Home » 1:24 pm
Entries posted on “September, 2015”
Hargeysa, 17,Sep 2015 (SDN/QJ)- Xildhibaanada Muxaafidka ee Golaha Wakiilada ayaa ilaa hadda ku adkaysanaya inay keenayaan dibna u soo celinayaan Mooshinkii khilaafka iyo gacan ka hadalka Shirgudoonka dhaliyey, waxayna sheegeen inay iyagu sharci ku taagan yihiin, mooshinkana uu sharci yahay, halka XIldhibaanada Mucaaradku iyana dhankooda ka sheegeen inay xaq daro iyo sharci daro tahay in […]
Posted in Uncategorized | Read More »
Hargeysa, 17,Sep 2015 (SDN/QJ)- Kooxda Qaramada Midoobay ee UN Monitoring group ayaa baadhaysa qaabka loo bixiyay qandaraasyada la xidhiidha sahamainta khayraadka dalka, si gaar ahna waxay u baadhayaan qaabka loo bixiyay tababarka ciidamada ilaalada shirkadaha khayraadka baadhaya oo loo yaqaano Oil protection Unit (OPU). Sidaas waxa toddobaadkan baahiyay wargeyska Indian ocean newsletter oo cadadkiisii u […]
Posted in Uncategorized | Read More »
Hargeysa:Sep,17,2015(SDN/QJ)-Siyaasi Ismaaciil Hurre Buubaa oo dhawaan kusoo laabtay Somaliland, ayaa booqasho ku tegay Waddada Dawga Cad oo dhinaca Koonfureed kaga beegan magaalada Hargeysa, waxana uu si weyn u indho indheeyey Shaqada ka socota Waddadaas. Siyaasi Buubaa oo ay weheliyaan ayaa ujeeddada safarkiisani tahay sidii uu ugu kuurgeli lahaa hawlo dib loogu dhisayo waddadaas oo ay […]
Posted in Uncategorized | Read More »
Hargeysa, 17 Sep 2015 (SDN/QJ)- Hogaamiyihii duufaankii Kulmiye, maantana ah Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo xilligii uu u ordayay siduu u geli lahaa guriga uu haatan fadhiyo, waxa tiirarka falsafadii halgankiisa ka mid ahaa, inay doonayaan Baarlamaan xor ah oo dawladda la xisaabtami kara, isla markaana aan la iibsan Karin oo dabaqa sharciga […]
Posted in Uncategorized | Read More »
Hargeysa, 17,Sep 2015 (SDN/QJ)-Xoghayaha guud ee xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Maxamed Cabdilaahi Uurcade, ayaa luuqad adag kula hadlay madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumadiisa, isaga oo sheegay hadii sharciga dalka ay ilaalin waayaan inuu madaxweynuu suuqa ku soo noqon isaga oo rayid ah. Xoghayaha guud ee xisbiga Waddani ayaa si adag uga soo horjeestay wareejinta […]
Posted in Uncategorized | Read More »
Hargeysa, 17,Sep 2015 (SDN/QJ)- Mooshinka xukumaddu dabada ka riixayso ee lagu rabo in lagu wareejiyo haamaha shidaalka ayaa wali xukumaddu danaynaysaa in golaha wakiillada laga xalaaleeyo. Xildhibaan Axmed Diiriye Nacnac oo hormuudka muxaafadka ugu jira wakiillada ka mid ah ayaa sheegaya inay haboon tahay in golaha la hor keeno mooshinka marka uu dib u furmo […]
Posted in Uncategorized | Read More »
Hargeysa:Sep,17,2015(SDN/QJ)-Guddoomiye-ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiillada Somaliland Md Baashe Maxamed Faarax, ka Hadlay halka uu marayo Dhexdhexaadintii laga dhex waday isaga iyo Guddoomiyihiisa iyo waliba Wada hdalka uu Prof Cali Khaliif ku baaqay inuu Somaliland la geli doono. Guddoomiye Baashe oo Saxaafadda Kula hadlay Magaalada Hargeysa, ayaa ugu horrayn si weyn usoo dhaweeyey dhawaaqa wada hadalka […]
Posted in Uncategorized | Read More »
Kismayo:Sep,17,2015(SDN/QJ)-Wararka ka imanaya Magaalada Kismayo ee Xarunta Maamulka Jubba Land, ayaa sheegaya in saraakiil maamulkaasi katirsanaa lagu laayey Qarax Miino oo meel qarsoodi ah lagu qariyey. Qaraxan oo ahaa Miino, ayaa la geliyay goob ay ku shiraan Saraakiisha ciidamada Jubbaland oo ku dhex taallo Xerada Shiirkoole ee magaalada Kismaayo, Xeradan waxa ay dacalka ku haysaa […]
Posted in Uncategorized | Read More »
Irving:Sep,17,2015(SDN/QJ)-Madaxweyne Obamaha Maraykanka, ayaa qasrigiisa ku casuumay Axmed Maxamed oo ah 14 sano jir Muslim ah oo dhigta dhigta dugsiga dhexe ee magaalada Irving, ee gobalka Texas, kaas oo Boolisku muddo saacado ah xabsiga ku hayeen Markii Saacad uu gacantiisa ku sameeyey loo maleeyey Bamnaano. Axmed oo ah arday jecel inuu gacantiisa ku sameeyo qalab […]
Posted in Uncategorized | Read More »
Hargeysa, 17,Sep 2015 (SDN/QJ)- Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa sheegay in soo afjarada iyo dhamaynta khilaafkii iyo gacan ka hadalkii dhawaan dhexmaray Guddoomiyaha Wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cabdiraxmaan Cirro) iyo Guddoomiye ku xigeenka Wakiilada Baashe Maxamed Faarax inay Golaha u taalo oo ay dhexdooda ka dhamaysanayaan. Xildhibaan […]
Posted in Uncategorized | Read More »