Home » 9:31 am Entries posted on “May, 2016”

SAWIRRO: Xukuumadda Somaliland Oo Ku Fashilantay Inay Dayac-tirto Wadada Madaarka Hargeysa

Hargeysa ,25,5,2016(QJ/SDN) – Waddada wayn ee ka timaada madaarka Caasimadda Hargeysa ee Cigaal ayaa waxa sanadihii u danbeeyay ay ahayd mid dayac baahsani ka muuqdo, iyadoona aanay jirin illaa hadda cid wax ka qabatay dayaca ka muuqday waddadaasi oo ah mid muhiim u ah bilicda iyo dhaqaalaha magaalada. Waddadani ayaa ah tan ugu muhiimsan caasimadda […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

MADAXWEYNE XASAN: Qoxootiga oo si khasab ah lagu celiyo waxay keeni kartaa Dhibaato weyn

Muqdisho,25,,5,2016 (QJ/SDN) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xassan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dhibaatooyin waaweyn ay keeneyso arinta Kenya ay ka dhawaajisay ee ah in qaxootiga Soomaaliyeed ay dib ugu celinayso Soomaaliya si qasab ah. Dhawaan ayay ahayd markii dawlada Kenya ay ka dhawaajisay inay xireyso ama albaabada isugu dhufanayso xeryaha Dhadhaab iyo Kakuma  kuwaasoo ay […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Cusbitaalka International Oo Xaflad U Qabtay Arday Dhamaystay Tababar Muddo Lix Bilooda U Socday

Hargeysa,25,5,2016 (QJ/SDN) – Shalay Maamulka cusbitaalka Hargeisa International  Hospital, ayaa xaflad u qabtay ay ku  maamuusayeen Arday Dhamaysatay Tababar usocday muddo lix bilooda.  Xafladda waxaa kasoo qayb galay maamulka kulliyadda shaafi, macalimiinta, maamulka cusbitaalka, maamul kasocday hargeisa Nursing school,  shaqaalaha iyo hawlwadeenada dhaktarka Hargeisa Hospital. Xafladda waxaa ugu horeyn kahadlay maamulka cusbitaalka Hargeisa Hospital Dr.Abdul […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Nuqul ka Mid ah Heshiiska dhex maray Somaliland Iyo Shirkada Dubai World Port Keebaa Faa’iiday? DAAWO

Hargaysa 25.May 2016 (SDN/QJ):- Telefishanka HCTV ayaa soo bandhigay Nuqulka Heshiiska dhex maray Somaliland Iyo Shirkada Imaaraadka ee Dubai World Port kaas oo Tilmaamaya Saamiga ay Shirkadani ku yeelan doonto Maalgelinta Dekeda Magaalada Berbera iyo Xogo Muhiim ah oo la xidhiidha Heshiiskan iyo danta uu ku fadhiyo.

Posted in Features,Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

“Waa loo dhamaa Go’aankii Dib ula soo noqoshada Madax bannaanida Jamhuuriyada Somaliland” Murashaxa Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye DAAWO

Hargaysa 25.May 2016 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha xisbul-xaakimka KULMIYE, ahna musharraxa madaxweynenimo ee xisbigaas Md Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay muhiimadda ay Somaliland u leedahay midnimada iyo isku duubnimada shacabku, waxana uu sheegay in wada-jirka shacabku door laxaad leh ka qaadan karo tallaabooyinka qaranka horumarkiisa lagu hinidisayo. Waxa kaloo uu ka hadlay siyaasiyiin shaki geliyey […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

“Boobe Anigaa Ku Diiday” Mujaahid Cali Guray oo Khilaafay Aragtidii Boobe ee 18 May

Hargaysa 25.May 2016 (SDN/QJ):- Gudoomiye Ku Xigeenka 3aad ee Xisbiga Ucid Cali Maxamed Yuusuf Cali Guray ayaa Naqdiyey Hadal ka soo Yeedhay Boobe Yuusuf Ducaale oo ku adkaystay inaan la bedeli Karin Maalinta Madax bannaanida Somaliland ee 18 May. Qoraalka Cali Guray ayaa u dhignaa Sidan “26kii Juun 1960kii may ahayn maalin maalmaha ku jirtay […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

”Tartan Madaxwayne ayaynu ku ogayn Xisbiga Waddaniye ,Waxa ridista maayarka burco iyo waddani isa sudhay, umadda ayaa ka jawaabi doonta” Wasiir Cali Mareexaan DAAWO

Burco 25.May 2016 (SDN/QJ):- Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud,Gaadiidka iyo Guryaynta Somaliland Mudane Cali Xasan Maxamed “Cali Mareexaan” ayaa dhinac isaga leexiyey eedayn uga Timid Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani oo Sheegay in Wasiirku Huriyey Khilaafkii Soo kale dhexgalay Xildhibaanada golaha deegaanka ee Burco.

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

“Mudane Wasiir Waxaan kula Socodsiinayaa in Warbaahinta Madaxa bannaani ay ka horayso ta dawlada ee aad Maamusho Sababtoo ah….” Weriye Axmed Siciid Cige DAAWO

Hargaysa 25.May 2016 (SDN/QJ):- Weriyaha Idaacada BBC laanteeda Afka Somaliga ee Somaliland Suxufi Axmed Siciid Cige ayaa sheegay in Warbaahinta Madaxa bannaani ay ka horayso ta ay dawladu maamusho. Weriyahan ayaa hadalkan ka jeediyey Kulan Casho sharaf ah oo Wasiirka Warfaafintu u sameeyay Warbaahinta kala duwan ee Somaliland isla markaana uu ku maamuusayay qaabkii ay […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo Xafiiskiisa ku Qaabilay Mas’uulka ugu Sareeya ee Shirkada Dubia Port iyo Wefti uu Hogaaminayo oo Booqasho ku Yimid Hargaysa Qodobada laga Wada hadlay DAAWO/SAWIRO

Hargeysa 24.May 2016 (SDN/QJ):- Madaxwaynaha  Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane  Axmed Maxamed  Silaanyo, ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabiley Masuuliyiinta iyo Shaqaalaha shirkada Dekeda caalamiga ah ee DP World oo uu horkacayo agaasimaha guud ee Shirkadaasi Sultan Ahmed Bin Sulayem, weftigaas oo saaka ka soo degay madaarka diyaarahada ee   Berbera, soona kormeeray dekeda Berbera, ka dibna u […]

Posted in Features,Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Kooxda Xidigaha Geeska oo Cadeeyay inay soo Afjareen Khilaafkii soo Kala Dhex Galay Iyo Weedhihii ay Jeediyeen DAAWO

Hargeysa 24.May 2016 (SDN/QJ):- Kooxda fanaaniinta Xidigaha Geeska ayaa waxa ay sheegeen Maanta in ay gabi ahaanba soo afjareen khilaaf kooxda ka dhex taagnaa mudooyinkii ugu danbeeyey. Shirkan Jaraaid oo ay kooxdu ku qabatay Xarunta Wasaarada Warfaafinta dhaqanka iyo wacyi galinta waxay goobtaasi ku shaaciyeen in ay doorteen hogaan Cusub,sidoo kale ay kooxda laga saaray […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »