Home » 3:02 pm Entries posted on “June, 2016”

Ururka Xasaradaha Caalamiga ah oo Soo Saaray Warbixin Ka Hadleysa Alshabaab

Muqdisho,28,6,2016 (QJ/SDN) – Ururka falanqeeya xasaradaha caalamiga ah ee International Crisis Group (ICG) ayaa shalay warbixin uu soo saaray wuxuu ugaga hadlay sababaha Al-shabaab aan weli looga guulaysan inkastoo darafyo badan ay la wada dagaalamayaan. ICG ayaa warbixintaa kusheegtay in Al-shabaab walow lala dagaalamayo meelo badan oo awal ay joogeena laga saaray hadana weeraro ay […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Kenya: Qabow Lafo Jebis ah oo Ka Bilowday Nairobi

Nairobi,28,6,2016 (QJ/SDN) – Tan iyo bilowgii bishaan barakeysan ee Ramadaan ayaa waxaa Nairobi laga dareemayay qabow aad u daran ama lafo jebis ah. Ramadaaanka sanadkaan ayaa wuxuu ku soo aaday bisha Juun ee kalendarka Miilaadiga. Si kastaba ha ahaatee, qabowga ayaa waxaa la ogsoonaa inuu Nairobi ka dhici jiray amaba ka bilaaban jiray bisha xigta […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Ciidamada AMISOM oo la sheegay inaysan wax Mushaar ah Qaadan Lixdii Bilood ee lasoo dhaafay

Muqdisho,28,6,2016 (QJ/SDN) – Warbixin ay Diyaarisay Suxufiyad ka Tirsan BBC-d oo ku timid booqasho Muqdisho, ayaa lagu sheegay in Ciidamada ka hawlgala Soomaaliya ee AMISOM aysan mushaar qaadan muddo lixdii bilood ah. Suxufiyadda aaya xustay in Ciidanka AMISOM oo tiradooda gaarayso 22,000 oo Askari in mushaaraadkooda loo hakiyay arrimo la xiriira dhanka xisaabta. Iyadoo Madaxa […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

DAAWO: Madaxweynaha Somaliland Oo Kulan Isugu Yeedhay Shir-Gudoonka Golaha Wakiilada Iyo Madaxda Axsaabta Qaranka

Hargeysa,28,6,2016 (QJ/SDN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, Isagoo ka duulaya in goorwalba, talo qaran lagu waajaho habsami u socodka doorashada xor iyo xalaala oo wakhtigeedii ku qabsoonta, ayaa maanta oo ah 28-06-2016, wuxu isugu yeedhay shir guddoonka aqalka wakiilada Somaliland, iyo hoggaanka seddexda xisbi qaran, waxanay yeesheen shir qaatay laba saacadood oo […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Dad Lagu Laayay Magaalada Gorgor Ee Degmada Gaashaamo iyo Mudaharaad Ka Dhacay Burco

Burco,28,6,2016 (QJ/SDN) – Mudaharad  lagaga soo horjeeday Dad lagu laayay Tuulada Gorgor oo ay laayeen ciidamada liyuu boolisku ayaa ka bilaabmay magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer, Mudaharaadkani oo ay dhigayaan Dadka degaan ahaan ka soo jeeda Degaanka Jaamac Dubad oo ay dhawaan ciidamada Liyuu boolisku ku laayeen Dad isugu jiray Caruur,Haween iyo Curyaamiin. Dadka […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

DAAWO: Bandoowgii Maanta lagu soo Rogay Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool

Laascaanood,28,6,2016 (QJ/SDN) – Bandoow ayaa lagu soo Rogey Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool, taasoo ka dhalatay kaddib markii maanta ay Rabshado Kasaare geystey ka dhaceen koonfurta Magaalada. Rabshadahan oo ay sababeen, kaddib markii dabley Hubaysan ay Rasaas ku fureen Gaadhi safar ugu socday deegaanno Hawd-koonfureed, markaasoo Gaarigani uu u maraayay halka lagu magcaabo Xaraar-daayeer oo […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Guddoomiye Cirro Iyo Maamulka Shirkadda Dp-World Oo Imaaraadka Ku Qaatay Kulan Gaar Ah Iyo Nuxurka Kulan Albaabada La Isu Xidhay

Dubai 28.June 2016 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ahna Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ugu weyn Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa waxa martiqaad rasmi ah u fidisay oo waddanka Imaaraadka Carabta ku casuuntay Shirkadda Dubai Ports World oo ah shirkadda iyagu quuddaraynaysa in ay heshiis rasmi ah kula wareegto Maamulka Dekedda Berbara iyo maalgashigeeda oo […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Salaadiinta,Cuqaasha Iyo Waxgaradka Saaxil Oo Xukuumadda Uga Digay Sii-Wadista Wareejinta Dekeda Berbera,Qoraalo Digniin Ingiriisi Iyo Carabi Ku Qorana U Diray Dp-World AKHRI

Hargaysa 28.June 2016 (SDN/QJ):-   Salaadiinta,Cuqaasha iyo Waxgaradka ugu Miisaanka Culus Gobolka Saaxil oo shir jaraa’id oo ay Hargeysa ku qabteen markale Xukuumadda uga digay inay ku sii adkaysato Wareejinta Marsada Berbera,waxa ay Madaxweynaha ugu baaqeen inuu hadlo oo uu tafaasiil ka bixiyo Wax ay ugu yeedheen Qaflad la doonayo in Ishii keli ahayd ee Qaranku […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

“Waxaanu Leenahay Madaxweynaha Iyo Qoyskiisan Lagu Salliday Inay Iibiyaan Uun Hantidii Umaddu Lahayd Inay Mustaqbalkooda Ilaashaddaan Oo Ay Magacooda Dhawrtaan”…Suldaan Cali Saleebaan Maxamed

Hargaysa 28.June 2016 (SDN/QJ):-Salaadiinta,Cuqaasha Iyo Waxgaradka Gobolka Saaxil ayaa ganafka ku dhuftay Heshiiska ay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo la saxeexatay Shirkada Imaaraatiga ah ee DP-World. Waxa ay Shir Jaraa’id oo ay qabteen Madaxweyne Siilaanyo iyo Qoyskiisa ugu baaqeen inay mustaqbalkooda ka fiirsadaan oo aanay umadan uga tagin fidmo iyo habaar,oo aanay la waynaan Shilimaanta ay qaadanayaan […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

“Ninkaynu Doonta u dhiibnay,Dad kaluu ka Kireeyay oo Daahir baa ka Dhawaa“ DAAWO

Hargaysa 28.June 2016 (SDN/QJ):- Waxaa lagu kala qaybsan yahay Faa’iido iyo Khasaare Midka uu Somaliland ugu fadhiyo Heshiiskii ay Xukuumadu la Gashay Shirkada Imaaraadka ee DPW Taas oo Maalgelin ku samayn doonta Dekeda Berbera isla markaana ay ku lamaan yihiin Mashaariic dhinaca horumarka ah oo Shirkadani dalka ka hirgalin doonto.

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »