Home » 12:41 pm Entries posted on “September, 2015”

“Waxaa Nasiib daro ah in Madaxweyne Siilaanyo ka aamusay Masiirka Qaranka Somaliland oo Laba Daqiiqo u quudhi waayay inuu ka hadlo Xaalada dalka” Gudoomiye Ku Xigeenka Waddani DAAWO

Boorama 23.Sep 2015 (SDN/QJ)-  Ku simaha Gudoomiyaha Xisbiga Waddani ahna Gudoomiye ku Xigeenka 1aad ee Xisbigaas Mudane Axmed Muumin Seed ayaa ka hadlay Mawqifka Xisbigooda ee Iclaaminta Shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye iyo dhawaqa ka soo yeedhay Madaxweynaha Somalia ee ku aadan in somaliland  qayb ka tahay Shirkii Maamul Goboleedyada. Boorama  SDN/QJ contact@qurbejoog.com  

Posted in Uncategorized | Read More »

Dagaallo Ay Ku Dhinteen 20-qof Oo Saaka Ka Dhacay Deegaanka Qorilley Ee Gobolka Sool – (DAAWO SAWIRRADA)

Qoriley,23sep,2015(QJ/SDN)-Ugu yaraan 20-qof ayaa ku Dhintay, Tiro intaas ka badanna way ku Dhaawacmeen Dagaallo Culus oo ka dhacay Tuulada Qorilley oo 90-KM dhanka Koonfur-bari kaga beegan Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool. Dagaalkan oo u dhexeeya malleeshiyooyin beeleed oo horay ay Colaado u Dhex-mareen, waxaana dagaalka maanta dhacay uu ahaa mid culus oo ay isku […]

Posted in Uncategorized | Read More »

“Golaha Wakiiladdu Shaqo kuma laha ansixinta Heshiisyada Maalgashiga Shirkadaha Waddaniga ah” Wasiirka Beeraha

Hargaysa 23.Sep 2015 (SDN/QJ)- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ka warbixisay waxbadka kala duwan ee dawladdu ka hirgelisay degaannada bariga Sanaag, iyadoo sidoo kale jawaab ka bixisay hadallo dhaliil ah oo masuuliyiin ka tirsan xisbiga WADDANI u jeediyeen xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo. Wasiirka Beeraha Dr. Maxamed Aw Daahir Ibraahim oo saxaafadda la hadlay shalay, ayaa sheegay in […]

Posted in Uncategorized | Read More »

AL-SHABAAB: Weerarkii Madaxtooyada Waxaan ku beegsanaynay qolyihii ku shirsanaa Halkaas

Muqdisho,23sep,2015(QJ/SDN)-Afhayeenka Guud ee Xarakada Al-shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage [Sheekh Cali Dheere] oo ka hadlay Weerarkii is-miidaaminta ahaa ee habeen ka hor ay Al-shabaab la beegsatay Afaafka hore ee Madaxtooyada Somalia ayaa sheegay in Weerarkaas ay ku dileen in ka badan 30-qof.   Sheekh Cali Dheere oo ayaa intaas ku daray in weerarkaas ay ka […]

Posted in Uncategorized | Read More »

“Wejigii Hore Wuu Guulaystay Muuse Biixi,Balse Waxaa Bilaabmay Loolanka Wejigii labaad ee Xulista Ergooyinka”

Hargaysa 23.Sep 2015 (SDN/QJ)- Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo ay hareero taagnaayeen madaxweyne-xigeenka Cabdiraxmaan Saylici, xoghayaha guud ee KULMIYE Xasan Siciid Yuusuf iyo guddoomiye-xigeenka KKULMIYE Maxamed Kaahin Axmed, ayaa si rasmi ah u cayimay wakhtiga uu qabsoomayo shirka golaha dhexe ee KULMIYE oo ah 10 November 2015. Md. Biixi, oo hadalka ka jeediyay […]

Posted in Uncategorized | Read More »

“Horta Madaxweynihii aynu dooranay Xaguu Jiraa,Ma Maqan Yahay, Ma Joogaa,Meeshuu Jiro waan u baahnahay inaad iga Jaahil saartaan” Xildhibaan Obsiiye

Hargaysa 23.Sep 2015 (SDN/QJ)- Xildhibaan Maxamed Muuse Obsiiye(Gacan) ayaa shacabka weydiiyay su’aal ah halka uu ku dambeeyay Madaxweyne Siilaanyo. Xildhibaan Gacan ayaa ka tirsan golaha guurtida. Isagoo shalay saxaafadda la hadlay wuxuu yidhi  “Maanta hadalka aynu nidhaah waa waalalow,Shacabka Somaliland waxaan waydiinayaa Madaxwayne Cod badan ayaynu siinay kursiga uu fadhiyana Isaaq nimo ayaynu ku dooranay,wax […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Madaxweynaha Yemen Cabdurabbu Mansuur oo lix bilood kaddib ku laabtay Magaalada Cadan

Cadan,23sep,2015(QJ/SDN)-Madaxweynaha dalka Yemen, Abdulrabu Mansuur Haaddi ayaa dib ugu laabtay Magaalada Cadan ee dalka Yemen; kaddib 6-bilood oo dibad-joog uu ahaa. Haaddi ayaa ku sugnaa tan iyo markii uu Cadan ka cararay Horraantii sannadkan dalka Sucuudiga, iyadoo dagaallo xoog leh ay ka dhacayeen dalkiisa. Iyadoo dib u soo laabashadiisa ay calaamad ugu tahay in xoogagga […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Siyaasiga C.laahi Jawaan oo soo dhaweeyay Heshiiska Diridhaba ku dhex maray Somaliland iyo Itoobiya

Hargaysa 23.Sep 2015 (SDN/QJ)- Siyaasiga Cabdilaahi Cabdi Xaaji Cumar(Jawaan) ayaa hadlay heshiiskii dhinaca nabada ee dhex maray dawlada Somaliland iyo ismaamulka sSomalida kilalka shanaad ee Itoobiya.   Cabdilaahi Jawaan oo heshiiskaas soo dhaweeyay ayaa yidhi  “Heshiiskii ay wada gaadheen dawlada ismaamulka Somalida Ethiopia iyo  Somaliland waxa uu ahaa heshiis aad u qiimo badan  dan balaadhana […]

Posted in Uncategorized | Read More »

“Caqabada haysata Culuunta Bulshada” iyo Daraasad ay soo wada saareen Jaamacadaha Hargaysa iyo Jabuuti

Hargaysa 23.Sep 2015 (SDN/QJ)- Masuuliyiin iyo Barayaal-sare (Professors) oo ka tirsan jaamacadaha Hargeysa iyo Jabbuuti ayaa wada-jira u soo bandhigay xog la xidhiidha caqabadaha hortaagan cilmibaadhista culuumta bulshada (Social Science and Humanities) iyo dhibaatada ka hortaagan in cilmibaadhista culuumtani ay gaadho heerkii saxda ahaa ee looga baahnaa.   Kulan-aqooneed ay Cilmibaadhayaashan Culuumta bulshada ee labada […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Gudoomiyihii Olymbiga Somaliland Xasan Waraabe Cade oo Gebi ahaanba iska casilay Xilkaas

Hargaysa 23.Sep 2015 (SDN/QJ)-  Masuul xil sare ka haya Somaliland ayaa ku dhawaaqay in uu iska casilay xilkii uu ka hayay qaranka. masuulka is casilay oo ahaa guddoomiyihii olymbiga somaliland Xasan Waraabe cade oo Warbaahinta Qaar la hadlay ayaa sheegay in uu iska casilay xilkaasi, waxaana uu yidhi “Anigoo Ah Haldoor Hassan Waraabacadde Waxaan si […]

Posted in Uncategorized | Read More »