Home » 9:25 am
Entries posted on “September, 2017”
Nairobi 02. September 2017 (SDN/QJ):- Toddoba xaakim ayaa tiro aqlabiyad ah ayaa jimcihii Shalay ku go’aamiyey in guddiga doorashada uu ku guul darraystay inuu qabto doorashooyin waafaqsan dastuurka iyo sharciga doorashooyinka. Sababaha “Doorashooyinku ma aha dhacdo ee waa geeddi socod. Ka dib markii aan ka baaraan degnay caddaymaha oo dhan, waxaan ku qanacnay in doorashooyinka […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Muqdisho 02. September 2017 (SDN/QJ):- Waxaa Caasimadda Somalia ee Muqdisho ka dhacay Banaan bax ay qaybo ka mid ah Shacabka magaaladaasi ku muujinayeen sida ay uga soo hor jeedaan Go’aankii ay dawlada madaxweyne farmaajo Itoobiya ugu gacan gelisay Cabdikariim Sheekh Muuse oo ka tirsanaa ururka ONLF.
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Hargaysa 02. September 2017 (SDN/QJ):- Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Boosaha Iyo Isgaadhsiinta ee Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Mudane Maxamed Jaamac Abgaal haatana ka tirsan Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa Bulshada Gobolka awdal ugu baaqay inay doorashadda soo socota ee Madaxtooyada Codkooda ku aarsadaan Isla markaana ay diidaan in Xisbiga Kulmiye ku soo noqon hogaaminta dalka.
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Kismaayo 02. September 2017 (SDN/QJ):- Shacabka Magaaladda Kismaayo ayaa Banaan bax ku Muujiyey sida ay uga soo hor jeedaan talaabadii ay Xukuumadda Federaalka Somalia ugu Gacan gelisay Itoobiya Sarkaal ka tirsan Ururka Onlf kaas oo laga soo qabtay magaaladda Gaalkacayo.
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Addis Ababa 02. September 2017 (SDN/QJ):- Dowladda Itoobiya ayaa markii ugu horreysay xaqiijisay in dowladda Soomaaliya ay u soo gacan galisay sarkaal ka tirsanaa ururka ONLF oo toddobaadkii hore la sheegay in lagu qabtay Magaalada Gaalkacyo. Wasiirka arrimaha warbaahinta dowladda Itoobiya ayaa wareysi uu siiyay qeybta Afka Amxaariga ee idaacadda VOA ku sheegay in dowladda […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Hargaysa 02. September 2017 (SDN/QJ):- Waxaynu Ku Jirnaa Maalintii Labaad ee Munaasibadda Ciidul Adxa. Waxaan Halkan idiinku soo Gudbinaynaa Barnaamij uu diyaariyey Telefishanka HCTV Isla markaana ku saabsan dhinaca Suugaanta gaar ahaan heesaha.
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Jilib 02. September 2017 (SDN/QJ):- Xarakada Al Shabaab ayaa Fagaare kuyaala magaalada Jilib ee gobolka Jubada Dhaxe kusoo bandhigtay Diyaarad Drones ah nuuca wax sawirada sidoo kale mararka qaarkood loo adeegsado howlaha basaasida. Diyaaradan Droneka ah ayaa lagu soo bandhigay markii salaada Ciida la dukaday fagaare lagu magacaabo macallin Aadan Xaashi Cayrow oo kuyaala magaalada […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Hargaysa 01. September 2017 (SDN/QJ):-Madaxweyne ku-xigeenkaJamhuuriyadda Somaliland, Mudane Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) Ahna Ku-simaha Madaxweynaha Qaranka Somaliland oo shacabka kula tukaday masjid Jaamaca weyn ee Hargaysa. Madaxweyneku-xigeenka oo uu wehelinaayo Gudoomiyaha ahna Musharaxa xisbiga KULMIYE mudane Muuse biixi Cabdi ayaa bulsho weynta ku dhaqan caasimada somaliland ee hargaysa kula tukaday salaadii ciida masjid jaamaca […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Hargaysa 01. September 2017 (SDN/QJ):- Gudoomiyaha Xisbiga Ucid ahna Murashaxa Jagada Madaxweyne ee Xisbigaas Eng Faysal Cali Waraabe ayaa ku bogaadiyey Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya inuu Wax ka qabtay dhaliilo uu u soo Jeediyey oo ku saabsanaa In Ciidanka Liyuu boolis ay tacadi u gaystaan shacabka Somaliland ee u safraya Itoobiya. Gudoomiye Faysal Waxaa […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Nairobi 01. September 2017 (SDN/QJ):-Maxkamadda ugu sarraysa dalka Kenya ayaa waxba kama jiraan ka soo qaaday doorashadii madaxweynenimada Kenya ee dhacday 8-dii Bishii August ee la soo dhaafay. Gudoomiyaha maxkamadda sare David Maraga ayaa sheegay in ay ogaadeen in wax isdabomarinno badan ay dhaceen, Iyagoo Qaraarkooda ku amray in 60 maalmood gudahood lagu qabto doorasho xalaal […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »