Home » 1:42 pm
Entries posted on “May, 2016”
Hargeysa, 12,5,2016 (QJ/SDN) – Wasaaradda Xidhiidhka golayaasha Somaliland ayaa sheegtay in ay heshiis la saxeexatay shirkad ka caawin doonta dhanka Technologyada taasi oo ka shaqayn doonta qaabkii la iskugu duba ridi lahaa Soft warada Dowladda.
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Kampala, 12,5,2016 (QJ/SDN) – Caleemo saarka Madaxweynaha waddanka Uganda yoweri K. Museveni oo markii shannaad maanta loo dhaariyayay xilka madaxweynenimo ayaa waxa xalfada caleemo saarkiisa soo qayb-galay madaxweynayaasha Tansaaniya,Suudaan, Simbaawi , Soomaali iyo Hogaamiyaal kale. Waxa aad loo adkeeyay Ammaanka magaalada caasimada ah ee Kampla iydoo sidoo kalena la xanibay baraha Bulshadu kuwada xidhiidho. Hadal […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Hargeysa,12,5,2016 (QJ/SDN) – Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah ee Somaliland Mudane Xuseen Aadan Dayr oo maanta qaar ka mid ah warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa ka jawaabay Muuqaal hore oo ku taariikhaysnaa [April 22, 2015] kaasi oo wasiirka Dekedaha iyo Kalluumaysiga Soomaaliya Nuur Faarax Xirsi uu ku diidanaa in dekedda Berbera lagu wareejiyo gacan […]
Posted in Features,Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Hargaysa,12,May 2016 (SDN/QJ):- Siyaasi Boobe Yuusuf Ducaale oo haatan ah Siyaasi ka Madax bannaan Xisbiyada Qaranka iyo Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo ayaa dhaliilay qaabkii Baratakool ee Madaxweyne Siilaanyo kaga qayb galay Caleemo saarka Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Jabuuti,12,May 2016 (SDN/QJ):- Dawlada Jabuuti ayaa ka falcelisay qaabkii Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo loogu soo dhaweeyay Magaalada Jabuuti oo uu axadii kaga qayb galay caleemo saarka Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Hargaysa,12,May 2016 (SDN/QJ):- Waxaa Dalka Somaliland Xiligan ka socda diyaar garow ku wajahan Xuska 25 Guurada ka soo Wareegtay Markii ay Jamhuuriyada Somaliland dib ula soo noqotay Xornimadeedii oo ah 18 bishan May isla markaana noqonaysa Rubuc qarni ay Somaliland Jirtay iyadoon Wax aqoonsi ah ka helin dunnida inteeda kale. Shabakada Qurbejoog.com ayaa Halkan idiinku […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Muqdisho,12,May 2016 (SDN/QJ):- Dawlada Federaalka Somalia ayaa Sheegtay inaanay Marnaba ogolaanayn in Dekeda Magaalada Berbera lagi wareejiyo Shirkada Dubai World Ports,Kadib Markii Xukuumadda Somaliland la Gashay Heshiis 30 Sanno Gaadhaya,Waxay Xukuumadda Federaalku hoosta ka xariiqday in arrintani Lugaha la geli doonto dacwad Maxkamadeed. Waxaana Hadalkan Sheegay Wasiirka Wershadaha iyo Maamulka Dekedaha ee dawlada Federaalka Somalia.
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Hargaysa,12,May 2016 (SDN/QJ):- Wasiiru dawlaha Wasaaradda Duulista Hawada Somaliland Axmed Nuur Faahiye waxa uu ku beeniyey in aanay jirin Qalab Hawada Guud ee Soomaaliya lagula wareego oo la siiyey Waddanka aynu jaarka nahay ee Soomaaliya, balse waxa jira buu yidhi Qalab loogu tallo galay la socodka Saadaasha Hawada (Metrology) oo ay siisay “ICAO” Madaarada Somaliland […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Hargaysa,12,May 2016 (SDN/QJ):- Xukuumadda Somaliland ayaa ka Warbixisay Ciidan la sheegay inay ka soo Goosteen Maamul Goboleedka Somaliyeed ee Punt land Waxaa kale oo dawladu ka hadashay Shirar Mudooyinkan ka socday Gobolka Badhan. Wasiir ku Xigeenka amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maxamed Muuse Diiriye oo Warbaahinta la hadlay ayaa Sharaxaad ka bixiyey amuurtan.
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Muqdisho ,12,May 2016 (SDN/QJ):- Xil. Faarax Cabdiqaadir oo loogu yeedho hogaamiyaha kooxda Damu Jadiid ee gacanta ku haysa soomaaliya, kana tirsan baarlamaanka soomaaliya, isla markaana ah lagu tilmaamo ninka ugu awoodda badan maamulka Xasan Sheekh, ahna gacanta midig ee Madaxweynaha soomaaliya Xasan Sheekh ayaa sheegay in uu raja wayn ka qabo in midnimaddii soomaaliya soo […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »