Home » 7:55 pm Entries posted on “September, 2017”

“Faratoon Iyo Xagla-toosiye Weysoo Shaqo Tageen,Sida ay Somaliland Dadkeeda Xamar Taga ugu Sheegto inay Shaqo Tageen” Madaxweyne Ku Xigeenka Cusub ee Kooxda Khaatumo oo Hargaysa ku Sugan DAAWO

Hargaysa 08. September 2017 (SDN/QJ):- Madaxweyne Ku Xigeenka Cusub ee Khaatumo oo Dhawrkii cisho ee la soo dhaafay ku sugnaa Caasimadda Somaliland ee Hargaysa ayaa ka hadlay Sida ay Kooxda Khaatumo u shaqayso. Waxa uu Sheegay Madaxweyne Ku Xigeenka Khaatumo in Wasiirka arrimaha Gudaha iyo Caafimaadka Somaliland Mudane Yaasiin Xaaji Maxamud Xiir Faratoon iyo Saleebaan […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Weriye Araga Naafo ka ah oo Ka Shaqeeya Radio Hargaysa & Sida uu Shaqadiisa u Qabsado isagoon Cid kaashan DAAWO

Hargaysa 08. September 2017 (SDN/QJ):- Mowliid Maxamed Odowaa waa nin dhalinyaro ah oo mihnadda Saxaafadda kaga hawl-gala hay’ado warbaahineed oo Idaacadda Dawladda ee Radio Hargeysa ka mid tahay u xil-saaran barnaamijyo todobaadle ah oo uu soo saaro, laakiin waxa uu weriyeyaasha kale ee dhiggiisa ee inta badan bahda saxaafadda ka tirsan kaga duwan yahay inuu […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Cisbitaal Hargaysa Ku Yaala oo Qaliino Bilaash ah Fuliyey Iyo Haweenay laga Jaray Fiix Dhawr Kiilo ah DAAWO

Hargaysa 08. September 2017 (SDN/QJ):- Cisbitaalka Madiina ee magaaladda Hargaysa ayaa ku Guulaystay Qalliin Culus oo Haweenay Maqalka naafo ka ah lagaga soo saaray Fiix Dhawr Kiilo ah halka cisbitaalku 45 qof si lacag la’aan ah ugu sameeyay qalliino kala duwan.

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Dhisme Somaliland Ku Cusub Oo Berbera Laga Dhisay Iyo Waxa Lagu Qabanayo!!DAAWO

Berbera 08. September 2017 (SDN/QJ):- Gudoomiyaha Gobolka Saaxil oo uu Weheliyo Maayarka Magaaladda Berbera ayaa xadhiga ka Jaray xarun loo sameeyay Gaadiidka ka baxa Magaaladda Berbera ee u kala socdaala Gobolada dalka.

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Madaxweyne Ku Xigeenka Kooxda Khaatumo oo Cisbitaalka Guud ee Hargaysa Ku Booqday Dad Dhaawac ah DAAWO

Hargaysa 08. September 2017 (SDN/QJ):- Waxaa mudooyinkii u Danbeeyay Somaliland gaar ahaan caasimadda hargaysa ku sugan Hogaanka Sare ee Khaatumo oo wada hadal u socdo Xukuumadda Somaliland.   Hadaba Madaxweyne ku xigeenka Khaatumo ayaa Cisbitaalka Guud ee Hargaysa ku booqday dad dhaawac ah oo sida uu xusay ka tirsan Khaatumo.

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

“Waxaad la socotaan hay’adihii dawlada. Baarlamaankii wuu dhintay, guurtidii way inaga dhimatay, maxkamadihiina way inaga dhinteen dekedda Berberana dan Somaliland leedahay looma wareejin’’ Gudoomiyaha Ku Meel Gaadhka ah ee Waddani

Hargaysa 08. September 2017 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha ku meelgaadhka ah ee xisbiga Waddani xildhibaan Cabdiqaadir Jirde, ayaa sheegay inaan dekedda Berbera lagu wareejin dan Somaliland leedahay, waxaanu tilmaamay in hawlgaladii aqoonsi raadisku uu hoos u dhacay mudadii xukuumadda Siilaanyo talada haysay. Md. Jirde oo hadal ka jeediyay madal uu habeen hore kula kulmay dhallinyarada Degmada Axmed […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Maandooriyaha Khamriga oo si Xoogan loo Geliyey Gobolka Daad Madheedh & Hawlgal Culus oo Lagula Dagaalamayo DAAWO

Oodweyne 08. September 2017 (SDN/QJ):- Kulan ay yeesheen Maamulka Gobolka Daad Madheedh,ka Golaha Deegaanka ee Magaaladda Oodweyne,Bah’da Garsoorka Iyo Culimada Magaaladaasi ayaa lagaga arrinsaday sidii la isaga kaashan lahaa la dagaalanka Maandooriyaha Khamriga oo ay sheegeen in maalmihii u danbeeyay deegaano door ah oo ka tirsan Gobolka Daad Madheedh soo gelitaankiisu soo badanayay.

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Dawlada Somaliland oo Daboolka Ka Qaaday 9 Kun oo Beerood oo Loo Qodayo Beeralayda Ku Dhaqan 135 Deegaan oo Abaartii Naafaysay

Hargaysa 08. September 2017 (SDN/QJ):- Xukuumadda Jamhuuriyadda  Somaliland,  ayaa shaacisay  inay  sagaal kun oo beerood loo qodi doono beeraleydii danyarta ahayd ee ay abaartii qalafsanayd ee horaantii sannadkan   ku habsatay dalku naafaysay wax-soosaarkoodii, Waxaana beerahan  laga qodi doonaa 135 degaan oo  gobollada dalka oo dhan  ku yaalla. Sidaasna waxa sheegay wasiirka wasaaradda beeraha Somaliland, Maxamed […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Sanaag: Muran Ka Taagan Maamulka Beenyada Iyo Go’aammo Guddiga Nabadgalyadu Soo Saaray

Ceerigaabo 08. September 2017 (SDN/QJ):- Waxa Muran ka taagan yahay Maamulka Beenyada uu Qaniga ku yahay Gobolka Sanaag ee Somaliland. Ka Ganacsiga iyo Maamulka Beenyada Gobolka Sanaag ayaa waxa ka taagan khilaaf u dhexeeya Shirkado yaryar oo ay leeyihiin Muwaadiniin reer Somaliland ah iyo Dad kale oo iyaguna ku lug leh Beenyada. Muwaadiniinta leh Shirkadaha […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Cali Guray oo Cabdilaahi Cirro ku Masaaley Qof uu Hayo Nacaybka  Muuse Biixi

Hargaysa 08. September 2017 (SDN/QJ):- Siyaasiga Cali Yuusuf (Cali Guray), oo ka mid ah madaxda xisbigga muxaafadka ah ee KULMIYE, ayaa eedo ba’an u jeediyay wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Somaliland Cabdillaahi Cirro oo dhawaan ku biiray xisbigga mucaaradka ah ee WADDANI. Cali Guray, ayaa Cabdillaahi Cirro ku tilmaamay in uu hayo xannuun uu ku […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »