Home » 4:56 pm Entries posted on “January, 2016”

Wasiirada Maaliyadda Somaliland oo Kulan Maanta La Qaadatay Gudoomiyeyaasha Gobolada Dalka Iyo Waxyaabihii lagaga hadlay DAAWO

Hargeysa, 16 January, 2016-(SDN/QJ): –Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Marwo Sam Sam Cabdi Aadan ayaa maanta Kulan la Yeelatay Dhamaanba Gudoomiyeyaasha Gobolada dalka. Wasiirka Wasaaradda Maaliyada oo Kulankaasi ka hadashay ayaa Sheegtay in Ujeedada Kulankani uu la xidhiidho Sidii Badhasaabada Gobolada dalku ay ugala shaqayn lahaayeen Wasaaradeeda Kordhinta Dakhliga iyo Ololaha Cashuur ururinta. Marwo Sam Sam Cabdi […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Gudoomiye Faysal Cali Waraabe oo Ganafka ku Dhuftay Mas’uuliyiin uu Murashaxa Madaxweyne Magacaabay Iyo Khilaafkii oo Mar kale Istaadhmay

Hargeysa, 16 January, 2016-(SDN/QJ): –Guddoomiyaha xisbiga UCID Md. Faysal Cali Waraabe ayaa ka soo horjeestay xilal uu dhawaan magacaabay murashaxa madaxweyne ee xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen, kuwaas oo uu Faysal ku tilmaamay inay ka soo horjeedo xeer hoosaadka xisbiga. Qoraal wargelin ah oo uu Faysal Cali Waraabe u gudbiyay dhammaan laamaha dibadda ee xisbiga […]

Posted in Features,Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

“Baarlamaanka Dood ka dhigay miyeynu Dalka u fasaxnaa Bangiyada ku shaqeeya Ribada, waxaan leeyahay Dadkii baa soo ootey..” Sheekh Aadan Siiro

Hargeysa, 16 January, 2016-(SDN/QJ): – Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa ka hadlay Xeerka Baananka Ganacsiga oo hor-yaalla Golaha Wakiillada isla-markaana Culimada kale ee Dalku ka digeen in la ansixiyo, iyagoo ku doodaya inuu jideynayo Ganacsi ku dhisan Ribo. Sheekh Aadan-Siiro oo Khudbaddii Jimcaha ee Shalay ku faahfaahiyey Qadiyadda Xeerka Baananka Ganacsiga ee […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay oo Golaha Amaanka kaga Hor hadlay Iscasilaadi Xubno ka Mid ah Golaha Wasiiradda Somaliland

New York 16.Jan 2016 (SDN/QJ):- Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Moon ayaa is casiladii wasiiradii Madaxweyne Siilaanyo kaga hadlay warbixin uu u gudbiyay golaha ammaanka Qaramada Midoobay. Warbixintan  oo uu xoghayaha guud toddobaadkan jeediyay oo uu Geeska Afrika helay nuqul ka mid ah, wuxuu Mr. Ban Ki Moon golaha ammaanka ugaga xog-waramayay xaalada […]

Posted in Features,Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Barmaamij Siyaasadeedka Xisbiga WADDANI Oo Lagu Lafa’guray Xarunta Daraasaadka Magaalada London Ee Chatham House

London 16. Jan 2016 (SDN/QJ):-Kullan balaadhan oo maalintii shalay ahayad ka dhacay Magaalada London,gaar ahaana xarunta daraasadka caalamiga ah ee Chatham House, ayaa waxa si weyn loogu lafa’guray barmaamij siyaasadeedka xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI uu doorashooyinka fooda inagu soo haya ku gelaayo, kaas oo lagu soo bandhigay xaruntaasi. Munaasabad balaadhan ee ka dhacday xarunta […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Baarlamaanka Somaliland oo hore u ansixiyey Xeer ku lid ah Dastuurka iyo Diinta Islaamka oo jideynaya qaadashada Ribada

Hargeysa 16 January, 2016 (SDN/QJ):- Golaha Baarlamaanka, ayaa cod aqlabiyad ah hore ugu ansixiyey xeer ka horimanaya Dastuurka iyo shareecada Islaamka oo jidaynaya qaadashada Ribada. Xeerkan oo xubno gaadhaya 48 mudane u codeeyeen 9-06-2007, isla markaana Madaxweynahii hore Daahir Rayaale dhaqangeliyey laguna magacaabo “Xeerka Gobolada iyo Degmooyinka” ee Xeer No23/2002 ayaa si cad ugu ogolaanaya […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Badhasaabka Gobolka Buuhoodle oo Jawaab ka Bixiyey Hadal ka Soo Yeedhay Dhigiisa Gobolka Gal Mudug DAAWO

Hargaysa 16.Jan 2016 (SDN/QJ):- Gudoomiyaha gobolka Buuhoodle Md Cismaan Ciise maxamed ayaa maanta jawaab adag u diray badhasaabka Gobolka Gal=Mudug ee dalka aynu jaarka nahay ee soomaaliya oo Maalintii shalay ku xadgudbay qaranimada somaliland ka dib markii uu sheegay in Somaliland looga baahan yahay inay ka soo qayb gasho shirka gobolada soomaaliya uga socda magaalada […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Muuse Biixi “KULMIYE ahaan diiwaan-gelinta waxaanu u aragnaa garnaqsi caalami ah”

Burco 16.Jan 2016 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha ee xisbal-xaakimka Somaliland ee KULMIYE  Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay  faa’iidada diiwaangelinta codbixiyayaasha doorashooyinka dalka iyo aragtida xisbigu ka qabo hirgelinteeda ka jeedieyey xafladdii ku dhawaaqista bilowga bixinta kaadhka codaynta ee magaalada Burco. Haddaba, khudbadda Guddoomiye Muuse ka jeediyey xafladdaasi, waxay u dhignayd sidan; “Annagu KULMIYE […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Guddoomiyaha Komishanka “Xisbiyada Qaranka Waxaanu Ka Codsanaynaa In Ay Ilaaliyaan Anshaxa Xeerkii Aanu Kala Saxeexanay”

Burco 16.Jan 2016 (SDN/QJ):- Diwaan-gelinta codbixiyeyaasha ayaa maanta ka bilaabmaysa gobolka Togdheer oo loogu horeysiiyay bilowga diwaan-gelinta, sida uu shaaca ka qaaday Guddoomiyaha Guddida Doorashooyinka C/Qaadir Iimaan Warsame oo ku sugan Magaaladda Burco. “Waxaan leeyahay gobolka Togdheer waa gobol xamaasadeed, waxaanu doonaynaa inaad xamaasadiinii kicisaan, waxaanu doonaynaa inaad is-diwaan-gelisaan, intaad is diwaan-gelisaan iyo inta idiin […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Mudanayaal, Madax-dhaqameed & Dhallinyaro Baaq ka dhan Maamulaha Kastamka Saylac u diray Wasiirka Maaliyadda

Lawyacaddo, 16 January, 2016-(SDN/QJ): – Qaar ka mid ah Xildhibaannada Golaha Deegaanka ee Degmada Saylac,  Odayaal-dhaqameed iyo Dhallinyarada ku dhaqan Magaaladaas, ayaa Xukuumadda Somaliland ka codsaday inay tallaabo ka qaaddo Maamulaha Kastamka Saylac Cabdirisaaq Aadan Yuusuf oo ku magac dheer (Faysal Dheere) oo ay ku eedeeyeen Maamul Xumo iyo arrimo kale oo ay ka mid […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »