diyaariyey Xadhigga Weriye Axmed Siciid Maxamed, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Su’aalo Sharci Oo Ka Dhashay Tallaabadii Koowaad Ee Madaxweynaha Cusub Qaaday

Hargaysa 18. December 2017 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi oo Khamiistii ku dhawaaqay Golihiisa Wasiirrada, ayaa fadhigoodii u hurreeyay ku dhaariyey Wasiirradaasi. Dhaarinta Xubnaha Golaha Wasiirrada ayaa waxa ka dhashay su’aalo la xidhiidha waxa Sharcigu ka qabo Dhaartaasi, maaddaama oo aan Golaha Wasiirrada aanu Baarlamaanku ansixinin oo aanay weli noqonin Wasiirro Sharciya, sidaasi darteed […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Raysal Wasaaraha Dawladda Itoobiya oo ka hadlay Dadka Soomaalida ah ee Lagu Laayay Deegaanada Oromada Itoobiya

Addis Ababa 18. December 2017 (SDN/QJ):-Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn oo ka hadlay TV-ga dalkaasi ayaa sheegay in dadka Soomaalida ah “lagu laayay xero boolis dhexdeeda”. Wuxuu ka tacsiyeynayo dhibaatadii ka dhacday gobolka Jirro ee maamulka Oromada Itoobiya. Sida wararka ay sheegayaan, waxaa halkaasi lagu dilay “in ka badan 100 qof”, balse Ra’iisul wasaaraha ma uusan […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

“SOOL Shaqaaqada Ka Dhacaday 15 Sanadood Ayaa La Soo Wadaye Waxaan Amrayaa  In La Joojiyo’’  Wasiir Maxamed Kaahin Axmed DAAWO

Hargaysa 18. December 2017 (SDN/QJ):-Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Arrimah Gudaha Somaliland Mudane Maxamed Kaahin Axmed ayaa maanta mar uu xilka la wareegayay ku baaqay in la joojiyo Colaada Mudada dheer ka socotay Deegaanka Cagaare oo ka tirsan Gobolka Sool.

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Xukuumadda Federaalka Somalia oo Markii Kowaad ka Hadashay Sababta Keentay inay Xidho Siyaasi C.raxmaan Cabdi-Shakuur!!

Muqdisho 18. December 2017 (SDN/QJ):-Shir jaraa’id oo ay wadajir u qabteen wasiirka amniga Maxamed Abuukar Isloow iyo xeer illaaliyaha guud Axmed Daahir ayaa laga akhriyay war qoraal ah oo lagu faahfaahinayo sidii ay wax u dhaceen. Cabdicasiis Cali Ibraahim oo ah afhayeenka wasaaradda amniga oo warqada akhriyay ayaa yiri “Hay’adaha Amniga iyaga oo gudanaya waajibaadkooda, iyo […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

“Nimcaan-hillaac Waxa Loo Xidhayaa, Wuxuu Muqdisho Ka Sameeyay Wax Lid Ku Ah Somaliland…” Maamulka Awdal

Boorama 18. December 2017 (SDN/QJ):-Maamulka Gobolka Awdal ayaa ka hadlay sababta loo doonayo in la xidho fannaanka Nimcaan Cabdiraxmaan (Nimcaan-Hillaac) oo hore uga mid ahaa Kooxda Xidigaha Geeska, balse Safar uu Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho kaga soo laabtay ka dib, si dhuumasho ah Somaliland uga soo galay Xuduudka Jabuuti. Nimcaan-hillaac oo lagu eedeeyay inuu markii hore […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Madaxweynaha Jabuuti Oo Fannaaniinta Dalkiisa Bilaash Uga Dhigay Adeegyada Caafimaadka

Jabuuti 18. December 2017 (SDN/QJ):-Magaalada Jabuuti, ayaa waxa Shalay lagu qabtay Xuska Maalinta Fannaaniinta Dalka Jabuuti. Munaasibad lagu wayneynayey Maalinta Fanka oo ka qabsoontay Guriga Ummadda oo ku yaalla Magaalada Jabuuti ee Caasimadda Dalkaasi, ayaa waxa ka qayb-galay Raysal-wasaaraha Jabuuti, Wasiirro, bahda Fanka iyo Dad kale oo Weriyeyaal ka mid yihiin. Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Maaliyadda Oo Maanta Xilkii kala Wareegay Wasiirkii Hore ee Wasaaradaasi DAAWO

Hargaysa 18. December 2017 (SDN/QJ):-Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Mudane Yuusuf Maxamed Cabdi Raage ayaa Maanta waxa uu si rasmi ah Xilkii Wasaaradaasi ugala Wareegay Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Maaliyadda Marwo Samsam Cabdi Aadan.

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Gudida Arimaha Bulshada Guurtida Oo  Kormeer Ku Tagay Qaybo Ka Mid Mashruuca Biyo Balaadhinta Caasimada Hargeysa DAAWO

Hargaysa 18. December 2017 (SDN/QJ):-Xubno ka mid ah Guddi-hoosaadka Golaha Guurtida gaar ahaan Gudida Arimaha Bulshada iyo Maareeyaha Wakaalada biyaha Hargeysa ayaa, soo kormeeray habsami u socodka barkadaha loogu talogalay in ay caasimada u qaybiyaan Caasimada Hargeysa Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Md. Maxamed Cali Daarood oo faahfaahin ka bixiyey kormeerkooda shalay ay ku mareen berkadaha […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »