Home » 2:25 am Entries posted on “January, 2016”

Guddiyada Xaafadaha Magaalada Burco Oo Dhaliilay Qaabka Uu Komishanka Doorashooyinku U Wado Diiwaangelinta Codbixinta DAAWO

Burco,4Jan,2015(QJ/SDN)-Guddiyada xaafada magaalada burco ayaa si adag uga soo horjeestay qaabka ay komishanka doorashooyinka Somaliland u dhigeen diiwaangelinta dalka ka dhici doonta 16ka bishan aynu ku jirno. Iyagoona ku tilmaamay afduun. Sidoo kale gudiyadan waxay sheegeen in aanay xilligan ku haboonayn gobolka Togdheer in laga bilaabo Diiwaangalin maadaama xilli abaar ah lagu jiro oo gobolka […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Dawlada Maraykanku Waxay dhagaystaa Hadalada Isgaadhsiinta uu u adeegsado Raysal Wasaaraha Israa’iil

Washington 04 January, 2016 (SDN/QJ):  Wargeyska Caanka ah ee Wall Street Journal oo ka soo baxa dalka Maraykanka ayaa fashiliyey in dowladda Maraykanku ay si sir ah u dhegeysato talefannada raysalwasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, taas oo burinaysa go’aan uu hore u soo saaray madaxweyne Barack Obama oo dhigayey in sirdoonka Maraykanku joojiyo dhegeysiga hoggaamiyeyaasha dowladaha saaxiibka […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Hoggaamiyaal Xilal Horay Uga soo qabtay Dawlada Somalia Oo Lagu Casuumay Deegaanka Puntland,

Garowe, 04 January, 2016 (SDN/QJ): Ra’iisul Wasaarayaashii hore ee Soomaaliya Cabdiweli Shiikh Axmed, Cali Maxamed Geed iyo siyaasiyiin caan ah ayaa maanta kasoo degay gagida diyaaradaha magalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug. Masuuliyiintan ayaa socdaalkooda salka ku hayaa ka qayb galka munaasibadda lagu furayo garoonka diyaaradaha Bosaso, iyo xaflada uu ku dagaal degayo madaxwayne Cabdiweli Cali […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Biyo la’aan ka taagan Deegaanka Seemade ee gobolka Mudug Iyo Dhawaqa Qaylo dhaameed {DHAGAYSO}

Garowe, 04 January, 2016 (SDN/QJ): –Deegaanka Seemadde oo hoos taga degmada jariiban ee gobolka Mudug waxaa xiligan ka taagan biyo la’aan saamayn ku yeeshay dadka iyo duunyada deegaankaasi. Maxamed Xirsi Faarax gudoomiyaha deegaanka Saamadde ayaa sheegay inay horay abaaro uga jireen deegaankaasi oo xoolo badan ay ku sugnaayeen kuwaas oo caws kaliya ka daaqa agagaarka […]

Posted in Uncategorized | Read More »

“Waxaan Dalka u imid inaan Bulshada la wadaago dhibta Tahriibka, Waayo? Qurbaha Anagaa Xog ogaal u ah…” Deeqa M. Soomajeeste

Hargeysa, 04 January, 2016 (SDN/QJ): – Deeqa Maxamed Soomajeeste oo ka mid ah Aqoonyahannada Da’da yar ee Somaliland, ayaa soo gaadhay Magaalada Hargeysa si ay u bilowday Wacyi-gelin ay doonayso inay kaga qayb-qaadato yareynta Tahtiibka. Deeqa oo ah Gabadh Qoraaya, ayaa sheegtay inay ka xun tahay in dhallinyarada oo ah Xooggii Somaliland ay si Macno daro […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Boqor Qabiil Oo Maxkamaddi Ku Heshay Danbiyo Culus Oo Xabsiga Lugihiisa Ku Tagey

Suweto  04 January, 2016 (SDN/QJ): –Boqor Buyelekhaya Dalindyebo ayaa xabsiga lugihiisa ku tegay, ka dib  markii la ogollaan waayey racfaan uu ka qaatay xukun gaadhay 12 sannadood arbacadii. Mr. Dalindyebo oo boqor u ah qabiilka Thembo, oo madaxweynahii  hore ee Koonfur Afrika Nelson Mandela ka soo jeedo ayaa maxkamad ku taal dalkaasi ku heshay dembi […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Dalxiisayaal keyn kala kulmay argagax Waa Maxay sababtu?

Ohio   04 January, 2016 (SDN/QJ): – koox Dalxiisayaal ah ayaa argagax kala kulmay geed gubanaya, xilli ay dalxiis ku marayeen keyn ku taal gobolka Ohio ee Dalka Maraykanka. Sida ka muuqata muuqaal laga sameeyey gubashada Geedkan ayey ka muuqata dab ka baxaya gudaha geed weyn, balse aanu dabkaasi u soo gudbayn xagga sare ee Geedka.   […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Donald Trump defends Muslim ban call after al-Shabab film

Opinion polls show Donald Trump is leading the field of Republican presidential hopefuls Donald Trump has again defended his call for a ban on Muslims entering the US after it was used in a propaganda video by Somali militant group al-Shabab. The Republican presidential hopeful said people had praised his courage in truthfully highlighting a […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Weftigii Guddoomiye Faysal Cali Waraabe Oo Gaadhay Magaalada Laascaanood Ee Xarunta Gobolka Sool SAWIRRO {DHAGEYSO}

Laascaanood,3Jan,2015(QJ/SDN)- Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe iyo Waftigii Uu Hogaaminayay Ee Socdaalka Nabadda Iyo Mideenta Somaliland ayaa Gaadhay Gobolka Sool . Waftiga oo sii Maray Deegaanka Wadaama-go ayaa waxaa uu halkaasi Gudoomiye Faysal Cali Waraabe iyo Waftigiisu kala Kulmeen Soo Dhaween iyadoo Bulshadu ay ku dhawaaqayeen Ereyo Taageero loogu muujinayo Gudoomiyaha Iyo Waftigiisa […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Madaxweyne Siilaanyo oo Xilalkii ka qaaday Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Madaxtooyada Iyo Taliyeyaasha Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Iyo Xubno uu u Magacaabay

Hargaysa 03.Jan 2016 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa Maanta Xilkii ka qaaday Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Madaxtooyada Iyo Taliyeyaashii Ciidanka Ilaalada Madaxtooyadda Waxaanu Sidoo kale Magacaabay Xubnihii Bedeli lahaa Mas’uuliyiintaas. Warsaxaafadeed uu ku Saxeexan Yahay Afhayeenka Madaxtooyada Xuseen Aadan Cige “Xuseen Dayr” ayaa u dhignaa Sidan:- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Axmed […]

Posted in Uncategorized | Read More »