Home » 7:11 am Entries posted on “January, 2017”

Hoggaamiyaha Oromada Itoobiya oo Argaggixisannimo lagu eedeeyey, loona Diiday Dammaanad

Addis Ababa 28. January 2017 (SDN/QJ):- Hogaamiyaha Mucaaradka Itoobiya ahna Gudoomiyaha Ururka lagu magacaabo Oromo Federalist Congress (OFC) Dr. Merera Gudina, ayaa Maxkamadda Itoobiya u diidday inay ku sii dayso dammaanad. Dr. Gudina, ayaa waajahaya Dacwad la xidhiidha Argaggixisannimo oo ay dawladda Federaalka Itoobiya ku eedeeysay, kuna sheegtay inuu la kulmay Xubno dawladda ka soo horjeeda […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Kaftan na dhex-maray Musharrax Muuse Biixi iyo Jawaabta uu ka bixiyey Hadal Bulshada dhexdeeda Caan ka noqday

Hargaysa 28. January 2017 (SDN/QJ):-Waxay aheyd maalintii Khamiistii ee todobaadkii hore oo Bishu aheyd 26/1/2017-ka ka dib markii  Koox Saxaafadda kala duwan ee Somaliland ka mid ah oo aan ka mid ahaa uu Tababar ku saabsanaa Doorka Saxaafadda ee  Doorashooyinka Somaliland iyo Xeerka Anshaxa Saxaafadda noogu soo xidhmay Huteel Maansoor ee Magaaladda Hargeysa.  ka dib laba […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

DAAWO: Qoysas Abaartu Ka Soo Baro-kicisay Gobollada Bariga Oo Maanta Deeq La Gaadhsiiyey

Gebilay 27. January 2017 (SDN/QJ):-Qaar ka mid ah Dadweynaha reer Somaliland ee ku dhaqan Dalalka Dibadda, gaar ahaan Ingiriiska iyo Imaaraadka Carabta, ayaa Deeq Lacageed soo soo gaadhsiiyey Qoysas Abaartu ka soo baro-kicisay Gobollada bariga oo deggan banka u dhexeeya Degmooyinka Kalabaydh iyo Dila. Qoysaskan oo hore Xaaladda ay ku sugan yihiin uu War-bixin uga diyaariyey […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Musharaxiinta Madaxweyne ee Somalia ee isla socda hadana kala Socda !!

Muqdisho 27. January 2017 (SDN/QJ):-Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ee lagu wado in 8-da bishan Febraayo ka dhacdo magaalada Muqdisho waxaa isku soo sharaxay Musharaxiin badan ,kuwaa oo isugu jira kuwa horey dalka xilal uga soo qabtay iyo kuwa cusub. Musharaxiinta Madaxweyne ayaa intooda badan ku sugan magaalada Muqdisho, qaar kamid ah Musharaxiinta ayaana si rasmi ah isku […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Ujeedada uu Daaranaa Banaan Bax ka Dhacay Xaafada Gol Jano ee Magaalada Hargaysa!!!! DAAWO

Hargaysa 27. January 2017 (SDN/QJ):- Dadwaynaha ku dhaqan Xaafada Goljano ee Magaalada Hargeysa ayaa waxa ka dhacay isku soo bax aad u balaadhan oo ay ku taagerayeen go,aankii madaxwaynaha Somaliland kasoo saarey qiimaha lacagta Doolarka, oo aad looga dareemey guud ahaan dalka dhinacyada noloshada dadka danyarta ah ay wax wayn iska bedeleen go,aankaasi.

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

”Waxba Nagama Gelin Somalia Laakiinse Waanu Wada Hadlnayaa Somaliland ” Maamulka Kooxda Khaatumo DAAWO

Buuhoodle 27. January 2017 (SDN/QJ):- Shir ay masuuliyiinta iyo madaxda Khaatumo ku yeesheen Buuhoodle ayaa ay ku qaadaceen war dhawaan ka soo baxay siyaasiyiin iyo wax-garad reer Buuhoodle ah oo soo jeediyay in la hakiyo wada hadalada Somaliland iyo Khaatumo inta ay dhaceyso doorashada Soomaaliya Waxaanay masuuliyiinta maamulka Khaatumo ay sheegeen inaanay marnaba hakineyn wada hadalka […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Wasiir Faratoon oo ka Hadlay Guddoomiyihii Sarriflayaasha Hargeysa oo Saldhigga Booliska ku Dhintay

Hargaysa 27. January 2017 (SDN/QJ):-Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Yaasiin Maxamuud Ciir (Faratoon), ayaa ka hadlay geerida Guddoomiyihii Sarriflayaasha magaalada Hargeysa oo ka mid ahaa shan Ruux oo Sarriflayaal ah oo Ciidanka Ammaanku ku xidhay Saldhigga dhexe ee Booliska Hargeysa oo uu ku geeriyooday. Guddoomiyihii Sarrifleyaasha magaalada Hargeysa Cabdillaahi Cali Bare, ayaa Shalay ku geeriyooday Saldhigga […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Culimo Faysal Cali Waraabe ugu Bushaareeyey Riyo lagu tusay Isagoo Madaxweyne ah, Kitaabna Gacanta u saaray DAAWO

Hargaysa 27. January 2017 (SDN/QJ):-Culimada Reesh Sheekh Maxamed Carab oo ah Culimo caan ah oo deegaan ku ah degmada Xaaji Saalax oo ka tirsan gobolka Daad-madheed (Oodweyne), ayaa Hargeysa ugu yimi Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe oo ay sheegeen inay ku riyoodeen isaga oo Madaxweyne ka noqday Somaliland, isla markaana Cadaalad […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

“Baanku wuxuu Caddaynayaa in Zaad-ku saamayn weyn ku leeyahay Sicir-bararka, Amarkuna wuu fulayaa ..” Baanka dhexe DAAWO

Hargaysa 27. January 2017 (SDN/QJ):- Masuuliyiinta Baanka dhexe ee Somaliland, ayaa jawaab ka bixiyey War-Saxaafadeed ay Shirkadda Isgaadhsiinta ee Telesom shalay soo saartay oo ay ku sheegtay inaan adeegga Lacagta Taleefannada gacanta la isugu diro ee Zaad wax saamayn ah ku lahayn Sicir-bararka iyo Sarrif-bararka Doollarka iyo qiimo-dhaca Lacagta Somaliland, isla markaana aanu suuragal farsamo […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Dawladda Kuwayd oo Dil Deldelaad ah ku fulisay Toddoba Qof oo Midkood Qoyska Boqortooyada ka tirsanaa

Kuwait 27. January 2017 (SDN/QJ):-Dawladda Boqortooyada Kuwait, ayaa deldeshay Toddoba Maxbuus, waana markii u horraysay ee ay dawladdu dil fuliso tan iyo 2013-kii, Dadkaasna waxaa ka mid ahaa Qof Qoyska Boqortooyada ka tirsanaa. Waxaa lagu deldelay Xabsiga dhexe sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka ee dawladda Kuwayd ee Kuna. Qofka Qoyska Boqortooyada ka tirsan, ayaa lagu sheegay […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »