Home » 11:55 am Entries posted on “June, 2016”

Milgihii ay Mudnayd Xuska 26 June Maalintii Somaliland Xornimadeeda ka qaadatay Ingiriiska oo Maqaam Hoose Xukuumadu ugu Talo Gashay in lagu Xuso,Iyo Siyaasadaha Mugdiga Gelinaya Qadiyada Somaliland in la Gole Geynayo

Hargeysa, 20.June 2016 (SDN/QJ):- Waxaa Fooda inagu soo Haysa Munaasibada 26 June oo ah Markii ay Jamhuuriyadda Somaliland Xornimadeeda ka qaadatay Boqortooyadii Ingiriiska 1960 oo haatan laga Joogo Mudo ku siman 56 Sannadood. Dhanka kale Maalintan oo ahayd dharaartii u horaysay ee Calan ay qaataan dadyawgii Somaliyeed ee shanta ahaa waxay Somaliland Mulki u heshay […]

Posted in Features,Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

DAAWO: Saacadaha Soonka Ee Waddamada Qaaradda Yurub

London,20,6,2016 (QJ/SDN) – Waxaad halkan hoose ka daawan kartaa ama ka dhagaysan kartaa Wareysi ku saabsan saacadaha laga soomo qaaradda Yurub oo aad u dhaadheer.

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

DAAWO: Suldaan Maxamed Oo Cabasho Ka Muujiyay Warar Lagu Baahiyay Warbaahinta DDSI

Hargeysa,20,6,2016 (QJ/SDN) – Suldaanka guud ee beelaha Somaliland, Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir ayaa cabasho ka muujiyay warar lagu baahiyay qaar ka mid ah warbaahinta Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, wararkaasi oo lagu sheegay in ganacsadaha wayn ee Ina-Afdiinle uu ku lug lahaa shaqaaqadii iyo xasuuqii ka dhacay deegaanka Jaamac Dubad ee degmada Gaashaamo, iyadoona Suldaanku uu farriin […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Muxaadiro Gilgishay Quluubta Bah’da Warbaahinta Somaliland oo Sheekh Mustafe Xaaji Ismaaciil Haaruun u Jeediyey DAAWO

Hargeysa 20,June 2016 –(SDN/QJ):- Sh. Mustafe Xaaji Ismaaciil Haaruun ayaa muxaadaro gilgishay quluubta Suxufiyiintii kulanka goob-joogga ka ahaa ka jeediyay. Dhammaan Kelmidihii Saddexda maalmood waa kuwan, Daawasho wacan:

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Dunida Oo Maanta Laga Xusayo Maalinta Qoxootiga

Nairobi,20,6,2016 (QJ/SDN) – Maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 20ka bisha Lixaad 2016 ayaa waxaa ay tahay maalinta qaxootiga caalamka. Si kastaba ha ahaatee, maalintaan ayaa sanadkaan waxay kusoo aadday iyadoo loo caal waayay xaddidida qulqulka qaxootiga caalamka oo idil. Dalal badan oo caalamka ah gaar ahaan dalalka Islaamka iyo qaarada Afrika inteeda saxaraha […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Tirada Dad Looga Shakiyey Ururka Al-Shabaab Oo Lagu Qabtey Xaafadda Boqol Iyo Kontonka Ee Hargeysa, Sida Hawl-galku U Dhacay Iyo Hubka Lagu Qabtay

Hargeysa  20,June 2016 –(SDN/QJ):-  Hawl-gal Ciidammada sida gaarka ah u Tababbaran ee loo yaqaanno RRU-du ka sameeyeen Xaafadda Boqol iyo Kontonka ee Magaalada Hargeysa ayay ku soo qabteen Saddex Qof oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Kooxda Al-shabaab ee ka dagaalanta Dalka Soomaaliya.   Ma Jiro War Rasmiya oo ka soo baxay Ciidammada […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo Markii Kowaad Suxufi ku soo eedaysay dacwad ka dhan ah Barta uu ku leeyahay Shabakada Facebook

Hargeysa  20,June 2016 –(SDN/QJ):-Xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo, ayaa markii ugu horaysay dacwad noo ceedu ku sucub yahay Suxufiyeenta ka hawlgala gudaha Somaliland ku soo oogtay Wariye Cali Mahdi Jibriil Xassan oo ka tirsan Weriyeyaasha ka hawl-gala Telifeeshanka Bulsho ee gudaha Somaliland ee magaalada Hargeysa. Wariye Cali Mahdi oo warbaahinta ugu waramayey magaalada Hargeysa, ayaa sheegay […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Somaliland: Taayiro Lagu Gubay Wadooyinka Magaalada Berbera

Berbera,20,6,2016 (QJ/SDN) – Waxa Saaka subaxnimadii lagu waabariistay magaalada Berbera Taayiro tira badan oo lagu gubay Wadooyinka halbawlaha ah ee magaalada iyada oo lagu jiro xiligii dabayl xagaada oo dabkuna halis yahay sida uu ufidaa. Taayirada la gubay ayaan ilaa hada la garanayn cida gubtay ee dabka qabadsiisay waxse loo malaynayaa inay ka danbeeyaan dad […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland oo Soo Kormeertay Karashar ay Dawlada Hoose ee Hargaysa Wax kaga qabanayso Burburka Wadooyinka DAAWO

Hargeysa 20,June 2016 –(SDN/QJ):-Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Aamina Sheekh Maxamud Jirde “Aamino Waris’’ isla markaana Xubin ka ah Gudida Bilicda Caasimada Hargaysa ayaa Kormeer ku soo martay Karashar ay Dawlada Hoose ee Caasimadu Wax kaga qabanayso Burburka Jidadka Caasimada .

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

MADAXWEYNE XASAN: Siyaasadda DF waa mid Dhiirri-gelinaysa Ganacsiga Furan

Muqdisho,20,6,2016 (QJ/SDN) – Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud – ayaa maanta Xariga ka jarey Terminal cusub oo loo sameeyey Dekedda Caalamiga ah ee Xamar kaasoo loogu talagaley fududeynta adeegga dekedda. Terminalkaan Cusub oo ah Nooca loo yaqaan “Dry Port” oo ku yaalla Meel ka yara baxsan Dekedda ayaa loo Adeegsan doonaa in la dhigo Dhammaan […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »