Home » 6:55 am Entries posted on “September, 2017”

Madaxweyne Trump Oo Ballaadhiyay Amarkii Uu Mareykanka Uga Mabnuucay Dalal Ay Soomaaliya Ku Jirto

Washington 26. September 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ballaariyay amarki uu dalkiisa uga mamnuucay in ay soo galaan muwaadiniinta qaar ka mid ah dalalka Islaamka, isaga oo hadda ka dhigay sideed wadan. Amarka cusub oo dhaqangali doona 18-ka bisha October ayaa saameyn doona dadka u dhashay dalalka Chad, Iran, Libya, Kuuriyada Waqooyi, Somalia, […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Guusha Hogaamiyaha Jarmalka ee Angela Merkel waa mid aan cago badan ku taagnayn

Berlin 26. September 2017 (SDN/QJ):- Angela Merkel waxa ay u muuqatay qof aad u daalan markii ay kasoo muuqatay xarunta dhexe ee xisbigeeda CDU markii ay dhamaatay doorashadii. Markii ay gaariga kasoo dagaysay, waxa ay isu diyaarisey in ay u dhoolo caddayso kaamirooyinka warbaahinta iyo waliba dadkii badnaa ee xisbigeeda ka tirsanaa ee xarunta ku […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Madaxweynaha Turkiga oo Si adag uga Hadlay Aftida laga qaaday Kuurdiyiinta Waqooyiga Ciraaq

Ankara 26. September 2017 (SDN/QJ):-  Madaxweyne Turkiga Rajab Dayid Urdugaan ayaa cambaareeyey aftida laga qaadayo Kurdiyiinta waqooyiga Ciraaq. Wuxuu carrabka ku adkeeyey inay tallaabo milatari qaadi doonaan haddii loo  baahdo, hadalkan madaxweyne ayaa yimid ka dib markii afti madaxbannaani ah laga qaaday kuridiinta ku nool waqooyiga Ciraaq shalay isniintii. Codeynta ka dhacaysay deegaanno uu khilaaf […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Haweeneydii “Ugu Buurneyd Dunida” Oo Dhimatay

Dubai 26. September 2017 (SDN/QJ):- Haweeney u dhalatay dalka Masar oo mar la aaminsanaa in ay ahayd qofka dunida ugu buuran ayaa ku dhimatay dalka Isutagga Imaaraadka Carabta. Eman Axmed Cabdi El Aty ayaa loo qaaday Hindiya horraantii sanadkan si loogu sameeyo qalliin lagu caataynayo. Warbaahinta qaar ayaa sheegay in culeydkeeda laga yareeyay illaa 300kg, […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Gudoomiyaha Gobolka Hawd ee Dhawaan is Casilay Oo Madaxweyne Siilaanyo Ku diidey istiqaalada iyo shaqadii Qaran Oo uu Sii Wadi Doono+Wasiiro Ka Hadlay DAAWO

Balli Gubadle  25. September 2017 (SDN/QJ):- Gudoomiyihii Gobolka Hawd oo Todobaadkii Tegay shaaciyey inuu Iska casilay Xilka Gudoomiye-nimo ee gobolkaas ayaa Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu ka diiday Is casilaadii uu ku dhawaaqay.  

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Xukuumadda Somaliland oo Jawaab Cad ka Bixisay Hadal ka soo Yeedhay Madaxweynaha Maamul Goboleedka Gal Mudug oo Shalay lagu Xayiray Madaarka Hargaysa DAAWO

Hargaysa 25. September 2017 (SDN/QJ):-Agaasimaha Guud ee Wasaaradda duulista hawada Somaliland Cumar C/llaahi Aadan ayaa si kulul u beeniyey hadal shalay ka soo yeeray Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo dowlada Somalia ku eedeeyey iney muddo shan saacadood ah ku xayirtay garoonka dayuuradaha Hargeysa. Cumar C/llaahi Aadan ayaa hadalkaas ku tilmaamay mid la been […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Madaxweynaha Galmudug oo Sheegay in Dawladda Soomaaliya Saacado badan Ku Xannibtay Madaarka Hargeysa DAAWO

Cadaado 25. September 2017 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Maamul-goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf), ayaa sheegay in Sheegay inay dawladda Federaalka Soomaaliya muddo shan saacadood ku siman ku xannibtay Axaddii shalay Garoonka Diyaaradaha Cigaal ee Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland Kadib markuu ka Yimid Dalka Imaaraadka. Madaxweyne Xaaf oo gelinkii dambe ee Shalay gaadhay magaalada Cadaado oo ah Xarunta […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Ciidanka Booliska ee Gobolka Saaxil oo Deegaanka Bulxaar ka soo qabtay Jaad Kootarabaan ah oo Laga Keenay Dalka Yemen & Dadkii watay DAAWO

Berbera 25. September 2017 (SDN/QJ):- Gudoomiyaha Gobolka Saaxil oo ay Weheliyaan Taliyaha qaybta booliska ee Gobolkaas iyo Maamulaha Kastamka Magaaladda Berbera ayaa sheegay in Ciidanka Booliska iyo Laamaha kale ee amaanku ay gacanta ku soo dhigeen doon siday qaad sharci daro ah oo laga keenay dalka Yemen.

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Laba Xildhibaan oo ka Tirsan Golaha Deegaanka Burco oo Maayarkooda Ku eedeeyay inuu iibiyay Dhulkii Xero dhiigta laga raray DAAWO

Hargaysa 25. September 2017 (SDN/QJ):- Laba ka mid ah Mudanayaasha golaha deegaanka ee Magaaladda Burco ayaa ku eedeeyay Maayarka Magaaladaasi Maxamed Cabdi Muraad inuu ganacsato gaar ah ka iibiyey dhulkii xero dhiigtii hore ee Magaaladda Burco oo ay xuseen inay rabeen in laga dhigo dugsi waxbarasho.

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Suldaanka Guud Ee Beelaha Subeer Awal Oo Shaaciyay Inaanu Suldaanka Oromadu Somaliland Iman Karin DAAWO

Hargaysa 25. September 2017 (SDN/QJ):- Suldaanka Guud ee Beesha Subeer awal Suldaan Xasan Suldaan C.laahi Suldaan Cabdi raxmaan ayaa gaashaanka u daruuray Wefti la sheegay inay Yihiin Madax dhaqameedka Qoomiyada Oromada Itoobiya oo Suldaankoodu hogaaminayo oo Socdaal ku imanaya Somaliland.

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »