Home » 5:55 am Entries posted on “July, 2016”

Qaar Ka Mida Dadkii Laga Soo Qabqabtay Tuulada Lafo-Ruug Oo Xaaladooda Laga Dayrinayo, Hooyo 80-Jir Ah Oo Ku Jirta Iyo Hooyo Ummul Ah Oo Loo Diiday In Ay Ilmaheedii Nuujiso

Hargaysa 29.July 2016 (SDN/QJ):- Ugu Yaraan 16 qof oo dorraad laga soo qabqabtay Tuulada Lafo-ruug ee Gobolka Saaxil, wakhtiganna ku xidhan Saldhigga Xaafadda Macalin Haaruun ee Bariga Caasimada Hargeysa ayaa qaar ka mid ah xaaladooda laga dayrinayaa kadib markii qaar ka mid ah dadkan shacabka ah ee la soo qabqabtay la xaqiijiyey in ay ku […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Xaalad Jahawareer Ah Oo Ka Taagan Gobolka Saaxil Iyo Xukuumadda Oo Miciinsanaysa Xadhig, Cago-Juglayn Iyo Daba Gal Lagu Hayo Dadka

Berbera 29.July 2016 (SDN/QJ):- Ciidamada Booliska Magaalada Berbera oo kaashanaya kuwa milatariga ayaa daafaha magaalada Berbera iyo magaalada dhexdeedaba ka xidhixidhaya cid kasta oo gaadhigiisa ama gacantiisa lagu arko sawir (Steaker) ah ee lagu shaacinayo shirka la sheegay inuu Beelaha Gobolka Saaxil uga furmi doona bisha dabayaaqadeeda Deegaanka Baxafarasaafka oo katirsan degmada Laasgeel (Dacarbudhuq) kagana […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Aqoonayahan Jamaal Cali Xusseen Oo Tafaasiil Ka Bixiyey Sababihii Ku Kelifay Inuu Xisbiga Mucaaradka Ah Ee UCID Musharax Ka Noqdo DAAWO

Hargaysa 29.July 2016 (SDN/QJ):- Murashaxa Jagada Madaxweyne ee Xisbiga Ucid Jamaal Cali Xuseen ayaa si Qoto dheer uga hadlay Asbaabihii ku dhaliyey inuu Xisbiga Ucid Murashax ka noqdo kuna Biiro Xili la furay Ururada Siyaasada ee Ka Qayb qaatay Doorashadii Golayaasha Deegaanka.

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Maxaad ka Taqaanaa Gabadhii Lagu Naanaysi Jiray “Quruxleydii Dhiig-cabka ahayd” DAAWO

Hargaysa 29.July 2016 (SDN/QJ):- Barnaamikeenan xogta dahsoon waxaynu kaga hadlaynaa gabadhii magceeda la odhan jiray Mary Lopes oo lagu naanaysi jiray Quruxlaydii Dhiigyo cabka ahayd.

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Dhakhtar U Dhashay Ciraaq Oo Ka Sheekeeyay Amar Uu Saddaam Xuseen Siiyey Oo Uu Diidday

Hargaysa 29.July 2016 (SDN/QJ):- Isaga oo ka sheekaynayaa nolasha uu soo maray ayaa waxa uu ku bilaabay warbixin uu siiyay wargeyska Dailly express:- Magacaygu waa Dr Munjid Al Mudaris waxaanan ahay dhakhtar daaweya lafaha isla-markaana waxa aan ka mid ahay khuburada ugu waawayn ee adduunka ee rakiba lafaha sinaaciga ah. Runtii waxa aan soo maray […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Dalalka ay ka soo Jeedaan Dadka ugu Dhaadheer iyo kuwa ugu Gaagaaban Adduunka

Hargaysa 29.July 2016 (SDN/QJ):- Cilmi-baadhis cusub ayaa bedka soo dhigtay in ragga dunida ugu dhaadheer ku nool yihiin dalka Holland, halka haweenka ugu dhaadheerna Latvia. Waxa kale oo cilmi-baadhistan oo ay sameeyeen khubaro ka tirsan Jaamacada Imperial oo ku taal magaalada London ee dalka ingiriiska sheegeen in ragga ugu gaagaaban ay ka soo jeedaan dalka […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Ma Jiraa Xidhiidh Ka Dhexeeya Dagaallada Iyo Isbeddelka Cimilada ?

Hargaysa 29.July 2016 (SDN/QJ):- Culimada cimilada  ayaa waxa ay dhawaan soo saareen daraasad cusub oo ay sabab uga dhigeen in isbeddelka cimilada ee ka jira Adduunku uu sabab u yahay dagaalada ka jira dalal badan oo Adduunka ka mida gaar ahaan bariga dhexe iyo Aasiyada dhexe.   Prof Karl Sasblostar oo ka socday Machad ka […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Golaha Wasiirada Somaliland oo Ansixiyay Heshiiska Maalgashiga Dekedda Berbera Ee DP World

Hargeysa,28,7,2016 (QJ/SDN) – Shirkii toddobaadlaha ahaa ee Golaha Wasiirada Somaliland, oo tirsigiisu yahay 200 ayaa maanta oo taariikhdu tahay 28-07-2016 ku qabsoomay hoolka shirarka ee golaha Wasiirada. Shirkan oo uu gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, weheliyeyna Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabduraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa waxa xaadir ku ahaa aqlabiyadda xubnaha […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

MADAXWENAHA: Cayaaruhu Waxay Gacan ka Geystaan Dib u Heshiisiinta iyo is-dhexgalka

Muqdisho,28,7,2016 (QJ/SDN) – Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Qabsoomidda Cayaarihii Maamul-goboleedyada dalka ee dhawaan lagu soo Gaba-gabeeyay Muqdisho ay muujinayaan horumarka laga gaarey dib u heshiisiinta, nabadda iyo is-dhexgalka bulshada. Xasan Shiikh ayaa hadalkan ka jeediyay xaflad casho-sharaf ahayd oo xalay xarunta gobolka Banaadir loogu sameeyay dhammaan cayaartoydii ka qeybgashey ciyaarihii dowlad […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Madaxweyne Xigeenkii Hore Oo Sheegay In Maxkamada Ciidamadu Aanay Lahayn Qaadista Dacwadda Eedaysanayaasha Dilka Taliye Casayr, Racfaanna Loo Qaadan Doono Maxkamad Rayida

Hargeysa,28,7,2016 (QJ/SDN) – Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa ka hadlay xukunkii dilka ah ee Maxkamada  Ciidanku  ku riday eedaysanayaashii loo haystay dilkii Taliyihii Booliska ee Gobolka Saaxil iyo  mudaharaadadii  lagaga soo hor jeeday xukunkaasi ee ka dhacay magaalooyinka Sheekh,Berbera  Iyo Burco. Axmed Yuusuf Yaasiin waxa uu shegay in xukunkan laga […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »