Home » 6:55 pm Entries posted on “September, 2017”

‘’Waxaan Rumaysnahay inaan Gobolka Gebilay Iyo Awdal Codad badan ka helayo Martina aanan ku ahayn’’ Murashaxa Madaxweyne ee Waddani DAAWO

Hargaysa 12. September 2017 (SDN/QJ):- Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ahna Murashaxa Jagada madaxweyne ee Xisbigaasi Mudane C.raxmaan Maxamed C.laahi Cirro oo ka hadlayay Madal uu Xisbigiisu ku soo dhawaynayay Sagaal Xidhibaan oo ka tirsan golaha deegaanka Sallaxley ayaa sheegay in Xisbiga Kulmiye Markii uu Gobolada galbeedka marayay uu yidhi Xisbiyada kale waa ku […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Murrashax Muuse Biixi oo Tilmaamay Hiigsiga iyo Hannaanka uu Doonayo inuu Dalka ku Hoggaamiyo DAAWO

Hargaysa 12. September 2017 (SDN/QJ):-Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa si faahfaahsan uga hadlay barnaamijka siyaasadeed ee xisbigu ku galayo doorashada Madaxtooyada iyo qorshihiisa uu diirada ku saari doono arrimaha horumarka iyo ammaanka dalka. Murrashax Muuse Biixi waxa uu sharraxay qorshihiisa siyaasadeed ee uu ku waajihi doono arrimaha ammaanka […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

“Idin Odhan Mayno Sida Qolada Kulmiye Guusha Soo Raaca Ee Waxaan Idin Leenahay Guusha Nala Dhaliya,Faysalna u Codeeya anagana Noo Badiya” Hogaamiyaha Xisbiga Waddani DAAWO

Hargaysa 12. September 2017 (SDN/QJ):- Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa Xaflad soo dhawayn ah u sameeyay Tiro ka mid ah Xildhibaanada Golaha Deegaanka Sallaxley oo cadeeyay inay ka baxeen Xisbiga Kulmiye Isla markaana ku biireen Xisbiga Waddani. Hogaamiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali X.Xasan ayaa Khudbad dhinacyo badan leh halkaas ka Jeediyey ‘’Waxaan leeyhay Xildhibaanada […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Somaliland oo Lagu Daray Dalalka Doorashooyinku ka Dhacayaan Sannadkan

Hargaysa 12. September 2017 (SDN/QJ):- Sannadkan 2017 ee sii dhammaanaya dalal badan oo Afrika ah, ayaa doorashooyin ka dhacayaan, dalal kalena doorashooyinkii ka dhici lahaa dib ayay u dhaceen. Barnaamij lagaga hadlayay doorashooyinka Afrika ee sanadkan dhacaya iyo kuwa dib loo riixay oo ay baahisay Idaacada BBC-da barnaamijkeeda Focus On Africa, horaantii bishan ayaa Somaliland […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Xisbiga KULMIYE oo si Rasmi ah u Daah-furay Barmaamij-siyaasadeedka Cusub ee uu Doorashada ku Galayo SAWIRO

Hargaysa 12. September 2017 (SDN/QJ):- Xisbul-xaakimka haya talada dalka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay barmaamij-siyaasadeedka cusub ee uu ku galayo doorashada  Madaxtooyada ee u qorshaysan inay dalka ka qabsoonto 13-ka bisha November ee sanandkan 2017, si uu mar kale ugu guulaysto maamulka talada waddanka. Daah-furka barmaamij-siyaasadeedkan cusub ee KULMIYE oo […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Xisbiga Waddani oo Kalsoonidii Kala Laabtay Akaademiyadda Nabadda Iyo Daladda SONSAF, Muxuu Yahay Qoonsimaadka Yimid? DAAWO

Hargaysa 12. September 2017 (SDN/QJ):- Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa Waxa uu Kalsoonidii kala Laabtay Akaademiga Nabada iyo Horumarka iyo Dalada Ururada aan dawliga ahayn ee Sonsaf.   Xisbig Waddani ayaa labadan urur bulsheed ku dhaliilay inay ku dhex milmeen asxaabta siyaasada isla markaasna ay lumiyeen kaalintoodii dhex-dhexaadnimo, waxaanay komishanka u soo jeediyeen in […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

‘’Dee Madaxweynuhu Hargaysa ayuu Joogaa oo Meel kale Tagi maayee Hadii aan Khaldamo oo aad I qaban weydo adigaa u Qoolan’’ Gudoomiye Muuse Biixi DAAWO

Hargaysa 12. September 2017 (SDN/QJ):- Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ahna Murashaxa Jagada Madaxweyne ee Xisbigaas Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa ka qayb galay Madal ay Taageerada Xisbiga Kulmiye ku Muujinayeen deegaanada Haleeya,Maygaagta Iyo Baho dhamal oo Sheegay inay ku qanacsan Yihiin Hogaaminta Xisbiga Kulmiye.

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Fanka Laxan Samaynta Iyo Saamaynta uu ku leeyahay Heesaha Soomaalida Iyo Xidig ka mid ah Kuwa Codadkooda Loogu Jecel yahay  DAAWO

Muqdisho 12. September 2017 (SDN/QJ):- Cabdi Kariin Faarax Qaareey Wuxuu Ku Magac Dheer yahay ‘’Cabdi Kariin Jiir’’ Waa Mulaxan aad u yaqaan Codadka Laxan ee Heesaha soomaaliga. Waxa uu Weliba dheer yahay Laxan sameeyeyaasha Heesaha Soomaalida Kuwiisu waxay leeyihiin hab dhaqac gaar ah oo baadisooc u ah Sida inay Heestu dhawr jeer is bedbedesho Laxankeedu. […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Jaho-wareer Ka Taagan Dekedda Berbera Oo Maraakiib Xamuul Ahi 2 Bilood Taagan Yihiin, Cabashada Ganacsatada, Muhmalka DP World Iyo Sabaalaha Dawladda Somaliland!!

Berbera 12. September 2017 (SDN/QJ):- Ganacsatada Alaabooyinka kala soo dega Dekedda Berbera ayaa ka cabanaya in Shirkadda DP World ee Maamusha Dekeddu aanay sidii la rabay u wadin Shaqada Dekedda isla-markaana Alaabooyinka ay sidaan Maraakiibta laga dejin wakhtiga ugu Munaasibsan oo ku habsaamaan, taasina caqabad ku tahay Ganacsigooda. Ganacsatadan oo ay wehelinayaan Mukhallasiinta Shirkadaha Ganacsiga […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Hargaysa:Sarrifka Boqolka Dollar Oo Hal Maalin Gudaheed Kor Ugu Dhaafay Hal Milyan Oo Shilin & Jaha-wareerka Nololeed Ee Bulshada

Hargaysa 12. September 2017 (SDN/QJ):- Qiimaha Sarrifka Dollarka ayaa halkii ugu sarreysay gaadhay Suuqyada Somaliland, taasi oo macnaheedu yahay in hoos u dhici ugu weynaana uu soo waajahay Shilinka Somaliland. Suuqyada Somaliland, ayaa Shalay Boqolka Dollar lagu sarrifayey Hal Milyan oo Shilinka Somaliland ah, halka marka Qofku uu Shilinka sito lagaga iibinayey Boqolka Dollarka Hal […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »