Home » 6:55 am Entries posted on “September, 2017”

Macalin Jaamacadeed oo Hooyadii Kala Dedaalay Inay Dayacanto & Sida uu Quluubta Dadweynaha Caalamka u Soo Jiitay!!

China  27. September 2017 (SDN/QJ):- Bare wax ka dhiga jaamacad ku taala dalka Shiinaha, ayaa hooyadii oo waayeel ah, isla-markaasna xanuunsanaysa u kaxeeya fasalkii uu casharrada ka bixinayo, kadib markii uu waayay qof uu kaga sii tago. Macalinkan oo lagu magacaabo Hu Ming oo ku nool koonfur galbeed gobolka Guizhou ee dalka Shiinaha ayaa si […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Ma la Socotaa in Macaanada Sonkor la Moodka ahi ay kordhiyaan Miisaanka Qofka?

Canada 27. September 2017 (SDN/QJ):- Cilmibaadhis dhowaan lagu sameeyey dalka Kanada ayaa ka digtay in isticmaalka muddada dheer ah ee sonkorta samayska ah ama sankor la moodka ahi ay kordhiso buurnimada iyo cudurrada ay ka mid yihiin, macaanka, dhiigkarka iyo wadne xanuunka. Daraasad ay sameeyeen cilmibaadheyaal ka tirsan kuliyadda caafimaadka ee jaamacadda Manitoba ee dalka Kanada, […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Inta uu Xaday ayuu hadana uga Tagay Qoraal ka farxiyey!!

Hargeysa  27. September 2017 (SDN/QJ):- Muddo yar ayaa ka soo wareegtay arooskooda lamaanhan keligood degan guriga, gaadhigooda oo guriga ay hor dhigteen ayaa laga xaday. Iyagoo raadintiisa ku jira ayaa maalintii labaad tuugii xaday isago soo nadiifiyay oo maydhay uu soo dhigay isla guriga hortiisa. Ninkii Markii uu gaadhiga furay wuxu ka helay warqad qoraal […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Xoghayihii Hore ee Qaramadda Midoobay oo Shiinaha ka Dalbaday inuu Talaabo Dublamaasiyadeed u qaado dejinta Xiisada Colaadeed ee Gacanka Kuuriya

China  27. September 2017 (SDN/QJ):- Xoghayihii hore ee Qaramada midoobay Mr: Baankii Moon, oo ku sugan caasimada kuuriyada koonfureed ee Siyool ayaa ugu baaqay dawlada Shinaha in waqtigan  looga baahan yahay in ay dadaal xoogan u gasho sidii loo dajin lahaa xaalada colaadeed ee ka jirta gacanka kuuriya, isagoo tilmaamay in arintu marayso meel halis […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Daawo : Cudurada Wadanaha (Qalbiga) Iyo Daawooyinka Cudaradaas

Waxa aan barmaamijkan ku eegaynaa cudurada diiniga ah ee qofka qalbigiisa ku dhaca iyo sida loo dawayn karo. Daawasho wacan fadlana sii fidi.

Posted in dacwada,Features,Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Muxuu Xildhibaan Naasir X.Cali Shire ku Sababeeyay ka Tegistiisa Xisbiga Waddani Iyo Ku Biiristiisa Xisbiga Kulmiye? DAAWO

Hargaysa 26. September 2017 (SDN/QJ):- Xildhibaan Naasir Xaaji Cali Shire oo ka mid ah Golaha Wakiiladda Isla markaana ka Tirsanaa Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa Maanta sheegay inuu ka baxayo Xisbigaas una wareegayo Xisbiga Kulmiye oo uu xusay inuu u arko ka Somaliland ka saaraya Xaalada ay haatan ku sugan Tahay.

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

“Madaxweyne Ruug-caddaa ah ayaa Saaxadda ka baxayee, Wax ka Nixiya ha laga ilaaliyo doorashada..” Faysal Cali Waraabe DAAWO

Hargeysa  26. September 2017 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha Xisbiga UCID ahna Musharraxa Madaxweynaha Xisbigaas Faysal Cali Waraabe, ayaa soo jeediyey in la ilaaliyo nabadgelyada guud iyo sumcadda doorashada iyo weliba ta Madaxweyne Siilaanyo oo cidda ku guulaysata doorashada ku wareejin doona, siyaasaddana faraha kala bixi doono, kaas oo uugu yeedhey in wax ka nixiya iyo wax sumcad-xumo […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Madaxweyne ku Xigeenka Somaliland oo uu Weheliyo Madaxweyne Dal aan Weli la Aqoonsan oo Booqday Magaaladda Berbera DAAWO

Berbera 26. September 2017 (SDN/QJ):- Madaxweyne Ku Xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane C.raxmaan C.laahi Ismaaciil Saylici iyo Madax wehelisa ayaa Kormeer ku saabsan qaabka uu u shaqeeyo Mashruuca Maamul daadejinta dawladaha hoose waxa uu ku tegay Magaaladda Berbera isagoo Kulan la qaatay Madaxda Gobolka Saaxil ka degmada Berbera iyo Hawl wadeenada Dawladda hoose ee Berbera.

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Wakaaladda Biyaha ee Hargaysa oo Qiimaha Biyaha Sicir Gaar Ah u Jartay Iyo Lambarro Loo Sameeyay Biyooleyaasha Caasimaadda DAAWO

Hargeysa  26. September 2017 (SDN/QJ):-  Wakaaladda Biyaha Hargeysa, ayaa Gaadiidka Biyaha ee loo yaqaanno DAMEER-QADIYAHA u samaysay Lambaro ama Taariko u gaar ah isla-markaana diwaangelisay. Sidaana waxa Shaaciyey Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Mr. Maxamed Cali Daarood oo Shir-jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa Magaalada Hargeysa, waxaanu sheegay in Sababta Taarikadan loogu sameeyay tahay in lagula socdo Gaadiidkaasi […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

‘’Hadii aad I Doorataan Gobolnimada Gebilay Gacantayda ayay Ku Jirtaa Rag ayaa Waxay lahaayeen Axsaabta kale Waa ku Marti Gobolkan Waxaanse ku Dhaaranayaa in aanan Gobolka Gebilay Marti ku ahayn Waxaan Ku dhaaranayaa in …..’’ C.raxmaan Cirro DAAWO

Gebilay 26. September 2017 (SDN/QJ):- Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ahna Murashaxa Jagada Madaxweyne ee Xisbigaas Mudane C.raxmaan Maxamed C.laahi Cirro iyo Wefti uu Hogaaminayo ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay Magaaladda Gebilay ee Xarunta Gobolkaasi.

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »