Home » 4:55 am
Entries posted on “February, 2017”
Muqdisho 16. February 2017 (SDN/QJ):-Dowlada Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in la hakinayo howlihii duulimaadyada garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho 22-ka bishan oo ku beegan maalin arbaco ah. Wasaarada Gadaiidka iyo Duulista hawada Soomaaliya ayaa ku wargalisay shirkadaha Diyaaradaha ee ka howlgala Garoonka Aadan Cadde in la hakiyay diyaaradhii garoonkaasi kasoo degi jiray […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Muqdisho 16. February 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka arrimaha gudaha Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen “Odowaa” ayaa waxa uu ka hadlay xadhiga wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon oo shalay magaalada Hargeysa lagu xidhay. Cabdiraxmaan Odowaa oo qoraal uu kaga hadlayay xadhiga wariyaha soo dhigay bartiisa Facebook ayaa waxa uu sheegay in aanay ahayn in wariyaha la xidho balse ay ahayd […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Cadan 16. February 2017 (SDN/QJ):- Maalintii Axadii ee ay Baarlamanka Somaliland ansaxinayeen saldhiga ciidan ee dawladda Imaaraatku dalbatay inay ku yeelato xeebta magaalada Berbera,ayaa diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Imaaraatka (Apache) iyo koox maleeshiyo maxali ah oo Imaaraatku si gaar ah u taakuleeyaan waxay wada jir ahaan weerar ku qaadeen qayb ka mid ah Ilaaladii […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
San Pedro 16. February 2017 (SDN/QJ):- Labo Wariye oo tabin toos ah ka waday Idaacad ku taala magaalada San Pedro de Macoris ee Dominica ayaa la toogtay kadib markii kooxo hubeesan ay gudaha ugu soo galeen Idaacadii ay ka howlgalayeen. Mid kamid ah Wariyaasha la dilay ayaa xiligaasi barnaamij ka aqrinayay Raadiyaha waxaana si […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Gebilay 15. February 2017 (SDN/QJ):-Guddoomiyaha xisbal-xaakimka KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo, ayaa si la yaab leh loogu soo dhaweeyey degaannada Wajaale iyo Gabiley maanta, kadib markii ay kasoo laabteen safar shaqo oo ay muddooyinkaba ugu maqnaayeen dalka Itoobiya. Weftigan oo ay Guddoomiye Muuse Biixi ku wehelinayeen Wasiirka Arrimaha […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Hargaysa 15. February 2017 (SDN/QJ):-Marwo Faadumo Siciid Ibraahin La Taliyaha Gaarka ah ee Murashaxa Jagada Madaxweyne ee Xisbiga Waddani ayaa Sheegtay in Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ay Wadaag ku Yihiin Dawlada Somalia Heshiiskii Saldhiga Mileteri ay Imaaraadka Kaga Siisay Madaarka Berbera.
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Hargaysa 15. February 2017 (SDN/QJ):- Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf ‘’Cali Guray’’ oo haatan Ku abtirsada Xisbiga Talada dalka haya ee Kulmiye ayaa hadalo adag ku ganay Gudoomiyeyaasha labada Gole ee Guurtida iyo Wakiiladda. Cali Guray ayaa dhanka Kale Ku Hanjabay in Magaaladda Berbera aan La Keeni Karin Carab,Halka uu Sidoo Kale Difaacay Murashax Muuse Biixi […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Hargaysa 15. February 2017 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan oo qaybo ka mid ah warfidiyeenada kula hadlayey barxadda hore ee shir guddoonka golaha Somaliland,ayaa jawaab ka bixiyey hadalo kasoo yeedhay dawlada Somaliya oo khuseeya saldhiga Milateri ee dawlada Imaaraadka laga siiyey magaalada Berbera. Hanti dhowrka guud ee dawladda Somaliya oo wareysi gaar […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Hargaysa 15. February 2017 (SDN/QJ):- Suldaanka guud ee Somaliland Suldaan maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo la yaabay caqliga baarlamaankeena, sidoo kalena sheegay inaanay wax fa’iido ahiba Somaliland ugu jirin saldhig Milatari. “Dekeddaasi wax dambe oo shaqa ah oo ka soconaysaa ma jirto, waa Askari, Qori iyo Rasaas” Suld. Maxamed Suld. Cabdiqaadir.
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Hargaysa 15. February 2017 (SDN/QJ):-Xasan Xaaji C.laahi Xasan oo Ku Magac Dheer ‘’Xasan Ganay’’ Wuxuu ka Mid yahay Foolaadka Fanka Somalida Waa Abwaan Soo Saaray Riwaayado badan iyo Suugaan Dhaxal u ah Guud ahaan Ummada Ku Hadasha Luuqada Somaliga. Abwaan Xasan X. C.laahi ‘’Xasan Ganay’’ oo Xogwaran Gaar ah siiyey Barnaamijka Ku Dayo Muwaadinkaaga Danta […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »