Home » 9:55 am
Entries posted on “February, 2017”
Hargaysa 19. February 2017 (SDN/QJ):-Maxkamadda Sare ee Somaliland, ayaa go’aan ka gaadhay Dacwad u dhaxaysay Saddex Qoys oo Ilmo yar isku haystay, dhinac walibana ku doodayey inay iyagu dhaleen ilmahaas. Hase-yeeshee, baadhitaan Hidde-sidaha saddexda Waalid ee ku doodayey iyo ilmaha ay isku haysteen laga qaaday, ayaa lagu xaqiijiyey Qofka dhalay ilmahaas. Dacwaddan oo soo soctay […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Berbera 19. February 2017 (SDN/QJ):-Guddida Daba Galka Xasuuqii ka dhacay Somaliland oo ay Weheliyaan Komiishanka Xuquuqul Iinsaanka Somaliland,Wasiir Ku Xigeenka Xannaanadda Xoolaha,Maamulka Gobolka Saaxil iyo Hay’ad Caalami ah oo ka hawl gasha arrimaha Xasuuqa ayaa Xabaalaha Burco Sheekh ee Magaaladda Berbera Waxay ka heleen Xabaal wadareedyo Lagu aasay Dad Shicib ah Xiligii Taliskii Siyaad Bare.
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Hargaysa 19. February 2017 (SDN/QJ):-Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ka hor intii aanu ku guulaysan hogaaminta taladda dalka ee uu ku jiray halgankii mucaaradnimo ee uu ugu ordayay hanashada kursiga uu maanta ku fadhiyo, dooddihiisu way caddaayeen, isla markaanna wax badan oo maanta Xukuumaddiisa lagu dhaliilsan yahay hore ayuu uga sii hadlay. Haddaba aan dhugano […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
London 19. February 2017 (SDN/QJ):-Xukuumada Soomaaliya ayaa la sheegayaa inay cabasho rasmi ah u gudbin doonto dalka Imaaraadka Carabta, inay ku xadgudbayso midnimada dalka, isla markaana olole ugu jirta burburinta heshiiskii Somaliland ugu ogolaatay Imaaraadka carabta inay saldhig Milateri ka samaystaan magaalada Berbera, maadama taasi keeni karto aqoonsi dalka Imaaraadka Carabtu siiyaan Somaliland. Sida […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Dubai 19. February 2017 (SDN/QJ):-Shabakadda dalalka Geeska Afrika sida weyn looga akhristo ee Alleastafrica.com ayaa toddobaadkan baahisay maqaal ganacsi oo ay ku sheegayso in xogo ay heshay oo caalami ah tibaaxayaan in Ganacasade Cabdiraxmaan Boore oo u dhashay dalka Jabuuti isku diyaarinayo sidii uu Warshadda Sibidhka Berbera ee Somaliland kula wareegi lahaa 10-Milyan oo dollar. […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Hargaysa 19. February 2017 (SDN/QJ):-Wasiirul Dawlaha Nabadaynta Gobolada bari ee Somaliland Mudane Cabdi Rashiid Xuseen Cabdile ( Gargaar) ayaa Sheegay in Wada Hadalka u Socda Xukuumadda Somaliland Iyo Khaatumo Guulo weyn laga gaadhay Isla markaana la sii wadi doono wada xaajoodkaas ilaa ay ka Midho dhalaan.
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Buuhoodle 19. February 2017 (SDN/QJ):-Deeq Raashin ah oo Xukuumadda Somaliland ugu Talo gashay Dadka abaaruhu Saameeyeen ee Ku dhaqan Gobolka Buuhoodle ayaa la gaadhsiiyey Deegaano ka Tirsan Gobolkaas.
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Hargaysa 19. February 2017 (SDN/QJ):-Inkasta oo aanu si cad uga muuqan kharash ahaan waxa lagu kireeyey dhukumantigii nuxurka heshiiska lagu sheegay ee xukuumaddu Golayaasha labada aqal marsiisatay toddobaadkii hore haddana waxa soo baxaya xogo kala duwan oo la xidhiidha xaddiga lacagaha xukuumaddu qaadanayso ee heshiiskaasi ku kacayo oo qaarkood ku sheegeen kuwo badan kuwo kalena […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Hargaysa 19. February 2017 (SDN/QJ):-Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf Cali Guray ayaa sheegay in Saleebaan Gaal aanu joogin meel uu leeyahay markii uu Xildhibaan Dable ku lahaa waar saar, isaga oo Cali Guray sheegay in fikirkiisu kalya la xidhiidho aragtida uu isagu qabo ee aanu qabyaalad iyo xumaan kale toona waxba kaga sheegin Saleegaan Gaal. Siyaasi […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
London 19. February 2017 (SDN/QJ):-Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde, Guddoomiyaha ku meel-gaadhka ah ee Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI oo wakhtigan ku sugan dalalka qaaradda Yurub ayaa sheegay in uu waxba kama jiraan yahay heshiisna aan lagu sheegi Karin wixii ay xukuumaddu Axaddii la soo dhaafay ka samaysay Golayaasha Baarlamanka isaga oo si adag u […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »