Home » 3:55 am Entries posted on “June, 2016”

Walaac Hor leh oo Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ka Muujiyey Dib u dhac ku Yimaada Doorashooyinka Kal Danbe ku Mudaysan iyo Hanaanka Bandhigista Dhaliisha DAAWO

Hargaysa 27.June 2016 (SDN/QJ):- Xoghayaha Arrimaha Dibada ee Xisbiga WADDANI Dr. Maxamed Cabdilaahi Fadal ayaa waxa uu walaac ka muujiyay dib u dhac ku yimaada Mar kale Doorashooyinka Somaliland, isla markaana waxa uu dhaliilay qaabka Xukuumadda KULMIYE u dhaqmayso. Dr. Fadal waxa uu sidaa ku sheegay Shirjaraa’id oo uu ku qabtay Magaalada Hargeysa, “Meelaha waxaynu […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Qaar Ka Mid Ah Murashaxiinta Xildhibbaanimo ee u Tartamaya Doorashooyinka Baarlamaanka Somaliland oo Ka Digey Dib u Dhac Ku Yimaada Qabsoomidda Doorashadaas Iyo Bayaan ay soo Saareen

Hargeysa 27.June 2016 (SDN/QJ):- Qaar ka mid ah Murashaxiinta u tartamaaya doorashooyinka xildhibbaanimo ee aqalka golaha Wakiilada oo ka soo kala jeeda dhammaanba goballada Somaliland sida oo kalena ka kala sharaxan saddexda xisbi qaran ee dalka, ayaa si adag uga hadlay mawqifkooda ku aadan warar sheegaya in la kala saarayo qabashada doorashooyinka isku sidkan ee […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Maayarkii Hore ee Hargaysa Eng Jiciir oo Tacriifado Duqa Haatan ee Hargaysa ku soo rogay Wershadaha Waddaniga ku Tilmaamay Caqli Xumo

Hargaysa 27.June 2016 (SDN/QJ):- Ururka Wershadlayda dalka Somaliland ee loo soo gaabiyo (UWD), ayaa cabasho ka muujiyey Lacag Tacriifo cusub oo uu ku kordhiyey Maayarka Caasimadda Hargeysa Md Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelko), waxaanay ku dhawaaqeen inay si rasmi ah u joojiyeen guud ahaanba Biyihii Wershaddahooodu soo saari jireen ee Caagaddaha Yar yar ee dalka gudihiisa […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Xisbiga Kulmiye Oo Lacag Badan Oo Danyar Badan Afursiin Lahayd Bishan Ramadaan Olole Ku Galay Iyo Xisbiga Waddani Oo Kaalmada Danyarta Ku Keliyaystay

Hargaysa 27.June 2016 (SDN/QJ):-Masuuliyiinta Xisbi Xaakimka Kulmiye ayaa bishan barakaysan ee Ramadaan lacag badan oo danyar Afursiin lahayd ku khasiray olole siyaasadeed oo madhalays ah oo ku qabtay Hargeysa Iyo Boorama halka dhigooda Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI bishan aad ula tacaalay afursiinta dadka danyarta ee ku filiqsan Deegaanka Somaliland Bari Illaa Galbeed. Xisbiga Xaakimka […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Guud ahaan Wershadaha Soo Saara Biyaha Iyo Sharaabka Kala Duwan ee Somaliland oo Shaqooyinkoodii Joojiyey Waa Maxay Sababtu?

Hargaysa 27.June 2016 (SDN/QJ):- Dhammaan wershadaha biyaha iyo sharaabka ee Somaliland ayaa si rasmi ah u joojiyay biyaha iyo sharaabka ay soo saaraan.   Ururka wershadlayda ayaa talaabadan qaaday ka dib markii ay ka gadoodeen cashuur ay dawladda Hoose ee Hargeysa ku soo rogtay oo ay iyaguna ku tilmaameen cashuur culus oo aanay xamili karin. […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Munaasibadii Xalay ee Qasriga Madaxtooyada Somaliland Iyo Xuska Dabaal Dega 26 June SAWIRO

Hargaysa 26.June 2016 (SDN/QJ):- Waxaa Habeenkii Xalay Qasriga Madaxtooyadda Somaliland ee Caasimada Hargaysa ka Qabsoontay Munaasibad loogu dabaal degayo Xuska 56 Guuradii ka soo Wareegtay Markii Somaliland Xoriyadeeda ka qaadatay Boqortooyadii Ingiriiska. Munaasibadan Qaran Waxaa ka qayb galay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland,Shirgudoonada Golayaasha Qaranka,Madax ka Tirsan Xisbiyada Qaranka,Qaar ka Mid ah Safiirada Somaliland u fadhiya Dalalka […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Xuska 56 guurada ka soo wareegatay markii calan Soomaaliyeed laga taagay dhul Soomaaliyeed oo muqdisho laga xusay

Muqdisho 26.June 2016 (SDN/QJ):- 56 guurada ka soo wareegatay markii calan Soomaaliyeed laga taagay dhul Soomaaliyeed, isla markaana gobollada Waqooyi ay xornimada ka qaateen gumeystihii Ingiriiska oo xalay ka dhacday magaalada Muqdisho, Munaasabadaa lagu xusayay markii ay calanka laga taagay Gayiga soomaalida ayaa waxa ka soo qeeb galay Madaxweynaha dowalada fadaraalka Soomaaliya mudane Xasan sheekh […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Wasiir Burci oo ku Dhintay Weerarkii Hotelka Iyo R.W Cumar oo Cambaareeyey Falkii Argagixiso ee Hotel Naasa-Hablood1

Muqdisho 26.June 2016 (SDN/QJ):- Burci Maxamed Xamza, oo ahaa wasiiru-dowlaha arrimaha deegaanka ee xafiska RW Somalia ayaa ku dhintay weerarkii lagu qaaday shalay hotel Naasa Hablood ee magaalada Muqdisho. Burci oo sidoo kale ahaa xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Somalia ayaa maydkiisa laga soo saaray burburkii hotel Naasa Hablood1. Tirada dadkii dadkii ku dhintay weerarkaasi ayaa […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Nuxurka Qoraal dheer oo Madaxwayne Siilaanyo kaga hadlay Xidhiidhka Qotada dheer ee ka dhaxeeyay Somaliland iyo Boqortooyada Ingiriiska

Hargaysa 26.June 2016 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa Ingiriiska ugu baaqay in aqoonsiga Somaliland u sahlayo inay si nabadgelyo ah ganacsigoodu u soo gaadho Geeska Afrika. Qoraal dheer oo madaxweyne Siilanyo ku faahfaahiyey wargeyska lagu daabaco siyaasadaha caalamka ee African Argument, isla markaana uu kaga hadlay taariikhahii u dhaxeysay Somaliland […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo ka hadlay Go’aanka ay qaateen Shacabka UK Iyo saameynta ay ku yeelan karto Somaliland DAAWO

Hargaysa 26.June 2016 (SDN/QJ):- Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe ayaa Markii kowaad ka hadlay Go’aankii ay Uk kaga baxday Guud ahaan Midowga Yurub iyo Saamaynta ay Somaliland ku yeelan karto.

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »