Home » 6:55 pm
Entries posted on “September, 2017”
London 14. September 2017 (SDN/QJ):- Dawladda Ingiriiska ayaa balan qaaday inay 60 ergay oo xoogan oo caalami ah u soo diri doonto doorashada madaxtooyada Somaliland si ay u kormeeraan doorashadaas November la qorsheeyay inay qabsoonto. Sidaas waxa ku dhawaaqay wasiirul dawlaha Ingiriiska u qaabilsan Afrika iyo dalalka barwaaqo sooranka Rory Stewart oo toddobaadkan Baarlamaanka Ingiriiska […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Hargaysa 14. September 2017 (SDN/QJ):- Wasiirul dawlaha Wasaaradda Arrimaha Somaliland Prof Maxamed Mixile Boqore ayaa sheegay inay la soo Xidhiidheen wufuud badan oo Somaliland u imanaya sidii ay Goob jog uga noqon lahaayeen doorashadda Madaxtooyadda ee la filayo inay Somaliland ka dhado 13-ka November ee sannadkan.
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Hargaysa 14. September 2017 (SDN/QJ):- Waxa dhawaan magaalada Ankara ee dalka Turkiga ku qabsoomay wejiga labaad ee shirkii aqoonyahanka Somaliland iyo Somaliya oo hore dalkaas uga qabsoomay. Shirkan oo socday laba maalmood, waxa labada aqoonyahan ee Somaliland iyo Somaliya dhex joogtay dawladda Turkiga oo wada hadalada labada dal gogosha u fidisay si ay u fahanto […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Hargaysa 14. September 2017 (SDN/QJ):- Maayirkii hore ee magaalada Berbera Cabdale Maxamed Carab (Cabdale Sandheere) ayaa shaaca ka qaaday in uu sitoosa ugu biiray xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, islamarkaana uu ka baxay xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye. Cabdale Sandheere ayaa sidan ku sheegay shir jaraa’id oo uu warbaahinta kula hadlay isaga oo ku sugan […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Hargaysa 14. September 2017 (SDN/QJ):- Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid ayaa eedaymo u soo Jeediyey Dalada Ururada aan dawliga ahayn ee Sonsaf oo ku marti qaaday Kulan lagu shaacinayo Guddida Xalinta Khilaafaadka Doorashada oo ay Sheegeen in aanu Sharciga dalka meel ka soo gelin.
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Hargaysa 14. September 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Somaliland, wuxuu habeenimadii Isniintu soo galaysay isku shaandhayn ku sameeyay xubno ka tirsan xukuumadiisa. Go’aankan Madaxweyne Siilaanyo oo muddo la sugayay, waxa lagu eekaysiiyay badhasaabo iyo maareeyayaal, waxaana dabcan la garwaaqsan karaa in Madaxweynuhu talaabadan qaaday ka dib dhaliilo uu arkay oo kaga yimid bulshada, kuwaas oo sabab u […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Hargaysa 14. September 2017 (SDN/QJ):- Suldaanka Guud ee Beelaha Subeer-Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan ayaa mar uu ka hadlayay Munaasibad balaadhan oo loo sameeyay Buug siyaasadeedka Waxqabadka Xisbiga Kulmiye yidhi…
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Haawaday 14. September 2017 (SDN/QJ):- Tirada dhimashada dadkii Soomaalida ee lagu laayay magaalada Haawadey ee gobolka Oromia waxay maraysaa 36 qof, 9 gaadhi oo la gubay. Dadkaa dhintay waxa u badan beesha Samaroon oo 13 qof ah, 4 Ka soo Jeeda beesha Ciidagale ah iyo 5 Habar Awal ah, halka inta Kale ay Yihiin Dad […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Hargaysa 14. September 2017 (SDN/QJ):- Siyaasi Saleebaan Ibraahim oo ka tirsan mas’uuliyiinta xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ayaa waxa uu ka hadlay xaaladda cakiran ee ka taagan dekeedda Berbera oo qarka u saaran in albaabada loo laabo. Siyaasi Saleebaan Ibraahim oo warbaahinta kula hadlay magaalada Burco ayaa waxa uu yidhi “dekedda berbera maanta way xidhantay, […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Hargaysa 14. September 2017 (SDN/QJ):- Shirkadda DP World, ayaa ganafka ku dhuffatay qaraar Xukuumadda Somaliland rabtay inay kusoo af-jarto muranka iyo khilaafka ka dhex aloosmay todobaadkan ganacsatada iyo maamulka Shirkadda DP World ee Berbera. Khilaafkan hadda ee labada dhinac oo si rasmi ah usoo shaac-baxay Axaddii Doraad, kaddib markii maamulka Shirkadda DP World Berbera usoo […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »