Home » 4:56 pm
Entries posted on “May, 2016”
Hargeysa, 05 May, 2016 (SDN/QJ): – Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland ayaa Maanta Shir jaraa’id oo ay Xaruntooda ku qabteen Waxay Bulshada Somaliland Gaar ahaan kuwa Gobolka Maroodijeex ugu baaqeen inay si balaadhan ugu soo baxaan ka qayb qaadashada Kaadhka Codbixiyeyaasha isla markaana aanay dheg u dhigin dadka siyaabaha khaldan uga hadlay qaadashada Kaadhka […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Salaxley 05.May 2016 (SDN/QJ):-Weftiga Sama-wade ee uu hoggaaminayey guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga WADDANI ahna ku simaha guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Axmed Muumin Seed, ayaa gaadhay maanta degmada Salaxley ee gobolka maroodi-jeex,halkaas oo si meeqaam saraysa loogu soo dhaweyey weftiga. Md:Axmed Muumin Seed iyo weftiga Sama-wade ee uu hoggaaminayo ayaa soo dhaweyn aan loo kala hadhi kala kulmay […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Hargaysa 05.May 2016 (SDN/QJ):- Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe iyo Wafti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa safar qaatay labo cisho, ku soo maray Deegannada Hoos taga Degmooyinka Salaxley iyo Sabo-wanaag Ee Gobolka Maroodijeex . Ujeeddada Safarka Gudoomiyaha ayaa ku qottontay sidii uu Gudoomiyuhu ugu kuur gali lahaa una soo kormeeri lahaa goobaha Diinwaangalintu […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Muqdisho, May 5, 2016 (SDN/QJ):-Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii joogtada ahaa, waxaana kulanka shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke. Kulankan ayaa ugu horeyn warbixin looga dhegeystay Wasaaradda Gaashaandhigga taasoo faah faahin ka bixisay howlgalada ay wadaan ciidanka Xooga Dalka ee looga sifeynayo kooxaha nabadiidka Al shabaab degaamada […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Garowe 05.May 2016 (SDN/QJ):- C/xirsi Cali Qarjab Wasiirka amniga dawlada Puntland ayaa ku dhaawacmay maanta iska hor imaad ka dhashay ciidamada Birmadka gobolka Bari oo tara koob lagu samaynayey. Wasiirka ayaa xaaladiisa caafimaad ay aad u wagaansan tahay waxaana dhawacu uu kasoo gaaray bowda waxaana sidoo kale dhawac culus soo gaaray mid kamid ah askarta […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Hargaysa 05.May 2016 (SDN/QJ):- Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa Ka hor-yimid Wada hadallada Somaliland dib ula bilaabeyso Soomaaliya, waxaanu ku taliyey in Wada hadalladaa la joojiyo.
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Hargeysa, 05 May, 2016 (SDN/QJ): – Guddoomiyaha Guddida Diwaangalinta Ururada Siyaasadda Iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka Cabdirisaaq Ciyaale ayaa soo saaray qoraal amar ah oo uu farayo labada garab ee xisbiga UCID ee uu khilaafka u dhaxeeyo, islamarkaana ay dacwadoodu hor taallo Guddida diwaangalinta. Qoraalkan oo nuqul ka mid ah uu helay Shabakada Qurbejoog.com ayaa uu ku […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Hargeysa, 4,5,2016 (QJ/SDN) – Wasiir ku xigeenkii hore ee wasaaradda qorshaynta qaranka Somaliland Mudane Cabdikariim Axmed Mooge ayaa ka hadlay xilka loo magacaabay qaryaqaankii hore ee Xukuumadd Somaliland Dr. Ibraahim Iidle Suleymaan oo maanta madaxweynaha Soomaaliya u magacaabay guddoomiyaha maxkamadda sare ee Soomaaliya. Cabdikariim Axmed Mooge waxa uu sheegay in madaxweynaha Soomaaliya uu xil u […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Hargeysa, 4,5,2016 (QJ/SDN) – Maxamed Xirsi Guuleed oo ah ninka kaliya ee illaa hadda u taagan jagada murashaxnimada xisbiga WADDANI ayaa guddoomiye Cirro usoo jeediyay in uu murashaxnimada ugu tanaasulo. Halkan Hoose Ka Daawo Wareysi lala yeeshay Murashaxa.
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Garowe, 4,5,2016 (QJ/SDN) – Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Camay ayaa maanta ka qayb galay munaasabad looga hadlayey waxbarashada gabdhaha iyo gudniinka fircooniga ah oo ay soo qaban qaabisay Ha’yadda Save the Children. Waxaa sidoo kale ka qayb galay Wasiiradda Haweenka iyo waxbarashada, masuuliyiin ka socday wasaaradda Cadaalada iyo Ha’yadda Save the children. […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »