Home » 3:21 pm
Entries posted on “December, 2017”
Hargaysa 16. December 2017 (SDN/QJ):-Gudoomiyaha Xisbiga Waddani ahna Murashaxa Jagadda Madaxweyne ee Xisbigaasi Mudane C.raxmaan Maxamed C.laahi Cirro ayaa Galabta dib ugu soo laabtay Caasimadda dalka ee Hargaysa. Waxaana soo dhaweyn aad u cajiib badan oo looggu sameeyey Madaarka Hargeysa si weyn uga qeyb-qaatay Murashaxa Madaxweyne ku xigeenka Xisbigaasi, guddoomiyaha Ku meel-gaadhka ah iyo […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Hargaysa 16. December 2017 (SDN/QJ):-Kulan maanta ka qabsoomay xarunta hay’adda shaqaalaha dawladda ee caasimada Hargeysa ayaa waxaa ka soo qayb-galay maamulka iyo madaxda hay’adda shaqaalaha dawladda iyo sidoo kale khubaro caalami ah Kulankan oo muhiimadiisu ahayd shaacinta bilowga madax tirinta shaqaalaha dawladda JSL ayaa waxaa hadalo ka jeediyey Gudoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda Mudane Sharmaake Axmed […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Addis Ababa 16. December 2017 (SDN/QJ):-Oromada Itoobiya, ayaa mar kale shalay Xasuuqday Dad Soomaaliyeed, isla markaana laayey 65 Ruux oo Soomaali ah oo degganaa deegaanno hoos-taga Ismaamulka Oromada Itoobiya. Waa markii labaad ee ay Sidan oo kale Oromadu u xasuuqdo Dad Soomaali Shacab ah oo aan Hubaysnayn. Warbixin iyo Waraysiyo ku saabsan Xasuuqa ka dhacay deegaanno […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Hargaysa 16. December 2017 (SDN/QJ):-Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka ee cusub Eng. Xuseen Ibraahim Buuni iyo Wasiir ku-xigeenka Maaliyadda Maxamed Daahir Axmed ayaa ka Mahad-celiyey Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Xilalka uu u Magacaabay. Labadan Wasiir ku-xigeen oo Shir-jaraa’id ku qabtay Hargeysa ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin in Madaxweynaha cusub uu Xilal u igmado si […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Hargaysa 16. December 2017 (SDN/QJ):-Waxaa Maanta Kulankii u Horeeyay Wada yeeshay Xubnaha Golaha Wasiiradda ee uu dhawaan soo dhisay Madaxweynaha Cusub ee Somaliland . Kulankaa ugu horeeyey oo qaatay muddo saacado ah, wuxuu ahaa kulan isbarasho iyo is xog waraysi. Madaxwaynuhu wuxuu si gaara hoosta uga xariiqay muhiimadda ay leedahay Muwaadinimada wada jirka ummadda aynu masuulka […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Hargaysa 16. December 2017 (SDN/QJ):-Taliyaha ciidanka booliska ee gobalka Togdheer gaashaanle dhaxe Cabdi Cali Xayd, ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen laba gaadhi oo wasiirkii hore ee caafimaadka Somaliland Saleeban Xaglatoosiye uu isticmaali jiray oo ay ka shakiyeen. Waxa uu taliyhu meesha ka saaray inay xidheen cid gaadiidkan saarnayd balse ay qabteen gaadiidkan kadib markii […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Hargaysa 16. December 2017 (SDN/QJ):-Wasiirkii hore ee wasaaradda warfaafinta iyo wacyi-galinta Md: Cismaan C/laahi Saxardiid (Cadaani) oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta wasaarada ayaa hambalyeeyey xukuumada cusub ee uu soo magacaabay madaxweynuhu Md: Muuse Biixi Cabdi, isla markaana waxa uu shahaado sharafyo gudoonsiiyey qaar ka mid ah waaxyaha wasaarada oo kaalin laxaad leh ka soo […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Hargaysa 16. December 2017 (SDN/QJ):-Aqoon yahan Jamaal Cali Xuseen ayaa Sheegay inaanu Wasiir iyo Wax ka hooseeya toona ka rabin Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi.
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Hargaysa 16. December 2017 (SDN/QJ):-Kulankii ugu horeeyey ee ay yeeshaan Golaha Wasiirada ee xukuumadda cusub oo uu shir gudoominayey Madaxwaynaha JSL Mudane, Muuse Biixi Cabdi, waxaa lagaga wada hadlay arrimo dhawra. Kulankaas waxaa ka qayb galay 31 xubnood oo ka mida 32-ka xubnood ee golaha wasiiradu ka kooban yahay. Madaxwyne Muuse Biixi Cabdi waxuu kalfadhigaa ka […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Hargaysa 16. December 2017 (SDN/QJ):-Wasiirudawlaha Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka ee Xukuumadii hore Axmed Cali Maxamuud (Baynax) ayaa Hambalyo u diray Golaha Wasiirada Dawlada Cusub iyo Madaweyne Muuse Biixi Cabdi, sidoo kalena Shacabka ugu baaqay in ay la shaqeeyaan. Wasiirka oo shir jaraaid ku qabtay xafiiskiisa ayaa waxa uu hadalkiisa ku bilaabay sidatan:-“Waxaan […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »