Home » 9:33 am
Entries posted on “January, 2017”
Hargaysa 27. January 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka Ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Cali Dhagoole, ayaa sheegay in Masuul u hadlay Shirkadda Isgaadhsiinta ee Telesom markii ay soo baxeen go’aammada Xukuumaddu ku xallinayso Sicir-bararka iyo qiimaha Sarrifka Doollarka ee qiimo tiray lacagta dalka uu muujiyey inay Shirkad ahaan Dhiig-miirad yihiin, isla markaana aanay u tudhaynin Shacabka dhibaatooyinka Abaaraha […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Gambia 27. January 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha cusub ee dalka Gambia, Adama Barrow ayaa dib ugu laabtay dalkiisa si uu awooda ula wareego. Shacab fara badan ayaa ku soo dhaweeyay garoonka diyaaraha ee caasimadda Banjul, iyadoo Barrow lagu dhaariyay dalka Senegal todobaadkii hore. Madaxweyne Barrow waxaa safarkiisa ku wehliya ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan galbeedka Afrika Maxamed […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Muqdisho 27. January 2017 (SDN/QJ):-Waxaa soo baxaya faahfaahino ku saabsan weerarkii saaka aroornimadii xoogaga Al-shabaab ku qaadeen degaanka Kulbiyow ee gobolka Jubada hoose oo ay saldhig milateri ku leeyihiin ciidamada kenya. Boqolaal ka tirsan dagaalyahanada Al-shabaab ayaa la sheegay iney degaankaas weerar culus ku qaadeen, kaasoo ku bilowday gaadiid loo adeegsaday qaraxyo ismiidaamin ah oo lagu […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Muqdisho 27. January 2017 (SDN/QJ):- Warar soo baxaya oo ay baahinayaan qaar ka mid ah idaacadaha gudaha ayaa sheegaya in la aqoonsaday ninkii hogaaminayey weerarkii maalintii Arbacada lagu qaaday hotelka Dayax ee magaalada Muqdisho. Nin magaciisa lagu soo koobay C/raxmaan Fatxi ayaa la sheegayaa inuu hogaaminayey weerarkaas oo galaaftay nolosha dad kor u dhaafaya 30 ruux […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Washington 27. January 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Mareykanka ayaa canshuur dheeraad ah ku soo rogay allaabta Mexico laga keno ee dalkiisa lagu iibiyo, si lacagtaas loogu bixiyo qarashka derbiga. Afhayeenka aqalka cad ayaa sheegay in Qorshahan uu soo baxay saacado ka dib markii madaxweynaha Mexico uu joojiyay booqasho uu ku tagi lahaa Washington, ka dib qilaaf ka […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Hargaysa 25. January 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) ayaa soo saaray wareegto ujeedadeedu tahay qorshe degdeg ah oo lagu joojinayo sixir bararka dalka ka jira. Wareegtada Madaxweynaha ayaa waxay u dhigneyd sidan:- Madaxweynaha JSL Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/WM/222-4504/012017, ka saxeexay Qorshaha Deg-dega […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Hargaysa 25. January 2017 (SDN/QJ):- Afhayeenka golaha wakiillada Somaliland ahna Guddoomiyaha xisbiga wadani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro, ayaa ka hadlay dagaal beelo walaalo ah ku dhexmaraya degmada Buuhoodle ee gobolka Cayn. Dagaalka oo dhaliyay khasaaro naf iyo maalba leh ayaa todobaadkan ka taagnaa degmadaas iyadoo ay ku dhinteen ilaa dhowr ruux oo katirsan dhinacyada dagaallamaya. […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Hargaysa 25. January 2017 (SDN/QJ):- Guddida Heerka Qaran ee Gurmadka Abaaraha Somaliland oo ay Weheliyaan Maamulka Gobolka Saaxil iyo Ka Degmada Berbera ayaa Ka Qayb galay Kulan Lagu Daahfurayay Raashin ay Boqortooyadda Sucuudigu ugu Talo Gashay Dadka Somaliland ee Ku tabaaloobay Xaalada abaareed ee dalka ka Jirta.
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Muqdisho 25. January 2017 (SDN/QJ):- Xildhibaanada Baarlamanka Soomaaliya labada aqal oo kulan kuyeeshay Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay isku raacayn in dhaqaalaha laga qaadayo musharxiinta u tagan qabashad Xilka Madaxweynaha Boqolkiiba kontan loogu Deeqo Shacaba Abaaraha ay saameeyeen. Gudoomiyaha Golaha shacabka Soomaaliya Maxamed shiikh Cismaan Jawaari uu dhinac Fadhiyay Gudoomiyaha Xildhaibaanada Aqalka Sarae Cabdi […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Hargaysa 25. January 2017 (SDN/QJ):- Gudoomiyaha Hay,ada Madaxa Banaan ee Xuquuqul insaanka Soomaaliland Mudane Guulleed Axmed Jaamac ayaa sheegay inay hayaan cabasho badan oo ka timid shacabka Soomaaliland taas oo ay keentay Tacadiyo ay gaysteen ciidamada Booliska ee maamulkaasi. Gudoomiyaha ayaa sidoo kale wuxuu sheegay tacadiyadaasi inay qayb ka yihiin kuwo Bulshadu ay kala […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »