Home » 11:49 am
Entries posted on “July, 2016”
Muqdisho,30,7,2016(QJ/SDN) – Safiirka Dawlada Turkiga u fadhiya Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho Amba Oglen Baker oo la hadlay warbaahinta Magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin Inqilaabkii fashilmay ee ka dhacay dalka uu Wakiilka u yahay, Xidhitaankii xarumihii Nile Academy ee Somaliya iyo arrinta Somaliland ee illaa haatan aan […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Hargeysa,30,7,2016 (QJ/SDN) – Guddomiyaha Guddida Wanaag Farista Iyo Xumaan Reebista Somaliland Sheekh Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi ayaa shalay salaadii jimce ka dib muxaadaro kooban oo uu ka jeediyay Masaajidka Daarul-Iimaan ee ku yaalla xaafadda Jigjiga yar ee Caasimadda Hargeysa waxa uu kaga hadlay arrimo iskugu jira waano iyo wacdi muhiim ah. Ugu horayn Sheekha ayaa ka […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
London,30,7,2016 (QJ/SDN) – Aqoonyahan Cabdi Cali Daakir oo ka mid ah aqoonyahannada reer Somaliland ee ku dhaqan dalka Ingiriiska ayaa waxa uu si adag uga hadlay Saami-qaybsiga Kuraasta Baarlamaanka Somaliland oo uu sheegay in ay xaq-darro ku dhisanyihiin – isla markaana ay dulmi tahay in wixii Lixdankii la diiday dalka dib loogu soo celiyo.
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Nairobi,30,7,2016 (QJ/SDN) – Warar qaar ka tirsan warbaahinta gudaha Kenya ay qoreyso ayaa sheegaya in boqolaal askari oo Muslimiin ah ay iskaga baxeen ciidamada Kenya ee KDF shantii sano ee lasoo dhaafay. Wararkaa ayaa sheegaya in ay waraaqo iscasilaad ah soo gudbiyeen amaba aysan soo gudbine ay isga baxeen iyagoon ogeysiis xataa dhiibin. Waxay sheegeen […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Hargeysa,30,7,2016 (QJ/SDN) – Maxakamada Gobolka Hargeysa ayaa xabsi gaadhaya ku dhawaad hal sano iyo lix bilood ku riday Sheekh Aadan Cabdiraxmaan Warsame (Aadan Sunne). Sheekh Aadan-Sune oo muddo saddex bilood ah ku jiray xabsi ku yaala Magaaladda Hargeysa, waxaana khamiistii xukun ku riday maxakamada Gobolka Maroodi-jeex. Sida lagu warramayana waxaa sheekha lagu soo eedeeyay laba […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Hargeysa,30,7,2016 (QJ/SDN) – Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde oo ka mid ah Guddida Arrimaha Guddaha iyo Nabadgelyada ee Golaha Wakiilada kana tirsan xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa ka hadlay aragtidiisa ku waajahan saami qaybsiga kuraasta golaha wakiilada somaliland oo mar kale hortaala madaxweynaha si uu go,aan uga gaadhayo. Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde oo […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Hargeysa,30,7,2016 (QJ/SDN) – Xildhibaan Siciid Cartan Cismaan oo ka mid ah mudanayaasha golaha wakiilada somaliland kana tirsan xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye ayaa sheegay in madaxweynaha iyo xisbiga Kulmiye-ba ay diyaar u yihiin inay doorashooyinka wakhtigooda ku qabtaan, waxaanu fariin u diray xisbiyada mucaaridka ah. Xildhibaan Siciid Cartan Cismaan oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Hargeysa,30,7,2016 (QJ/SDN) – Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa xil cusub u magacaabay siyaasi Cabdi Haybe Muxumed oo ka mid ah saraakiisha xisbigaasi. Warsaxaafadeed shalay ka soo baxay xafiiska gudoomiyaha Xisbiga Waddani ayaa lagu shaaciyey xilka cusub ee siyaasi Cabdi Haybe Muxumed, waxaanu warsaxaafadeedkaasi u dhignaa sidan Ujeeddo: Magacaabis Xil Markaan darsay: Qodobka 28aad ee […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Hargeysa,30,7,2016 (QJ/SDN) – Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa Khudbaddii Jimcaha ee Shalay kaga hadlay Kaalinta WADA-TASHIGU kaga jiro dhismaha Islaamka iyo sida Diinteennu u dhiirisay in Hoggaamiyeyaasha Muslimiintu la tashadaan Dadkooda. Sheekh Aadan-Siiro, waxa kale oo uu ka hadlay Marxaladda kala-guurka ah ee Somaliland gashay, Maaddaama oo ay soo dhaweyn yihiin Doorashooyinka […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Ankara,30,7,2016 (QJ/SDN) – Dawladda Turkiga ayaa dalka Nigeria ka codsatay in ay xidho tiro iskuullo ah oo ay sheegtay in uu leeyahay Fetullah Gulen. Mr. Gulen, waxaa lagu eedeeyay in uu ka dambeeyay afgambigii dhicisoobay ee bishan ka dhacay dalka Turkiga. Hakan Cakil oo ah Danjiraha Turkiga u fadhiya dalka Nigeria ayaa sheegay in uu […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »