Home » 2:24 pm
Entries posted on “January, 2016”
Ceel-cadde,26jan,2016(QJ/SDN)-Ciidanka dowlada Kenya ee qeybta ka ah ciidanka midawga Afrika ee kusugan wadanka Soomaaliya ayaan saakay isaga baxay deegaanka Ceel Cade ee gobolka Gedo. Dadka deegaanka oo lahadlay Hiiraan Online ayaa sheegay in ciidanka Kenya oo wata dabaabado dagaal iyo baabuurta gaashaaman ay u dhaqaaqeen dhanka xuduuda Kenya ay laleedahay dalka Soomaaliya. Dad deegaanka ayaa cabsi ka […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Muqdisho,26jan,2016(QJ/SDN)-Cabdi Xaaji Goobdoon oo ka mid ah Wariyeyaashii udub-dhexaadka u ahaa warbaahinta Somalia ayaa xalay si lama filaan ah ugu geeriyooday Isbitaalka Daarul-shifa ee magaalada Muqdisho. Geerida marxuumka ayaa waxaa saxaafadda u xaqiijiyay wakaalkiis Abuukar Xaaji Goob-doon, isagoo xusay in marxuumka aanu qabin cudur, laakiinse uu sannadkii lasoo dhaafay kusoo booday cudur dhanka neefta ah […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Buuhoodle 26. January, 2016-(SDN/QJ) :– Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee JSL Dr Saleebaan Ciise Axmed Xaglo-Toosiye oo weli ku gudo jira socdaalkiisii hawleed ee uu ku joogay Magaalada Buuhoodle ayaa ka warbixiyey halka ay u marayaan hwlihii kala duwanaa ee uu halkaa u joogay. Dr saleebaan Ciise Axmed Xaglo toosiye Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka waxa uu ugu […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Berhayanba waxa hoos u dhac aad u ballaadhani ku imanayey qiimaha sarrifka ee lacagta Dollarka, Arrintan ayaa walwal iyo jah-wareer ku abuurtay dad badan oo ka tirsan bulshada reer Somaliland. Waxaan dhawaan akhristay war lagu qoray mid ka mid ah Jaraa’idada maxallliga ah ee ka soo baxa dalka, Warkaasi wuxuu sheegayey inuu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland […]
Posted in Features | Read More »
Hargaysa 26. January, 2016-(SDN/QJ) :– Bilowga diiwaangelinta cod bixiyayaasha doorashooyinka Somaliland ee ka bilaabantay gobalka Togdheer ayaa tusaale u noqotay sida uu tartan adagi u dhex mari doono murashixiinta KULMIYE Muuse Biixi Cabdi iyo Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro). Labadan murashax madaxweyne ee xisbiyadan midna talada hayo midna doonaya inuu qabto, ayaa noqon doona xudunta […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Hargaysa 26. January, 2016-(SDN/QJ) :– Guddoomiye xigeenka xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Md.Axmed Muumin Seed, ayaa maanta kulan qado sharaf oo lagaga lagaga tashanaayey siddii deegaanada galbeedka Somaliland ee Awdal iyo Salal ay si habsami ah uga qabsoomi lahayd diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha hotel SAFARI ugu sameeyey siyaasiyiin, hal-door, aqoonyahan, dhallinyaro iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Hargaysa 26. January, 2016-(SDN/QJ) :– Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Md. Cali Maxamed Warancade ayaa sheegay in la diiwaangelinayo dadka ka soo jeeda dalka Somaliya ee ku sugan Jamhuuriyadda Somalialnd. Mr. Warancade oo u waramay weriye Axmed Siciid Cigeoo BBC Somali ka tirsan wuxuu sheegay in bil lagu diiwaangelinayo dadkaas, “Horta Somliya dee waanu kala go’nay […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Hargaysa 26. January, 2016-(SDN/QJ) :– Wasiirka Wasaaradda Boosaha Iyo Isgaadhsiinta Mudane Maxamed Jaamac Abgaal oo ay Weheliyaan Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo Wasiirka Boosaha ee Dawlada Itoobiya iyo Mas’uuliyiin kale ayaa ka qayb galay Kulan lagu daah furayay Adeega Cusub ee dhinaca Boosaha ee loo soo Gaabiyo EMS kaas oo aan ka Jirin […]
Posted in Features,Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Hargaysa 26. January, 2016-(SDN/QJ) :– Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawadda iyo Gaadiidka Cirka Mudane Cismaan C.laahi Saxardiid Caddaani ayaa Sharaxay Shuruuc ay u dejiyeen Madaarka Cigaal International Airport ee Magaaladda Hargaysa,Gaar ahaan dhinacyada amaanka Madaarka,Hirgalinta Goobo Bulshadda Isticimaasha madaarku ay ka helaan adeegyadda ay u baahan yihiin. Waxaa kale oo Wasiirku iftiimiyey Sida ay u hirgalayso […]
Posted in Features,Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Berbera 26. January, 2016-(SDN/QJ) :– Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta Sare Mudane C.laahi Ibraahin Habane,Maamulka Gobolka Saaxil,Ka Degmada Berbera iyo Mas’uuliyiin kale ayaa ka qayb galay Xaflad ay ku qallin jebinayeen arday dhamaysatay Kuliyadda Caafimaadka ee Jaamacadda Alpha faraceeda Magaaladda Berbera.
Posted in Features,Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »