Home » 11:14 am Entries posted on “January, 2016”

Golaha Wakiiladda Somaliland oo uu Xiisad ka Dhex abuuray Xeerka Baananka oo Shareecadu Xaaraan-timaysay

Hargeysa 13.Jan 2016 (SDN/QJ):-Golaha wakiilada ayaa shalay si adag isugu maandhaafay xeerka baananka ganacsiga oo ay culimada dalku ku tilmaantay mid ribo ah oo aan banaanayn in golaha wakiiladu ansixiyo. Xeerkan ayaa wuxuu shalay golaha ka abuuray dareen xaasaasi ah, waxaana golaha warbixin ka hor jeedisay guddi ka madaxbanaan guddi hoosaayada golaha oo xogo soo […]

Posted in Uncategorized | Read More »

“Kulmiye ayaanu nahay aasaasayaashiina ka mid baanu ahayn, ilaa haddana Kulmiye ayaanu nahay ,waana ka sii mid ahaanaynaa Kulmiye ilaa inta laga tashanayo” Xildhibaan Kijaandh

Hargeysa 13.Jan 2016 (SDN/QJ):-Xildhibaan Axmed Cabdi Nuur (Kijaandhe), oo ka mid ah isbahaysiga Kulmiye, ee qaadacay Shirkii Golaha Dhexe ee kulmiye, ahaana Musharaxa Madaxweyne, ayaa ka jawaabay hadalo ka soo yeedhay qaar ka mid ah Masuuliyiinta Kulmiye oo sheegaya in aanay Isbahaysigu sheegan karin magaca Kulmiye, waxaanu sheegay inaanay jirin cid isaga iyo isbahaysiga toona […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Dib U Milicso: Khudbadii Dhaxal-galka Ahayd Ee Sannadkii 2001 Marxuum Cigaal U Jeediyay Baarlamaanka

Hargeysa 13.Jan 2016 (SDN/QJ):- ALLE ha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Somaliland Marxuum Maxamed X. Ibraahim Cigaal, waxa uu khubad dhaxal-gal ah sannadkii 2001 u jeediyay labada gole ee Guurtida iyo Wakiilada, waxaanu Marxuum Cigal markii uu xiligaasi iskugu yeedhay Baarlamaanka u jeediyay khudbad xusuus ku reebtay shacbiga Somaliland.    

Posted in Uncategorized | Read More »

Afhayeenka Komishanka Somaliland Oo Sharaxay Diiwaan-gelinta Iyo Doorashooyinka Isa Saarka ah Ee Madaxtooyadda & Wakiiladda

“Xeerka Doorashaddu Waxa Uu U Yaallaa Baarlamaanka, Iyaga Ayaa  Laga Rabaa Inay Xaliyaan Ka Hor Doorashadda”    “Waxaanu Hirgelinaynaa In Doorashooyinku Ay Mar Wada Dhacaan, Waana Mid Ku Cusub Dalkeena” “Wacyigelinta Diwaan-gelinta Kharashkooda Guddida Looma Dhiibin Ee Qaadhaan Bixiyeyaasha Ayaa Gacanta u Geliya Ururo Maxali Ah:”   Hargeysa 13.Jan 2016 (SDN/QJ):-  Guddida doorashooyinka jamhuuriyadda Somaliland, […]

Posted in Uncategorized | Read More »

“Horta Marka Hore Toorreydu Wax La Isku Caayo Maaha Aniguna Reer Burco Ayaan Ahayoo, Waa Layska Yaqaannaa” Su’aalo Xiiso Leh Iyo Wasiirkii Hore ee Madaxtooyadda DAAWO

Hargaysa 13.Jan 2016 (SDN/QJ):- Wasiirkii Hore ee Madaxtooyadda Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa Markii u horaysay Waxa uu  ka Hadlay Xidhiidhkuu la lahaa Koox Xiligii Maamulkii Daahir Rayaale Kaahin Gaadiid saaray Hub si ay  ugu Jabhadeeyaan, Xirsi Cali Xaaji Xasan oo Wakhtigaas iska Casilay Xubin-nimadii Komiishankii Doorashooyinka Qaranka ee Xiligaasi ayaa Madal Il yartu […]

Posted in Uncategorized | Read More »

“Waxaan Qabaa In Aanay KULMIYE Waxba Ugu Kordhayn Is Hortaagii Xirsi Ee Caynaba Haddii Aragtida Lagu Kala Baydhana Maha Inay Colaad Abuurto” Jamaal Cali Xusen

Hargaysa 13.Jan 2016 (SDN/QJ):- Murrashaxa Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Jamaal Cali Xuseen, ayaa  talooyin ka dhiibtay xifiltanka  Xisbiyada dhexdooda  iyo laacdanka  is badalka badan ee ay caanka ku tahay siyaasadda Somaliland. Jamaal Cali Xuseen oo xogwaran siiyay Wargayska Somaliland today oo aanu Warkan ka soo Xiganay wuxuu ka hadlay falkii hadheeyay shir dhaqan oo […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Maanso Baroor Diiq ah oo Abwaan Weedhsame u Jixaasay Hal abuurkii Caan Baxay Marxuun Cali Sugule Dun Carbeed IHU

Hargaysa 13.Jan 2016 (SDN/QJ):- Waxaa Tixdan Baroor diiqda ah Curiyey Hal abuur Xasan Daahir Weedhsame Wuxuu u Jixaasay Alle ha u Naxariitee Abwaan Cali Sugule Cigaal Dun Carbeed oo Lagu Wado in Maalinta Beri oo Khamiis ah Lagu aaso Caasimada Somaliland ee Hargaysa. Abwaan Weedhsame oo Tixdan soo Gaadhsiiyey Xafiiska War qabadka ee Shabakada Qurbejoog ayaa […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Wasiir Cukuse Oo Ku Dhawaaqay Liiska Magacyada Guddi Uu Madaxweyne Siilaanyo U Saaray Aaska Abwaan Cali Sugulle DAAWO

Hargeysa,13Jan,2016(QJ/SDN)-Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa guddi qaban qaabo u saaray Aas qaran oo loo samayn doono ALLE ha u naxariistee Marxuum Abwaan Cali Sugule (Duncarbeed) oo shalay ku geeriyooday dalka Imaraadka Carabta. Waxaana guddidaasi faah-faahin ka bixiyay Wasiirka Warfaafinta Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse).

Posted in Uncategorized | Read More »

Wareysi Xiiso Badan Oo Laga Qaaday Ninkii Oromada Ahaa Ee Lagu Soo Eedeeyay In Uu Ilmaha Yar Ku Cunay Magaalada Burco DAAWO

Burco,13Jan,2016(QJ/SDN)-Nin Oromo ah oo lagu  soo eedeeyay ilmo yar in uu cunay, ayaa waxa Wareysi la yeeshay Wariye CabdiMaalik Muuse Coldoon oo ku sugan Burco, iyadoona ninkan eedaysanaha ahi aanu luuqadda Soomaaliga garanayn. Haddaba, Wareysigan oo xiiso badan hoos ka daawo:

Posted in Uncategorized | Read More »

Dhibaatada Ay Leedahay Lacagta Yar-Yar ee Suuqyada Somaliland ku Sii Yaraanaysa

 Asc, waxa dhibto iyo caqabad ku ah dhaqaalaha Somaliland lacagahii yar-yar oo badanaa kasii dabar go”aya suuqyada kala duwan ee jamuuriyada Somaliland . Hadii aynu soo qaadano dhibtaada ay leedahay oo ah mid aan lagu soo koobi karin qoraal iyo maqaaltoona ayaan haddana jecelaystay inaan xogaa ka iftimiyo waayo waa dhib laga yaabo in aan […]

Posted in Uncategorized | Read More »