Home » 5:11 pm Entries posted on “January, 2016”

Curadkii Curinta: Calan-side Cali Sugulle Cigaal, (1936kii – 2016ka) Qaybtii 11aad

“Waxan waayey, waayeel murtida, waajibkeed gudaye, Waxan waayey, waadiga hiddaha, weel nin noo dara e’, Waxan waayey, ruux loo wakiyo, wiiqii bawdada e’, Waxan waayey, ruux lagu wardiyo, weedhuhuu yidhiye, Waxan waayey, wabarkii tixdiyo, wadanaheediiye, Waxan waayey, waradii hiddaha, waayo-ara ggiiye, Waxan waayey, wadihii wan-qalay, wowga dirireede, Waxan waayey, wadhi kii ku dhigay, gaalkii wicilkiiye, […]

Posted in Features | Read More »

Madaxweyne Xasan Shiikh oo ka qayb-galay shir madaxeed ka dhacay Dalka Urdun

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Aqaba ee Boqortooyada Urdun kaga Qayb-galay shir madaxeed gaar ah oo arrimaha Amaanka iyo argagixisada looga hadlayay. Shirkan oo uu martigeliyay Boqor Cabdalla Bin Xuseen ayaa waxaa madaxda kasoo Qayb-gashey ka mid ahaa Madaxweynaha Djibouti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, RW dalka Ethiopia Hailemariam Desalegn, wafdi sare oo ka […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Kenya oo ku Eedeeysay Beesha Mareexaan Ee Soomaaliya inay ku lug lahayd Weerarkii Ceel-cadde

Nairobi,25jan,2016(QJ/SDN)-Guddi ay dowladda Kenya u magacawday inay baadhaan weerarkii lagu qaaday xerada ciidamada Kenya ee deegeenka Ceel-caede ee Gobolka Gedo todobaadkii hore, ayaa ku eedeeyay beesha Mareexaan inay ka geysatay gacan weerarkaasi oo kooxda Al-shabaaab ay ku qaadday saldhiggaas. Sida uu baahiyay Wargeyska the Standard ee kasoo baxa Kenya, Hordhac baadhitaannno uu sameeyay Guddiga ayaa […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Faaqidaada Hashii Hirdanka KULMIYE Iyo WADDANI Galay Iyo Baadi Soocda Madaxweynaha Soo Socda Ee Dalkayga! Faallo

Hargaysa 25.Jan 2016 (SDN/QJ):-Waxaan badaha aqoonta ee Prof. Axmed Ismaaciil Samatar ka qoray hal ku dhig uu xili sii horeeyay oo kal-hore ah Somaliland ku hoggo tusaaleeyay oo ahayd “If Somaliland is to Live, tribe would have to die, if the tribe have to live Somaliland has to die” oo macnaheedu yahay haddii Somaliland sii […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Safaaradda Itoobiya Ku Leedahay Somaliland Oo Ka Hadashay Ajaanibka La Mastaafurinayo, Fiiseyaashii Hakaday Iyo Wax Wada Qabsiga Labada Dal

Hargaysa 25.Jan 2016 (SDN/QJ):- U qeybsanaha safaarada Itoobiya ee Somaliland  ee arrimaha dhaqaalaha iyo siyaasadda  Mr. Ageze Amelo, ayaa sheegay in aaney Itoobiya ogeyn oo keliya balse ay taageersan tahay howsha ay Somaliland gacanta ku hayso ee la tacaalida  tahriibeyaasha sharci darrada ah ee badankoodu yihiin Itoobiyaanka. Waxa u sheegay in ay tahay arrin u […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Xeebta Liido ee Muqdisho Waa Sidee kadib Weerarkii Lagu Hoobtay ee Todobaadkii hore ka dhacay? DAAWO

Muqdisho 25 January, 2016-(SDN/QJ) :– Dabayaaqadii Todobaadkii Tegay ayay ahayd Markii Xili Habeenimo ah dablay ka tirsan Kooxda Argagixisadda ah ee Alshabaab Weerar qorshaysan ku qaadeen Huteel Liido oo Dacal saran badweynta Hindiya ee Magaaladda Muqdisho ee Xarunta dalka Somalia. Waxaa Goobtaasi ka dhacay dhacdo naxdin leh oo ay ku naf waayeen dad u badan […]

Posted in Features,Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Taariikhdii Abwaan Cali Sugule Cigaal Dun Carbeed oo Barnaamijka Isir Raaca Af Somaligu soo bandhigay Sababihii Siyaad Barre ku Xidhay Hal abuurkaas DAAWO

London 25 January, 2016-(SDN/QJ) :– Alle naxariistiisii Janno ha ugu deeqee Marxuun Cali Sugulle Cigaal oo Ku Magac dheeraa “Dun Carbeed” Wuxuu ka mid ahaa Foolaadkii Fanka Somalida Wuxuu ka tegay Dhaxal aan duugoobayn oo ah Kaydka uu ah Ummada ku Hadasha Luuqadda Somaliga Meel kasta oo ay Dunnida dacaladeedda kaga Sugan Yihiin Wuxuu ahaa […]

Posted in Features,Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Xukuumadda oo la sheegay inay Sarriflayaashii ka shaqeeyay Hargaysa u Mag-dhabayso Khasaarihii ka soo gaadhay Qiimo dhaca Dollarka & Dul-saarkii ay Heli Jireen Iyo Qiimaha Raashinku Intuu Suuqyadda ka Marayo

Hargeysa, 25 January, 2016-(SDN/QJ) :– Ka dib, go’aan Xukuumaddu ka soo saartay la isticmaalo Shilinka Somaliland, ayaa waxa aad hoos ugu dhacay Qiimaha Sarrifka Lacagta doollarka ah, marka lagu beddelayo Shilinka Somaliland.   Boqolka Doollar ee Maraykanka ah oo Khamiistii Toddobaadkii hore Suuqyada Hargeysa lagu kala sarrifanayey inta u dhaxeysa (Toddoba boqol iyo Sagaashan kun […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Wasiirka Caafimaadka oo Buuhoodle Kulan kula Yeeshay Madax dhaqameedka Magaaladaasi,Doodda Garnaqsigooda,Xiisad Colaadeed oo Ka aloosan Buuhoodle iyo Dhoola Tuska Ciidan ee Xaglo Toosiye

Buuhoodle 25 January, 2016-(SDN/QJ) :– Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Saleebaan Ciise Axmed Xaglatoosiye ayaa kulan balaadhan la qaatay oday dhaqameedka degaanka Buuhoodle oo ay ka wada hadleen xaalada magaalada iyo degaanada ku xeeran.         Wasiirka ayaa kulankan kaga hadlay sida loogu baahan yahay sidii gobolka iyo magaaladaba nabadgelyadeeda loo ilaalin […]

Posted in Features,Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Orromo Cambaareysay Habdhaqanka Xukuumada Somaliland ee Mustaafurinta Ajaanibka

Minnesota 25 January,2016(SDN/QJ):- Jaaliyadda Orromada ee gobolka Minnesota ee dalka mareykanka ayaa cambaareeyay dadka Oromada ah ee dhawaan laamaha ammaanka Somaliland ay ka raafayeen Hargeysa iyo magaalooyinka kale ee dalka. Shir jaraa’id oo ay jaaliyada Orromada ee ku nool Minnesota ay ku qabteen gudaha Maraykanka ayaa waxaa ay ku sheegeen in aan lagu xadgudbin dad […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »