Home » 6:25 am
Entries posted on “September, 2017”
Florida 12. September 2017 (SDN/QJ):- Daadadka ayaa gaadhay laba Fiit, in ka badan hal miylan oo guri ayaa bilaa laydh ah. In ka badan 6.3 milyan oo qof ayaa loo sheegay inay isaga baxaan guryahooda. Duufaantan IRMA ayaa hore cagta u soo marisay jasiiradaha Kiribiyaanka, kuna dishay 27 qof. Dabaylo xoogan oo ay duufaantu wadato […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Sanca 12. September 2017 (SDN/QJ):- Xisbiga Koongareeska shacabka ee uu hogaamiyo Madaxweynahii hore ee Dalka yaman cali cabdallah saalax ayaa ganafka ku dhuftay go’aamo ay soo saareen kooxda xuutiyiinta oo lagu casilayo rag sarsare oo ka mid ah taageerayaasha cali cabdallah saalax. Gudiga sare ee xisbiga Koongareeska yaman oo kulan aan caadi ahayn ku yeeshay […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Rama-la 12. September 2017 (SDN/QJ):- Maamulka falastiiniyiinta ayaa waxa ay si rasmi ah u weydiisteen Midowga yurub inay aqoonsi buuxa oo dawladnimo siiyaan, si ay taasi xal ugu noqoto qorshaha dhismaha labada dawladood. Dalabkan ayay maamulka falastiiniyiintu ku gudbiyeen kulanka ay magaalada raama-laah ee daanta galbeed ku leeyihiin gudiga wadajirka ah ee Falastiin iyo Midowga […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Dimishiq 12. September 2017 (SDN/QJ):- Qof kastaa marka uu sawirkan arko waxa markiiba maskaxdiisa kusoo dhacaysa in sawirkani uu yahay mid laga soo xigtay kuttubta taariikhda gaar ahaan taariikhyahandii ka soo jeedi jiray Dalka Greece, balse xaqiiqadu si aad ah ayay uga duwan tahay sidaasi waxaanu sawirkani ka turjumayaa murugada iyo darxumada ay shacabka dalkaasi […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Qaahira 12. September 2017 (SDN/QJ):- 18 askari oo ah Booliska Dalka Masaar ayaa waxaa dilay Kooxda Daacish ee Bahalo galeenka ku noqday Gobolka Siinay. Dilkan ayaa yimid Kadib markii kooxda Daacish weerartay kolanyo boolis ah oo marayayay Gobolka Siinay waxaa kale oo Weerarkan ku dhaawacmay Todoba askari oo Kale. Weerarkan ayaa noqonaya kii labaad ee […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Riyadh 12. September 2017 (SDN/QJ):- Mujtamaca dalka Sucuudiga oo had iyo jeer ku adag caadooyinka iyo dhaqanka dalkooda, iyadoo dhaqankoodu uu dhigayo in haweenaydu aanay marnaba kusoo bixi karin asturnaan la’aan. Susan Al-qaadi ayaa waxay ka mid noqotay haweenka xayeysiiya Dharka, Susan ayaa waxay wax ka baratay kulliyada dhaqaalaha, kadibna waxay u kicitintay Dalka Maraykanka […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Deir Azor 12. September 2017 (SDN/QJ):- Diyaaradaha ayaa bartilmaameedsaday dadkan shacabka oo ka qaxayey deegannada ay dirirtu ka socotay, waxaan ay ku jiray sagaal carruur ahi. Sida ay sheegeen ururka korjoogta xuquuqul insaanka ee fadhigoodu yahay Ingiriiska, waxa ay diyaaraduhu gareen in ka badan 40 huudhi oo ay wateen dadka qaxayey. Weli wax war ah […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Ottawa 11. September 2017 (SDN/QJ)– Nabigu (CSW) waxa uu markasta ku hamiyi jiray wanaaga umadiisa iyo in ay aakhiro iyo aduunba liibaan. Habayn habaynada ka mida ayuu aad ugu ooyay umadiisa. Dhacdadaas halkan ka daawo hadaad sii fidin kartana fadalan sii fidi.
Posted in dacwada,Features,Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Sep 11, 2017 Ottawa (Cadceed) – Nabigu (CSW) waxa uu markasta ku hamiyi jiray wanaaga umadiisa iyo in ay aakhiro iyo aduunba liibaan. Habayn habaynada ka mida ayuu aad ugu ooyay umadiisa. Dhacdadaas halkan ka daawo hadaad sii fidin kartana fadalan sii fidi. -Suxufi Yoonis Cali Nuur oo haatan ah La Taliyaha Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Muqdisho 11. September 2017 (SDN/QJ):-Waxaa goordhaw qarax aad u xoogan uu ka dhacay Afaafka hore ee Hotel Wehliye oo kuyaala Laamiga Maka Al Mukarama ee magaalada Muqdisho, qaraxan ayaana loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay. Qaraxa ayaa ka dhacay Laamiga dhinaciisa gaar ahaan goobo ay ku yaaleen xarumo ganacsi iyo meelo shaaha laga […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »