Home » 6:55 am Entries posted on “February, 2017”

Dadkii Ugu Badnaa Oo Toddobaadkan Gaajo Iyo Harraad Ugu Dhintay Badhtamaha Dalka Soomaaliya

Galgaduud 26. February 2017 (SDN/QJ):- Tuulo lagu magacaabo Keyn-ooman oo qiyaastii 38Km u jirta deegaanka Godinlabe ee Gobolka Galgduud ee Soomaaliya, waxaa Gaajo iyo Haraad ugu geeryooday Aabbe iyo laba Carruur ah oo uu dhalay. Saddexdaa Ruux, ayaa tirada Dadka Gaajada iyo Harraadka ugu dhintay Gobolka Galgaduud ka dhigaysa 11 Qof, kuwaas oo toddobaadkan dhammaaday […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Haweenay Wadnaheeda Ku Qabatay Gacanta, Markii Laga Saaray Laguna Beeray Wadne Kale!

New Jersey 26. February 2017 (SDN/QJ):- Wadnuhu waa xubinta ugu muhiimsan Aadmiga, haddii uu shaqayn waayana waxay ka dhigan tahay in qofkaasi uu geeriyooday mana jirto qof isaga oo nool wadnihiisa gacantiisa ku taabta, Laakiin haweenay u dhalatay Dalka Maraykanka, Gobolka New Jersey ayaa ku guuleysatay iyada oo nool inay wadnaheedii laga soo saaray kadib […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Ruushka oo Shaaciyey Dagaalka Internet-ka ee Dunida oo uu Bilaabay, Guulaha uu gaadhay iyo Cabsida uu Abuuray

Moscow 26. February 2017 (SDN/QJ):- Ciidammada Millateriga ee Dawladda Ruushka, ayaa markii ugu horreysay qirtay heerka uu gaadhay dagaalkooda ku saabsan weearka Xogta Kumbuyuutarrada iyo Internet-ka.Wasiirka Gaashaandhigga ee Ruushka, ayaa sheegay in si heer sare ah ay u ballaadhiyeen waxa uu ku tilmaamay hordhaca dagaal qaboow. Wasiirka Gaashaandhigga Ruushka Sergei Shoigu oo ka hadlay awooddooda […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

”Madaxweyne Farmaajo Ha La Dilo,Raysal Wasaaraha Ha La Dilo,Dawladoo Dhan Ha La Dilo Waayo Somalia Waxa Maanta Joogaa Waa Gaalo” Haweenay u Dhaxday Sarkaal Sare oo Alshabaab ka Tirsan oo La Qabtay DAAWO

Muqdisho 26. February 2017 (SDN/QJ):-Ciidamada nabad sugida iyo Sirdoonka Soomaaliya ayaa soo qabtay xaaska mid kamid ah saraakiisha Ajaaniibta Al-shabaab Haweeneydan oo magaceeda la yiraahdo Leyla Cumar Baaruud waa xaaska sarkaal Ajnabi ah oo dhalashadiisu tahay Itoobiyaan kaasoo ka tirsan xoogaga Al-shabaab ee ka horjeeda dowlada Somalia. Saraakiisha ciidamada sirdoonka Soomaaliya ayaa sheegay in lagu raadjoogay […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Maxamed Baashe X.Xasan Iyo Markuu Dib u Helay Xoriyadiisii Muxuu Ka Yidhi Xadhigiisii Lixda Cisho? DAAWO

Hargaysa 26. February 2017 (SDN/QJ):-Waxaa Xalay Xoriyadiisa Dib u Helay Weriye Maxamed Baashe Xaashi Xasan oo dhawr Cisho Ku Xidhnaa Xarunta Denbi baadhista ee Magaaladda Hargaysa.  

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Sucuudiga : Ganacsatada Daroogada Oo Qarinta Maandooriyaha Agabka Loo Adeegsado Akhriska Iyo Barashada Qur’aanka

Jiddah 26. February 2017 (SDN/QJ):- Dadka ku dhaqan Dalka Sucuudiga ee ka ganacsada Maandooriyayaasha ayaa had iyo jeer adeegsada xeelado kala duwan oo badankooda la ogaaday, balse waxa ay haatan keeneen arrin aad u layaab badan oo qofka ku Ab-tirsada islaamku uu aad uga damqanayo.   Haddaba, xeelad kasta oo ay Dalkaasi ku galin karayaan […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Haweenay Caan Ah Oo Cayayaan Ay Karsatay Cuntay, Ubadkeedana U Diiday!

Cambodia 26. February 2017 (SDN/QJ):- Angelina Jolie waxay ka mid tahay jilyaasha ugu caansan, waxaanay ku guuleysatay Abaal-marinta Golden Globe ee lagu maamuuso dadka jilayaasha ah, iyo kuwo kale oo Caalami ah, waxaanay ku caan baxday arrimaha samafalka iyada oo marrar dhawr ah loo doortay Haweenayda ugu Saamaynta badan Dunida sida ay ku sheegeen warbaahinta […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Nin Dilay Walaashii Markii Uu Ka Xannaaqay Ciyaarteeda Isaga Oo T.V Daawanaya!

Australia 26. February 2017 (SDN/QJ):- Nin u dhashay dalka Australia oo miisaankiisu yahay 98Kg ayaa waxa uu dilay gabadh yar oo Da’deedu aheyd saddex sano, sababta ku kaliftay ayaa lagu sheegay inay aheyd in uu ka xannaaqay ciyaarteeda faraha badan, waxaanay marar dhawr ah hor martay Telefishankii uu daawanayay sida lagu soo bandhigay wargeyska Mirror […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Halista Caafimaad Ee Duuga Iyo Nadaafad La’aanta Barkimada Lagu Seexdo !

Hargaysa 26. February 2017 (SDN/QJ):- Haddii aad had iyo jeer ka cabanayso indho xanuun ama ay indhahaagu casaadaan isla markaana kugu bato cuncunka indhuhu waxaad ogaataa in barkimada aad ku seexataa ay dhibaatadaasi sabab u tahay sida lagu soo bandhigay wargeyska Daily Mail .   Khubaro ka faalooday arrintan ayaa sheegay in qofku haddii uu […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Kiimiko Neerfaha Waxyeesha oo laga Helay Meydka Kim Jong-nam Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Walaalkii

Kuala Lumpur 26. February 2017 (SDN/QJ):- Kiimikadii loo adeegsaday dilka Ninka ay isku Aabbaha yihiin hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, ayaa la ogaaday in ay ahayd kiimiko neerfayaasha wax yeesha, sida uu sheegay Booliiska dalka Malayshiya. Kim Jong-nam, ayaa lagu dilay garoonka diyaaradaha Caasimadda Malaysia ee Kuala Lumpur, ka dib markii ay Sun wajiga ka mariyeen labo […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »