Home » 2:21 am Entries posted on “November, 2015”

Isbarbar Dhiga Laba Warbixinood oo Gudida Ilaalinta Hantida Qaranka ee Wakiiladu ka Faafiyeen Wasaaradda Warfaafinta DAAWO

Hargaysa  29.Nov 2015 (SDN/QJ):- Warbixintii ay Arbacadii toddobaadkii hore ay shaaciyeen Guddida ilaalinta hantida qaranka ee wakiiladda oo ku dhaliishay wasaaradda Warfaafinta inay tahay wasaaradda ugu hooseysa ee aan kharashaadka Miisaaniyadda aan u daadejin gobollada Somaliland. Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa isla maalintiiba naqdiyay warbixintaasi oo uu ku macneeyay mid siyaasadeed […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Wasiirka Xannaanadda Xoolaha oo ka Hadlay Dhisme Gaar ah oo loo Samaynayo Caano-layda Suuqa Gobonimo ee Hargaysa DAAWO

Hargaysa 29.Nov 2015 (SDN/QJ):- Wasiirka Wasaaradda Xannaanadda Xoolaha JSL ayaa ka warbixiyey Kaanbool loo dhisayo Caana-layda Suuqa Gobonimo ee Magaalada Hargaysa.

Posted in Uncategorized | Read More »

Gudoomiyaha Gudidda Dhismaha Waddada Wad ee Sallaxley iyo Hargaysa oo Si diiran loogu soo dhaweeyay Magaalada Seattle ee Maraykanka & Ujeedada Socdaalkiisa

Seattle 29.Nov 2015 (SDN/QJ):-Waxa Madaarka Sea-Tac International Airport Ee Magaalada Seattle Ee Gobolka Washington State si weyn loogu soo dhaweeyay Gudoomiyaha Gudida Mashruuca Wadada Cad ee isku xidha Hargeysa, Sallaxley Iyo Ina Guuxaa Md Cali Ibraahin Muxumed (Cali Sanyare) oo kasoo kicitimay magaalo madaxda dalka Maraykanka Ee Washington DC oo uu in muddo ahba ku […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Xubin ka Mid ah Kuwii Fuliyey Hawl-galkii lagu furtay Cabdillaahi Askar oo Xidhan laba Sannadood & Ooridiisa oo ka Warrantay Barakicin Dawladdu ku samaysay

Hargeysa, 29.Nov 2015 (SDN/QJ):- Aadan Maal Caqli oo ka mid ah Saraakiisha Ciidammada Qaranka Somaliland, isla markaana ka tirsanaa Mujaahidiintii fuliyey hawl-galkii siddeetamaadkii xerada Miiska Saraakiisha lagaga soo furtay Allaah ha u naxariistee Mujaahid Cabdilaahi Askar, ayaa xidhan muddo laba sanadood ka badan. Aadan Maal Caqli ayaa la xidhay ka dib markii Guri Dawladdu leedahay oo […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Baanka Dhexe Iyo Wasaaradda Ganacsiga Oo Ku Fashilmay Fulinta Qorshihii Lagu Jaan-goyn Lahaa Sarrifka Lacagaha Qalaad

Hargaysa 29.Nov 2015 (SDN/QJ):- Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga caalamiga ah iyo Baanka dhexe ee Somaliland, ayaa gabi ahaanba ku fashilmay inay fuliyaan qorshihii  la doonayay in dawladdu ay  jaan-goyso qiimaha sarrifka lacagaha qalaad iyo in lacagta kaliya ee  wax lagu kala iibsadaa ay noqoto shilinka Somaliland. Hindisahan madhalayska noqday  oo lagu waday inuu hirgalo Bishii […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Xukuumadda Somaliland Oo Mamnuucaysa Wadahadalka Dhaqanka Ee Lagu Xalliyo Kiisaska Kufsiga

Hargaysa 29.Nov 2015 (SDN/QJ):- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa gebi ahaanba mamnuucaysa wadahadallada habka dhaqanka ku salaysan ee odayaashu ku xalliyaan inta badan kiisaska kufsiga loo gaysto dumarka. Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Somaliland Md. Cali Maxamuud Axmed (Cali-sandulle) oo ka hadlayey kulan lagaga dhawaaqay bilowga olole wacyigelin ka dhan ah tacadiyadda loo gaysto haweenka, kaas […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Maayarka Boorame Oo Ka Hadlay Tirrada Shilalka Maalin Walba Ay Gaadiidka Bajaajtu Sababaan

Boorama 29.Nov 2015 (SDN/QJ):- Maayarka degmada Boorama ahna guddoomiyaha golaha deegaanka ee degmadaas Maxamed Xuseen Maydhane,  ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay cabasho ka dhan ah Maamulka Dawladda Hoose ee degmada Boorame oo ay kaga cawdeen wadeyaasha gaadiidka yar-yar ee bajaajta ee magaalada ka dhex shaqeeya oo sheegay in Dawladda Hoose ay ku soo rogtay […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Madaxtooyadda Somalia oo Loo Tuhmayo ka qayb ahaanshaha Dirirta ka Oogan Magaaladda Gaal-kacayo

Gaal-kacyo  28.Nov 2015 (SDN/QJ):-Madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariin Xusseen Guulleed,   ayaa raysul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Ku qoonsatay inuu Muqdisho iskaga noqday isagoo aan xal u helin dagaalka markii labaad maanta  ka qarxay Gaal-kacyo ee u dhaxeeya  Gal-mudug iyo Puntland.   ”Runtii dib ugu noqoshada magaalada Muqdisho ee ra’iisal wasaare Cumar Cabdirashiid isaga oo aan xal […]

Posted in Uncategorized | Read More »

The Somali love of ‘rude’ nicknames

  In the West, people tend not to call their friends and colleagues nicknames that pick on negative physical traits. But in Somalia, people have a love of such nicknames. When I got my ID badge for the president’s office in Mogadishu the other day, I knew I had finally been accepted. It had taken […]

Posted in Uncategorized | Read More »

“Muuse Biixi Socodka Waxa uu Socodkiisii ka Bilaabay Halkii uu Maayarku ka Bilaabi lahaa,Laakiin Markaad Madaxweyne Doonayso..” Gudoomiye Ku Xigeenka Dibad Meerka ah ee Kulmiye Xildhibaan Waabeeye DAAWO

Burco 28.Nov 2015 (SDN/QJ):- Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee xisbul xaakimka KULMIYYE Md. Maxamed Xaaji Yuusuf (Waabeeyo) ayaa Guddoomiyaha xisbigooda Muuse Biixi Cabdi, ku dhaliilay booqashadii uu ku tagay suuqa Gobanimo ee caasimadda Hargeysa, waxaanu ku dooday in qofka madaxweynenimo doonaya aanay ku habboonayn inuu ilolaha ka bilaabo xaafadiisa. Xildhibaan Waabeeyo waxa uu sheegay in Muuse Biixi […]

Posted in Uncategorized | Read More »