Home » 12:08 am Entries posted on “June, 2016”

DAAWO: Munaasibadii Xadhiga looga Jaray Safaaradda Turkiga Ee Soomaaliya iyo Khudbadihii Laga Jeediyay

Muqdisho,3,6,2016 (QJ/SDN) – Madaxweynayaasha Turkiga iyo Soomaaliya ayaa maanta si wada jir ah xadhigga uga jaray dhismaha Safaaradda cusub ee Turkiga ku leeyahay magaalada Muqdisho, kaasoo ah safaaradda ugu weyn ee Turkiga ku leeyahay Adduunka. Madaxweyne Erdogan ayaa xadhig jarida ku bilaabay Bisinka Alle, waxaana si wada jir ah isaga iyo Madaxweynaha u jareen xadhigga […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

MOOGE: ‘’Turkigu Dhex Maaha, Car waa kaase ninka Erdogan Hargeysa oo Nabad ah ha soo booqdo’’

Hargeysa,3,6,2016 (QJ/SDN) – Cabdikariim Axmed Mooge, wasiir ku xigeenkii hore ee wasaaradda qorshaynta qaranka Somaliland ayaa si kulul uga hadlay booqashada madaxweynaha Turkiga ee magaalada caasimadda ee Muqdisho. Mudane Mooge waxa uu sheegay in aanu dalka Turkigu dhex ka ahayn wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya isla markaana uu doonayo Turkigu in la mideeyo labada waddan, isagoona […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

DAAWO: Prof.Samater Oo Ka Cadhooday Ardayda Jaamacadda Camuud Kaddib Markii Ay Diideen In Uu U Heeso

Boorama,3,5,2016 (QJ/SDN) – Prof. Axmed Ismaaciil Samater ayaa si wayn uga cadhooday codsi uga yimid ardayda jaamacadda Camuud oo maalinkii shalay ahaa uu u jeedinaayay muxaadiro, taasi oo ardayda jaamacaddaasi ay ka codsadeen Aqoonyahanka in aanu u heesin oo uu joojiyo heesta. Muuqaal lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya Prof.Samater oo aad u cadheysan isagoona […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

SAWIRRO: Somaliland Oo Markii Ugu Horreysay Safaarad Ka Furay Magaalada Washington Ee Maraykanka

Washington,3,6,2016 (QJ/SDN) – Waxa Maalinimadii shalay Xadhiga laga jaray Xafiis weyn oo ay Somaliland ku yeelanayso Washington, furitaanka Xafiiskana  Waxa ka soo qayb galay dad isugu jira Jaaliyad reer Somaliland ee degan Washington D.C iyo nawaaxigeeda, kuwaas oo isugu jiray aqoon yahano, waayeel iyo waxgarad tiro badan. Xadhig ka jaridaa Waxa ka hadlay Safiirka Somaliland […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Muxaadiro Cusub: “Xanuunnada Qalbiga Ku Dhaca” – Sheekh Mustafe Xaaji Ismaaciil

Hargeysa,3,6,2016 (QJ/SDN) – Waxaad halkan hoose ka daawan kartaa muxaadirada uu cinwaankeedu yahay “Xanuunnada Qalbiga Ku Dhaca”, waxaana innoo soo jeedin doona Fadiilatu Sheekh Mustafe Xaaji Ismaaciil Haaruun.

Posted in dacwada,Features,Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

SOMALIA: Madaxweynaha Turkiga iyo Wefti Uu Hoggaaminayo Oo Ka Degay Magaalada Muqdisho

Muqdisho,3,6,2016 (QJ/SDN) – Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Turkiga, Recap Tayyip Erdogan ayaa goor-dhaweyd soo gaadhay Magaalada Muqdisho, iyadoo amniga guud ee Waddooyinka gala Garoonka Diyaaradaha Muqdisho aad loo adkeeyay. Haween ku labisan Calanka Somalia ayaa ku sugnaa Waddada Garoonka iyo Midda Aadda Madaxtooyada Somalia, kuwaasoo watay caleemo-qoyan si ay wafdiga u soo dhaweeyaan. Madaxweynaha Turkiga […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Maydadka Tahriibayaal fara badan oo laga helay Xeebaha Dalka Liibiya

Rome,3,6,2016 (QJ/SDN) – Maydadka tahriibayaal tiro badan ayaa laga helay xeebta dalka Liibiya, kuwaasoo la sheegay inay ka mid ahaayeen tahriibayaal ay la dageen doomo ay ku safrayeen toddobaadkii hore. Wararka ayaa intaas ku daray in maydadkan ay ku soo caariyeen xeebaha deegaan ku dhaw magaalada Zuwara oo ku taalla galbeedka dalka Liibiya. Sidoo kale, […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Colonel Tuke Oo Xasuuqii Gabiley Ku Eedaysan Oo Telefeeshinka Caalamiga ah ee CNN Uu Dabo Gal Ku Sameyay Isagoo Ka Shaqaynaaya Madaarka Dulles International ee ku yaal Washington DC DAAWO

Washington, 3 June, 2016-(SDN/QJ): – Colonel Yuusuf Cabdi Cali oo Ku Magac dheer “Tuke” Isla markaana xasuuq ba-an ka gaystay Gobolka Gabilay xiligii dawladdii Keli taliye Maxamed Siyaad Barre, ayaa markale ka soo muuqday War-baahinta caalamka kadib markii Telefeeshinka sida weyn adduunka looga daawado ee CNN, uu ka soo helay isagoo ka shaqaynaya oo waar […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

“Tahriib Yurub Kuma Iman Ee Diyaaradii Aan Hargeysa Ka Soo Raacay Ayaan Yurub Ku Soo Galay,Waxaan Dhawaan Shaacin doonaa Sadexda Xisbi Midkaan ku Biirayo” Afhayeenkii Hore Ee Madaxtooyadda

Paris, 3 June, 2016-(SDN/QJ): – Afhayeenkii hore ee Madaxtooyada Somaliland Axmed Saleebaan Dhuxul ayaa Waraysi gaara oo uu siiyey Wargeyska Warsugan waxa uu kaga hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin halka uu ku sugan xaalada qurbaha, heshiiska Xukuumada Somaliland la gashay shirkada DP World oo maalgelin ku samayn doonta Dekeda Caalamiga ee Berbera, […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

“Markii Xukuumaddu Heshiiska La Gashay Shirkadda DP World Waxa Ila Soo Hadashay Jabuuti Oo Ii Sheegtay Inay Ka Xun Yihiin,Anigana Waa la iga Qariyey Qadhiidhkii Xaqul Qallinkii…” Faysal Cali Waraabe

Hargeysa, 3 June, 2016-(SDN/QJ): – Guddomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe  ayaa ka shifay siro la xidhiidha heshiiskii Dekeda berbera saamaynta uu ku yeeshay Xidhiidhkii Somaliland iyo Jabuuti isagoo sheegay in markii xukuumada Somaliland heshiiska la gashay shirkada Dubai ports World ay isaga la soo xidhiidhay dawlada Jabuuti  una sheegtay sida ay uga xun […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »