Home » 3:33 am Entries posted on “June, 2016”

Mas’uuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada oo ka Hadlay Khasaaraha uu Dugsiyada Hargaysa soo Gaadhsiiyey Roobkii Dabaylaha Watay DAAWO

Hargaysa 15.June 2016 (SDN/QJ):-Wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee somaliland ayaa soo kormeertay dugsiyadii ay waxyeeladu ka soo gaadheen roobkii baaxada lahaa ee Doraad ka da’ay caasimada hargaysa.

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Qudhaanjada Ku Qaniinta Ha Dilin ee u Mahadnaq.(Xogta Dahsoon Iyo Bisha Ramadaan) DAAWO

Hargaysa 15.June 2016 (SDN/QJ):- Qudhaanjadu waxay ka mid tahay Xasharaadka yaryar ee meelkasta oo caalamka ka tirsan laga heli karo, hadii ay ku qaniinto qudhaanjadu ha ka xanaaqin, hana u qaadanin inay waxyeelo kuu gaysatay, hana ku fekerin inaad disho, sababtoo ah qaniinyadeedu waxay kuu leedahay faa’iido waana in aad ugu mahadnaqdaa (inkastoo ilaahay leeyahay […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

DAAWO: Prof : Axmed Ismaaciil Samater oo Ku Biiray Xisbiga Kulmiye

Boorama,14,6,2016 (QJ/SDN) – Prof : Axmed Ismaaciil Samater ayaa si rasmiya ugu biiray  xisbiga haya talada Somaliland ee Kulmiye, waxana munaasabad balaadhan oo lagu qabtay Magaalada Boorame ka soo qayb-galay madaxweyne kuxigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici hogaanka xisbiga Kulmiye oo uu hogaaminayay Muuse Biixi Cabdi Guddoomiyaha xisbigaasi iyo xubno ka tirsan golaha Wasiirada Xukuumadda madaxweyne Siilaanyo. […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Biyo La’aan Ka Tagaan Magaalada Boorama

Boorama,14,6,2016 (QJ/SDN) – Wararka naga soo gaaraya Boorama ayaa sheegaya in biyo la’aan ba’an ay faro kulul ku heyso magaalada Boorama. Biyo yarida ayaa waxaa loo aanaynayaa abaartii dhawaan lasoo maray dhamman dalka qeybihiisa kala duwan; ceelashii ayaa badanaa guray magaaladaas oo ka tirsan gobolka Awdal. Inkastoo roobab badan ay gu’gii ka da’een Awdal hadana […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Donald Trump: Somalida Mareykanka ku Nool Waxay doonayaan inay ku biiraan Kooxda ISIS

Washington,14,6,2016 (QJ/SDN) – Murashaxa Xisbiga Jamhuuriga ee Marykanka, Donald Trump, ayaa mar kale ku celiyay baaqiisii ahaa – in Muslimiinta laga Mamnuuco in dalka Mareykanka ay soo galaan. Trump oo khudbad jeediyay ayaa ku sheegay in Soomaalidu ku Nool dalka Mareykanka ay doonayaan inay ku biiraan Ururka Daacish ama ISIS. Isagoo ka hadlay dhacdadii maalin […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Uganda: Boob lagu Hayo Qalabka Xafiisyada ee Ururada Caalamiga ah

Kampala,14,6,2016 (QJ/SDN) – Dalka Uganda, sanadihii lasoo dhaafay ee dhowrka ahaa gaar ahaan 2dii sano ee lasoo dhaafay waxaa dad aan heybtooda la garan la sheegay in ay boob ku hayeen oo usoo dhacayeen xafiisyada heyadaha caalamiga ah ee halkaa kuyaala. Dadkaa ayaa la sheegay inay ka xadaan ama ka xadayeen kombuyuutaro iyo qalab kale […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Dhoofka Xoolaha nool oo ka bilowday Kismaayo [Daawo]

Kismaayo,14,6,2016 (QJ/SDN) – Dekedda magaalada Kismaayo waxaa maanta ka dhoofay ku dhawaad 1,200 oo neef oo lo’ ah, kuwaa oo laga kala keenay gobollada Jubaland. Xoolahan oo dhammaantood ahaa lab ayaa waxaa loo dhoofinayay dalka Masar ayadoo ay dhoofinayeen ganacsatada rugta ganacsiga iyo warshadaha Jubaland ee JCCI. Maareeyaha dekedda Kismaayo Axmed Xaaji Aadan oo warbaahinta […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Shaybaarkii Xannaanada Xoolaha Soomaaliya oo Maanta Dib loo Furay Mudo fog Kaddib

Muqdisho,14,6,2016 (QJ/SDN) -NWasiirka Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Somalia iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho – ayaa Maanta si Wadajir ah Xarigga uga jaray Sheybaarka Dhexe ee Caafimaadka Xoolaha Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho. Dr. Maxamed Muuse Yusuuf  oo ku hadlay magaca hay’adda QM u Qaabilsan cunnada iyo Beeraha ee FAO, oo goobta ka hadlay […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Garoonka Diyaaradaha Muqdisho oo lagu Qabtay Raashin Dhacay oo loo Waday G/Gedo

Muqdisho,14,6,2016 (QJ/SDN) – Ciidanka booliska ee ka hawlgala garoonka diyaaradaha Muqdisho, ayaa maanta Gaacanta ku dhigay Raashin dhacay oo ka koobnaa Noocyada kala duwan oo ay leedaha Hay’adda Cunnada Aduunka ee WFP. Raashinkan oo ka koobaaa; Galley, Masaggo (Haruur), Misir iyo noocyada kale ee miraha ayaa ah kuwo aan la cuni karin, iyadoo la sheegay […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Taliyihii Sirdoonka Soomaaliya ee NISA oo Xilkii laga Qaaday iyo Taliye KMG ah oo la Magacaabay

Muqdisho,14,6,2016 (QJ/SDN) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud, ayaa maanta xil ka qaadis ku sameeyey taliyihii hay’adda Nabad-sugidda iyo sirdoonka Qaranka (NISA), Jen. C/raxmaan Maxamed Tuur-yare. Xasan Sheekh, ayaa xilka qaadista taliyaha u cuskadey qodobbada 87-aad iyo 90-aad ee dastuurka KMG-ka ah ee Soomaaliya, iyo isagoo tixgelinaya baahi la xiriirtey in is-beddelada lagu sameeyo Hoggaanka […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »