Home » 7:25 am
Entries posted on “September, 2017”
Myanmar 18. September 2017 (SDN/QJ):- Wadaad aaminsan diinta Buudhiiska oo u dhashay dalka Miyanmaar ayaa qirtay in uu ka qaybgalay xasuuqa bani’aadamnimada ka baxsan ee lagu hayo dadka muslimiinta ah ee ka soo jeeda qawmiyadda Rohinja ee dalkaas iyo gubista tuulayaashooda, isaga oo intaas ku daray in booliiska dalka laftiisuna ka caawinayey falalkan foosha xun. […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Tehran 18. September 2017 (SDN/QJ):- Ayaatulah Cali Khumeyni wuxuu sheegay in Iiraan ay tahay dal awood leh oo aanay waxba ka tarayn inuu Maraykanku cadaadis saaro oo aanay u madaxa u foorarinayn. Ayaatulah Khumeyni wuxuu hoosta ka xariiqay in dalka Iiraan ay ku eedaynayaan Maraykanku inay yihiin kuwa musuqmaasuq badan, been sheega oo aan daacad […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Berlin 18. September 2017 (SDN/QJ):-Alexander oo ah Hogaamiye ka tirsan xisbiga AFD ee midigta fog ayaa u sheegay wakaalada warark ee Reuters inay abuurayaan baadhitaan cusub oo lagu diiwaangelinayo qoxoontiga dalka soo galaya ee ay ogolaatay haweenayda Raysal wasaaraha ka ah dalka Jarmalku. Alexander wuxuu sheegay inay doonayaan inay baadhitaan gaar ah ku sameeyaan siyaasada […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Burundi 18. September 2017 (SDN/QJ):- Qaramada midoobay ayaa soo jeedisay in baadhitaan xaqiiqa raadin ah laga sameeyo dad qaxoontiya oo ka soo jeeda Dalka Burundi oo lagu xasuuqay bariga dalka Jamhuuriyada Dimuqraadiga ee Congo. Nabad ilaaliyayaasha ka socda Qaramada Midoobay ee MONUSCO ayaa waxay sheegeen in Ciidamada Amaanka ee dalkaasi ay toogteen Todoba iyo […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Washington 18. September 2017 (SDN/QJ):- Aqalka Cad ee looga taliyo dalka Mareykanka ayaa mar kale ku celiyey inaanay ka noqonaynin Go’aankoodii ay ku qaadaceen heshiiskii Paris ee isbedelka cimilada ilaa shuruudaha heshiiskaasi wax ka bedel lagu sameeyo. Aqalka Cadi waxa kale oo uu sheegey inaanay waxba ka jirin hadalo dhawaanahan ka soo yeedhay diblumaasiyiin Mareykan […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Hargaysa 17. September 2017 (SDN/QJ):-Wasiirka waxbarashada Somaliland Cabdilaahi Ibraahin Habane, ayaa ku dhawaaqay natiijada imtaxaanaadka shahaadiga ah oo markii ugu horaysay ay dhaceen arday saddex kun iyo shanboqol ka badan Somaliland. Ardaydan dhacday ayaa kala ahaa 1711 arday oo ka dhacay fasalka afraad ee dugsiga sare, halka dugsiga hoose dhexe fasalka sideedaadna ay ka dhaceen […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Kismaayo 17. September 2017 (SDN/QJ):-Shan Carruur oo la sheegay inay ahaayeen Walaalo iyo Saddex Qof oo kale ayaa ku Geeriyooday Dab ka kacay Xero ay ku nool yihiin Dad Barakacayaal ah oo ku taalla Magaalada Kismaayo ee Xarunta Maamulka Jubbaland. Dabkan ayaa sidoo kale la sheegay inuu dhaawac ka soo gaadhay Hooyo Da’ ah oo […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Hargaysa 17. September 2017 (SDN/QJ):-Idaacada BBC laanteeda afka soomaaliga ayaa Raaligelin Buuxda waxay Galabta ka bixisay War ay ka baahisay Rabashadaha ka taagan Ismaamulka Oromada Itoobiya oo ay Sheegtay in Colaadaasi ay ka bilaabantay magaaladda Hargaysa ee Caasimada Somaliland. Warkan oo ahaa Mid been abuur ah isla markaana xaqiiqada ka fog ayaa waxaa ka hawl […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Hargaysa 17. September 2017 (SDN/QJ):- Waxaa dhawrkii Cisho ee u danbeeyay Suuqyada hargaysa la Keenay qaadka Miirooga oo qaar ka mid ah Ganacsatada Somaliland ay ka keeneen dalka Kenya kadib markii rabshado dad badani ku dhinteen ay ka dhaceen Magaaladda Haawaday ee Oromada Itoobiya oo Somaliland qaadku uga iman jiray.
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Burco 17. September 2017 (SDN/QJ):- Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ahna Murashaxa Jagada Madaxweyne ee Xisbigaas Mudane C.raxmaan Maxamed C.laahi Cirro iyo Wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa Socdaal ku tegay magaaladda Burco.
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »