Home » 5:33 am Entries posted on “June, 2016”

“Dawladi Indho Qudhaanjo ayay leedahay”Madaxwayne Siilaanyo

Hargaysa 28.June 2016 (SDN/QJ):-Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Md Axmed Siilaanyo ayaa fariin digniina u diray dadka ku hawlan inay carqaladeeyaan ama ka horyimaadaan mashaariicda Horumarineed ee Xukuumadiisu ka wado Somaliland. Madaxwayne Siilaanyo, waxaa uu sheegay inay xukuumadiisu diyaar u tahay horumarka  balse aan loo baahnayn bulsho carqaladaysa dadaalada Xukuumadiisu Wado.   “Waxaan u digayaa dadka ku […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Maamulka Degmada Burco oo Hirgalinaya Xarun lagu Daryeelo Caruurta Derbi Jiifka ah

Burco 28.June 2016 (SDN/QJ):- Maayarka degmadda Burco ee gobolka Togdheer Mr. Maxamed Yuusuf Muraad oo ay weheliyeen xoghayaha dawladda Hoose iyo xildhibaanno ka tirsan Golaha deegaanka Burco oo uu ka mid ahaa Xildhibaan Mubaarig Yuusuf Cilmi (Bidhi), ayaa dhagax dhigay dhisme ay ugu tallo galeen darbi-jiifka magaaladaasi. Dhulka laga dhisayo  Dhismahan cusub waxa bixisay dawladda […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Cod-bixintii Ingiriisku Kaga Baxay Midowga Yurub Oo Khasaare Laxaadle Gaadhsiisay Bilyanneerrada Caalamka

London, 28 June, 2016-(SDN/QJ) :– Codbixintii Britain ay Midawga Yurub Kaga Madax Banaanaatay oo Sababay in 400 Qof oo Ka Mid ah Tujaarta Dunidu Khasaaraan Lacag Gaadhaysa $127 Bilyan. Cod bixintii Ingiriisku kaga baxay is bahaysiga midawga yurub ayaa waxa uu sababay khasaare ay dhaqaale badan khasaareen tujaarta adduunku. Cod bixintani waxa ay sababtay in […]

Posted in Sports | Read More »

Daladda Kulmisa Jaaliyada Somaliland ee Waddamada Yurub oo ka hadashay Xusuusta iyo Foof daran habawgii Xornimadii ay Somaliland hannatay 1960kii

London 28.June 2016 (SDN/QJ):-   Waxa ka soo wareegay 56 sanno markii aynu xorriyadeena qaaliga aheyd ka helnay boqortooyadii Ingiriiska. Waxa xasuus mudan in isla markiiba waddamo badani ina aqoonsadeen isla markaana inoogu hambalyeeyen xorriyada aynu gaadhnay. Waddamaa ina aqoonsadey tiradoodu waxay dhammeyd 35 waddan. Maalintani waxay aheyd mid soo afjartey 73kii sanno ee aynu hoos […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Xoghayaha ugu Cimriga dheer Golaha Deegaanka Gebilay,Inta Sannadood ee uu Xilka hayay Iyo Amuuro lagu Sifeeyay

Gebilay 28.June 2016 (SDN/QJ):- Warbixin lagu daabacay qaar kamid ah degellada wararka Somaliland ayaa naqdiday hawl-qabadka Xog-haya ha dawladda hoose ee degmada Gabiley  Cabdiraxmaan Nuur Abokor oo lagu eedeeyey in uu doorar kala duwan ka sooqaatay khilaafaad marar kala duwan ka dhex aloosmay golaha deegaanka ee dagmada Gabiley,. Warbixintan ayaa farta ku fiiqday  saamaynta uu […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Amb: Gaaweeto oo Xukuumadda Siilaanyo ku eedeeyey inay Albaabada u xidhay Xidhiidhkii Afrika ee S.land

Hargaysa 28.June 2016 (SDN/QJ):- Safiir Ku-xigeenii hore ee Koonfur Afrika u fadhiyi jiray Somaliland ahna Guddoomiyihii hore ee Jaaliyadda Reer Somaliland ee isla dalkaas Ambassador Axmed Jaamac (Gaaweeto), oo booqasho ku jooga Hargeysa, ayaa ku eedeeyey Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo inay gebi ahaanba Albaabbada u soo xidhay xidhiidhkii ay Somaliland la lahayd waddamada Qaaradda Afrika, isla […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Mudo Lix Sannadood ah oo Cilaaqaadkoodu Xumaa Aakhirkii Way Heshiiyeen Turkiga iyo Israeli 

Ankara  28 , June , 2016 –(SDN/QJ):-Isra’iil iyo Turkiga ayaa la sheegayaa inay ka heshiiyeen sidii ay usoo celin lahaayeen Xidhiidhkii ka dhaxeeyay labada dal oo xumaaday sanado ka hor. Xidhiidhkoodu waxaa uu aad u sii xumaaday lix sano ka hor markii ciidamada Israa’iil ay dileen sagaal qof oo Turkiga u dhalatay. Dadkaasi waxay saarnaayeen […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Jamhuuriyadda Jabuuti oo Maanta u dabaal degtay 39 Guuradii ka soo Wareegtay Markii ay Xornimada qaadatay Iyo Hannaanka loo Bilay Xaflada DAAWO

Jabuuti 27.June 2016 (SDN/QJ):- Waxaa Maanta Jamhuuriyadda Jabuuti ka dhacday Xus balaadhan oo la xidhiidha 39 Guuradii ka soo Wareegtay Markii ay Jamhuuriyada Jabuuti Xoriyadeedii ka qaadatay Gumaystihii Faransiiska oo ku astaysan 27 Bishii June 1977kii.

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Hogaanada Xisbiyada Qaranka Somaliland oo Shacabka Jabuuti ku Hambalyeeyay 39 Guurada ka soo Wareegtay Markii ay ka Xoroobeen Gumaystihii Faransiiska

Hargaysa 27.June 2016 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha golaha Wakiilada Somaliland ahna hoggaamiyaha xisbiga WADDANI Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi(Cirro) oo ku hadlaaya magaciisa, afka xildhibbaanada, hoggaanada, guddida fulinta, garabbada dhallinyarta iyo haweenka iyo guud ahaan taageerayaasha xisbiga WADDANI, waxa uu hambalyo u dirayaa dawladda iyo shacabka dalka jamhuuriyadda Jabbuuti isaga oo ugu hambalyeynaaya sannad guurada 37 aad ee ka […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Iyo Wasiirada Madaxtooyada iyo Maaliyada oo Cisbitaalka Hargaysa ku Booqday Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale

Hargaysa 27.June 2016 (SDN/QJ):- Maanta oo isniin ah taariikhduna tahay 27/06/2016  waxa Cusbitaalka Guud ee Hargeysa booqasho ku tegay Gudoomiyaha Xisbi Xaakimka Kulmiye Mujaahid Muuse Biixi Cabdi oo ay weheliyeen Wasiir Samsam Cabdi Aadan iyo Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi. Gudoomiyaha iyo labada wasiir markii ay gaadheen qolka Room 3 oo uu ku sugan yahay Mujaahid […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »