Home » 12:01 pm
Entries posted on “December, 2017”
Hargaysa 20. December 2017 (SDN/QJ):-Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka Iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland Mudane C.raxmaan C.laahi Faarax (Guri-barwaaqo) ayaa balanqaaday inuu Caddaalad iyo Sinaan ku dhaqi doono Shaqaale weynaha wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta Waxaa kale oo Wasiir Guri barwaaqo uu balanqaaday in Wasaaaradu noqon doonto mid dhista afka iyo Luuqada afka soomaliga.
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Hargaysa 20. December 2017 (SDN/QJ):-Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Warfaafinta Iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland Mudane C.raxmaan C.laahi Faarax (Guri-barwaaqo) iyo Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta Mudane Maxamed Muuse Abees ayaa maanta si rasmi ah xilkii ugala wareegay Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta Mudane Cismaan Cabdilaahi Saxardiid Caddaani. Munaasibada Xilwareejinta oo lagu qabtay […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Boorama 20. December 2017 (SDN/QJ):-Waxaa Magaaladda Boorama Lagu soo dhaweeyay Siyaasi Bille Rafle Guuleed oo ka Mid ahaa Siyaasiyiintii Dawladii Siyaad Bare.
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Hargaysa 20. December 2017 (SDN/QJ):-Gudoomiyaha Cusub ee Xidhiidhka Ciyaaraha Fudud ee Somaliland Mustafe Cabdi Xadi (Diyaaro), ayaa daboolka ka qaaday cabaqadaha rasmiga ah ee hortgaan in Somaliland ka qayb gasho ciyaaraha caalamiga ah, soo bandhigay qorshayaal cusub oo lagu horumarinayo Ciyaaraha Fudud. HALKAN HOOSE KA DAAWO
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Hargaysa 20. December 2017 (SDN/QJ):-Abwaan Xasan Saleebaan Dhuxul (Laab-saalax) oo maanta Hadal dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay Munaasibad ay xilka kula wareegeen Wasiirka iyo Wasiir Ku-xigeenka cusub ee Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta Somaliland, ayaa sheegay in had iyo jeer laga sii dayriyo Wasiirka loo magacaabo Wasaaraddaas, maaddaama oo ay tahay Wasaarad Shaqaale badan iyo Shaqo […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Muqdisho 20. December 2017 (SDN/QJ):-Tahliil Xaaji Axmed oo ah Qareenka u doodayay Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo shalay galinkii Dambe la soo taagay Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa sheegay in xeer ilaalinta Qaranka iyo ciidamadii weeraray guriga siyaasigan aysan heysan ogolaansho Maxkamadeed. Hadalkan ayaa yimid xili wasaarada amniga dowlada Somalia ay horeu sheegtay in ciidanka weeraray hoyga C/raxmaan […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Hargaysa 18. December 2017 (SDN/QJ):-Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyadda Marwo Samsam Cabdi Aadan ayaa maanta si rasmi ah Xilkii Wasaaradaasi ugu Wareejisay Wasiirka Cusub ee Maaliyadda. Marwo Samsam Cabdi Aadan Waxay si faahfaahsan uga warbixisay Kaalinta ay Wasaaradani kaga Jirto dhismaha qaranka,Waxayna sheegtay in aanay Jirin wax dayn ah oo ay maanta ku wareejinayso Wasiirka […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Hargaysa 18. December 2017 (SDN/QJ):-Wasiirka cusub ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Somaliland Yuusuf Maxamed Cabdi, ayaa Khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyey Xaflad uu Xilka kagala wareegay Wasiirkii hore ee Wasaaraddaas Samsam Cabdi Aadan, taas oo lagu qabtay Xarunta Wsasaaraddaas Isniintii Maanta. Wasiirka Horumarinta Maaliyadda Yuusuf Maxamed Cabdi, waxa uu ka sheekeeyey xilligii uu Shaqada Wasaaradda […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Hargaysa 18. December 2017 (SDN/QJ):-Wargeyska The Reporter ee ka soo baxa magaaladda Addis-ababa ee dalka Itoobiya, ayaa qoray in madaxweynaha shanaad ee Somaliland, Md. Muuse Biixi Cabdi oo si dimuqraadi ah loogu doortay 13-kii November 2017 uu xilkii loogu dhaariyay. Warbaahinta Afrika wararkii ay ka qoreen dhaarinta madaxweynaha cusub, waxa warbixintan ka diyaariyay Tifaftiraha Guud […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Berbera 18. December 2017 (SDN/QJ):-Maayarka magaalada Berbera, Cabdishakuur Maxamed Ciddin, ayaa xukuumadda cusub ee Jamhuuriyadda Somaliland u soo jeediyay in maamulka wakaaladda biyaha Berbera dib loogu soo celiyo golaha degaanka, si ay magaaladu u hesho biyo ku filan. Maayar Cabdishakuur, waxa uu sidaasi ku sheegay hadal uu ka jeediyay fadhi ay yeesheen golaha degaanka magaalada […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »