Home » 3:55 am Entries posted on “May, 2016”

Maxkamada Racfaanka ee Gobolka Maroodijeex oo Xukuno ku riday Muwaadiniin dalka soo Geliyey Ajaanib DAAWO

Hargaysa,12,May 2016 (SDN/QJ):- Maxkamda racfaanka ee gobolka m/jeex ayaa xukuun kala duwan ku ridiya muwaadina reer somaliland oo si sharci daro ah dalka u soo galiya dad ajaaniba ah.

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Madaxweynihii hore ee Somalia Sheekh Shariif iyo Madaxweynihii hore ee Punt land C.raxmaan Faroole oo Kulan Gaar ah Jabuuti ku Yeeshay

Jabuuti,12,May 2016 (SDN/QJ):- Magaalada Jabuuti ayaa habeenkii xaley waxaa kulan ku dhexmarey madaxweynihii hore ee Somaliya Shiikh Shariif Axmad iyo madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxman Shiikh Maxamad Farole kuwasoo kuwada hadlay arrimaha Somalia. Kulankaan oo ka dhacey Hotelka madaxweynihii hore ee Puntland ka dagan yahay magaalada Jabuuti ee Sharaton ayaa wararku sheegayaan iney diirada saarayeen […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Ganacsade soo dhaweeyay Balaadhinta Dekadda Berbera ee Heshiiska lagula Galay Shirkada Dubai World Port Iyo Dareenka Bulshada ee Fulinta Heshiiskan

Hargaysa,12,May 2016 (SDN/QJ):- Qaar ka mid ah ganacsatadda   Somaliland ee badeecadaha kala soo dega waxna ka dhoofiya  dekadda  magaaladda  Berbera ayaa si weyn u soo dhaweeyay heshiiska hor-dhaca ah ee lagu balaadhinayo  dekadda ee ay wada gaadheen xukuumadda Somaliland iyo shirkadda caalamiga ah ee Dubai World. Ganacsade Cali Ibraahim Ciise, oo ka mid ah ganacsadda […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Heshiiskaa Ay Madaxweynaha Iyo Gudoomiyaha Kulmiye La Galeen Shirkadda Imaaraadka Waa Sharci Darro” Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble DAAWO

Hargaysa,12,May 2016 (SDN/QJ):- Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa si kulul u cambeereeyay heshiiska wareejinta dekedda Berbera ee dhexmaray xukuumadda iyo imaaraadka carabta, isla markaanna waxay sheegeen in xisbiga waddani aaminsanyahay heshiiska dhexmaray xukuumadda iyo imaaraadka carabtu inuu yahay mid baalmarsan sharcigga. Gudoomiyaha xigeenka xisbiga Waddan Axmed Muumin Seed, Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, siyaasi Cali […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Maamulka Gobolka Saraar oo ka hadlay Heerka u diyaar garowga Xuska 18 May DAAWO

Caynaba,12,May 2016 (SDN/QJ):- Ku Simaha badhasaabka gobolka Saraar ayaa faahfaahin ka bixiyay Sida ay Gobol ahaan ugu diyaar garoobeen Xuska 25 Guurada ka soo wareegtay markii Somaliland ku dhawaaqday inay Madax bannaanideedii kala soo noqotay Somalia 18 May 1991kii.

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Howlaha Guddiga KMG doorashooyinka Puntland oo Garowe lagu daah furay

Garowe,12,May 2016 (SDN/QJ):- Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay, ayaa ka qayb galay munaasabad lagu daah furayay shaqada guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland (TPEC), kuwaas oo dhawaan ansixiyeen Barlamanku.   Xafladda daah furka oo lagu qabtay xarunta PDRC, waxaa looga hadlay qaabkii loo taageeri lahaa guddigaas iyo shaqadooda, iyadoo lagula dar-daarmay inay […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Ganacsiga Baledweyne oo istaagay kaddib qiima dhac ku yimid Shilin Soomaaliga.

Baledweyne,12,May 2016 (SDN/QJ):- Dibadbaxyo ayaa Shalay ka dhacay magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan kadib markii uu istaagay ganacsiga magaaladaasi.   Ganacsiga ayaa istaagay kadib markii uu qiimo dhac ku yimid lacagta shilinka Soomaaliga oo markii hore boqolka dollar lagu sarifi jiray labo milyan iyo labo boqol oo kun, balse saaka ayaa waxa lagu sarifayay […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Daawo:- Warbixin Diiradda Saaraysa Habacsanaanta Garoomada Diyaaradaha Somaliland iyo Dareenka Mucaaradka

Hargeysa, 11,5,2016 (QJ/DN) – Waxaad halkan hoose ka daawan kartaa warbixin diiradda Saaraysa habacsanaanta garoomada diyaaradaha Somaliland, iyadoo dhawaan la sheegay in maamulka Hawada ee Somaliland iyo Soomaaliya ay la wareegtay dowladda Federaalka Soomaaliya.

Posted in Features,Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Wasiirka Gobolka Kerala oo weeraray R/Wasaaraha India, markii uu Gobolkaasi barbardhigay Somaliya

Kerala, 11,5,2016  (QJ/SDN) – Wasiirka Gobolka Kerala ee dalka India, Oommen Chandy, ayaa si kulul u weeraray Ra’iisal Wasaaraha India, Narendra Modi, ka dib markii uu Gobolkaasi uu la barbardhigay dalka Somaliya. Ra’iisal Wasaaraha, ayaa wuxuu toddobaadkii hore uu sheegay in Gobolka Kerala uu lamid yahay Somaliya, iyadoo ay taasi ka cadheysiisay bulshada ku dhaqan […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Daawo:- Guddoomiye CIRRO Oo Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyay Magaalada Minneapolis Ee Dalka Maraykanka

Minneapolis, 11,5,2016 (QJ/SDN) – Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ahna Guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Cirro ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Minneapolis ee dalka maraykanka, halkaasi oo uu dhawaanahanba ku sugnaa isaga iyo wefti uu hoggaaminayo.

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »