Home » 3:08 pm Entries posted on “November, 2017”

Halista Musuqmaasuqa Iyo Sicir-bararku Ku Hayaan Nolosha & Rejada Shacabku Ka Qabaan In Madaxweynaha La Doortay Ka Dhabeeyo Ballan-qaadyada Uu Wax Kaga Qabanayo!!

Hargaysa 26. November 2017 (SDN/QJ):-Musuqmaasuqa iyo Sicir bararka ayaa ah aafo halis ku ah nolosha iyo horumarka dadka iyo dalka Somaliland, sidaasi awgeedna haatan ah kuwo xadhkaha goostay oo mugdi sii galinaya mustaqbalkii dadka iyo dalka, haddii aan si mug leh wax looga qaban oo aan laga badbaadin ummadda. Sidaasi awgeed Wargeyska Himilo, oo si […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Maxkamadda Sare Oo Toddobaad Gudihii Ku Soo Saaraysa Natiijada Rasmiga Ah Ee Doorashadii Madaxtooyada

Hargaysa 26. November 2017 (SDN/QJ):-Guddiga Doorashooyinka Qaranka, ayaa Maxkamadda sare ee Dastuuriga ah ee Somaliland u gudbiyey Natiijada hor-dhaca ah ee Doorashadii Madaxtooyada ee ay ku guuleysteen Musharraxiinta Xisbiga KULMIYE, Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici). Guddiga Doorashooyinka ayaa 21-kii bishan ku dhawaaqay in Doorashadii Dalka ka dhacday 13-kii bishan November, 2017-ka ay […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

“Reer Awdal Waxaan Leeyahay Ninka Maanta Soo Baxay Maaha Nin Lagu Cabsi-Gelin Karo Farta Oo Loo Lulo, Oo Waa Muuse” Guddoomiye Ku-xigeenka UCID

Hargaysa 26. November 2017 (SDN/QJ):-Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Cabdinaasir Muxumed Xasan (Buuni), ayaa farriin u diray Shacabka Somaliland, gaar ahaan Dadweynaha reer AWDAL, waxaanu u soo jeediyey inay u midoobaan ka qayb-qaadashada Horumar uu sheegay in Madaxweynaha la doortay uu Dalka ka samaynayo Shanta Sanadood ee soo socda. Mr. Buuni […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Ujeeddada Kulan Guddiga Doorashooyinka Qaranku La Yeesheen Dublomaasiyiin Caalami Ah

Hargaysa 26. November 2017 (SDN/QJ):-Guddiga Doorashooyinka Qaranka JSL, ayaa xaruntooda caasimada dalka kula kulmay dublomaasiyiin caalami ah oo ka socda dalka Britain. Dublomaasiyiintan oo kala ahaa Safiirka UK ee dalka Ethiopia u fadhiya David Concar oo ay wehelinaysay madaxa Xafiiska UK ee Hargeysa Miss Rosie Tapper. Ujeedada kulankan ayaa si kooban loogaga warramay war qoraal […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

‘’Codkii Badnaa ee Kulmiye ku Soo Baxay Iyo Fariintii ay Bulshadu na faraysay ee Codkooda ay nagu siiyeen Waxay ahayd inaan soo Dhisno dawlad kooban oo Tayo Leh’’ Madaxweyne Muuse Biixi DAAWO

Hargaysa 25. November 2017 (SDN/QJ):-Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Mudane Muus Biixi Cabdi ayaa Bishii July ee Sannadkii 2010 Wuxuu Madaxweynaha Xilka ka degaya Mudane Axmed Siilaanyo u Magacaabay Gudi kala soo talisa dhismaha Xukuumadiisa Waxay Guddidaasi go’aamiyeen in 15 Wasaaradood ay noqoto dhismaha Xukuumadu. Waxaa Maanta Mar kale hor yaala Madaxweynaha la doortay ee […]

Posted in Features,Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Maxay Yihiin Qodobada ugu Horeeya ee Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Markuu Xilka la wareego inuu wax ka qabto la eegayo? DAAWO

Hargaysa 25. November 2017 (SDN/QJ):-Kadib Natiijadii Doorashaddii Madaxtooyo ee uu ku guulaystay Mudane Muuse Biixi Cabdi oo noqonaya Madaxweynihii 5aad ee Somaliland yeelato ayaa waxaa hor yaala qodobo badan oo lagu tijaabinayo awoodiisa hogaamineed inta ay le’eg tahay. Waxyaabaha la eegayo inuu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi wax ka qabto waxaa ka mid ah Sicir bararka […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Generaal Doolaal oo soo Bandhigay Sheeko Xiiso Badan oo ku Saabsan Madaxweynaha Cusub ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi!!

Hargaysa 25. November 2017 (SDN/QJ):- General Ibraahim Aadam Xal-xal (Doolaal) oo ka mid ahaa saraakiishii sare ee ciidammaddii dawladda Soomaaliya waqtigii Siyaad Barre, haatan ka mid ah masuuliyiinta iyo odayaasha dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya ee Kilalka Shanaad, ayaa soo bandhigay sheeko xiisbo badan oo ku saabsan taariikh hore oo ay wadaageen Madaxweynaha cusub ee ku guulaystay […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

“Waar Fartaada Eed, Waayo, iimaad dooran inaan taad doonayso kuu yeelo..” Madaxweyne Muuse Biixi DAAWO

Hargaysa 25. November 2017 (SDN/QJ):-Madaxweynaha cusub ee ku guulaystay doorashadii Madaxtooyada Somaliland ee qabsoontay badhtamihii bishan November 2017, Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan ballaadhan oo mahadnaq ah la qaatay guddiyadii ololaha xisbiga KULMIYE ee gobollada dalka Somaliland. Kulankan oo ka  qabsoomay xaruntii ololaha xisbiga KULMIYE maanta, kana qaybgaleen xubnaha hoggaanka xisbiga KULMIYE iyo wakiillo […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Madaxweynaha Shacabka reer Somliland Doortay oo Kulan la Qaatay Safiirka Ingiriiska u Qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya SAWIRO/DAAWO

Hargaysa 25. November 2017 (SDN/QJ):-Madaxweynaha cusub ee shacabka reer Somaliland doorteen dhawaan Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa xafiiskiisa kulan kula yeeshay wefti ka socda safaaradda dawladda Ingiriiska u qaabilsan Somaliland Soomaaliya xalay. Weftigan waxa hoggaaminayo safiirka safaaradda dawladda Ingiriiska ee dalalka Somaliland iyo Soomaliya Ambassador Daved Concar, isla markaana ay wehelinayso haweenayda madaxda ka ah […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Wasiir Ingiriis ah oo Somaliland ku Tilmaamay astaan Dhif ah oo u Taagan Degenaanshaha Iyo Geedi Socodka Dimuquraadiyada Geeska Africa!!

London 25. November 2017 (SDN/QJ):-Wasiirul dawlaha dawladda Ingiriiska u qaabilsan Afrika iyo dalalka barwaaqosooranka Mr. Rory Stewart, ayaa Somaliland ku tilmaamay inay astaan dhif ah u tahay dimuqraadiyadda iyo xasiloonida gobalka Geeska Afrika, ka dib doorashadii qabsoontay 13 November. Baarlamaanka Ingiriiska oo tan iyo markii ay doorashada Somaliland u qabsoontay si nabadgleyo waxa lagaga hadlayay doorashada Somaliland, iyadoo […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »