Home » 11:33 am
Entries posted on “May, 2016”
Hargeysa 24.May 2016 (SDN/QJ):- Hordhaca Heshiiskan Dhawaan ay Xukuumada Somaliland la Saxeexatay Shirkada Dubai World Port ee Ka dhacay Dalka Isu Taga Imaaraadka ayaa Muujinaya Galdaloolooyin dhinacyo kala duwan ah. Hadaba heshiiskan oo dhinacyo badan taabanaya isla markaana ay masuuliyiintii xukuumada ee shirkan ka qayb galay ay shacabka siyaabo kala duwan ugu Sharaxeen, halka ayna […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Hargeysa,24,5,2016 (QJ/SDN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa beesha caalamka ugu baaqay in la gaadhay wakhtigii la aqoonsan lahaa Somaliland. Madaxweyne Siilaanyo, ayaa qormo uu qoray oo lagu baahiyay warbaahinta loo yaqaano dailymaverick.co.za, wuxuu ku sheegay in shacabka reer Somaliland muujiyeen dedaal iyo horumar, balse ay ilaa hadda sugayaan taageerada beesha caalamka. “Toddobaadkii […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Hargeysa,24,52016 (QJ/SDN) – Wargeyska Indian Ocean Newsletter, ayaa warbixin faahfaahsan ka qoray heshiiska dhex maray Somaliland iyo Shirkada DP World ee ku saabsan dekedda Berbera. Wargeyska, ayaa cadadkiisii u dambeeyay wuxuu warbixintiisa ku sheegay inuu xogo faahfaahsan ka helay heshiiska Somaliland iyo DP World, wuxuu ku sheegay in wada hadalo muddo sannado ah u socday […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Sidii aan ‘Qormadaydii hore’ kaga hadlay, inqilaabkii ay qorsheeyeen Kornayl Maxamed Xasan “Cirro” iyo Kornayl Cabdullaahi Yuusuf Axmed wuxu noqon lahaaba wuu fashilmay, wuxuuna soo celiyey kalsoonidii Maxamed Siyaad Barre isaga oo daboolay niyad-xumadii wakhtigaas jirtay ee dhinaca ciidanka iyo tii dadweynaha labadaba. Kacaankii Soomaaliya ka talinayey wakhtigaa tamartiisu hoos ayay u dhacday. Wuxuu sumcad-xumo iyo […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Muqdisho,24,5,2016 (QJ/SDN) – Taliyihii ciidanka Booliiska Gobolka Banaadir, Jen. Cali Xirsi Barre (Cali Gaab) ayaa ku dhawaaqay inuu xilkii iska casilay, wuxuuna ku sheegay hadal uu warbaahinta Muqdisho siiyay, inaysan jirin ruux ku khasabtay in uu xilkaan iska casilo, aysan jirin cid uu dacwo ka yahay. Jen. Cali Gaab oo horay u ahaa taliyaha ciidamada […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Kismaayo,24,5,2016 (QJ/SDN) – Madaxweynaha Maamulka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe], ayaa ku baaqay in si dhaqso ah loo joojiyo Colaadda ka Taagan magaalada Beledweyn ee xarunta gobolka Hiiraan, halkaasoo maalmihii la soo Dhaafay ay ku dagaallamayeen malleeshiyo beeleed wada-daga deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan. Axmed Madoobe oo warbaahinta kula hadlayay Kismaayo, ayaa sheegay inuusan […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Hargaysa 24.May 2016 (SDN/QJ):- Kooxo wadaado ah oo aan la aqoosan Cidda ay ka tirsan yihiin ayaa habeennadii ugu dambeeyey meelo kala duwan oo caasimadda Hargeysa ah dhallinyarada ku bar-tilmaameedsanayay,kuwaasi oo qofkii dhallinyaro ah ee ay arkaan u dhiibayey nuqullo waraaqo ah oo ka kooban sagaal bog oo ku qoran Af-soomaali iyada oo nuxurka waraaqahaasi […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Kismaayo,24,5,2016 (QJ/SDN) – Ciidamada Milatariga ee dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen hub la damacsanaa in si qarsoodi ah gudaha loogu soo galiyo Kenya isla markaana la doonayay in loo adeegsado weeraro laga fuliyo magaalooyinka ku yaalla xadka kala qeybiya Kenya iyo Soomaliya. Wasiir ku xigeenka amniga ee maamul goboleedka Jubaland Cabdirashiid […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Karaji,24,5,2016 (QJ/SDN) – Dowladda Pakistan ayaa eedeyn kulul dusha uga tuurtay dowladda Mareykanka, iyadoo cambaareysay howlgallada Milatari ee ay xukuumadda Washington ka sameyso gudaha dalka Pakistan. War kasoo baxay xukuumadda Islamabad ayaa lagu sheegay in duqeyntii ay diyaaradaha drones-ka Mareykanka ka geysteen dhulka Pakistan gudihiisa ay xad gudub ku tahay sharafta iyo madax banaanida dalka […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Nairobi,24,5,2016 (QJ/SDN) – Madaxweyne ku-xigeenka Kenya William Ruto ayaa sheegay in go’aanka lagu xiraayo xeryaha Dhadhaab ee dawlada Kenya ay dhawaan gaadhay uu yahay kama dambeys iyo mid aanan laga noqon doonin. Ruto oo ka hadlaayay Shirweynaha Gargaarka Caalamka ee Istanbul Turkiga ka socda shalay ayaa beesha caalamka u sheegay in dadka doonaya inay caawiyaan […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »